Cawil Ducaale: Waxaan Dalka U Joogaa Intaan Noolahay Inuusan Siilaanyo Madaxweyne Ka Noqon Somaliland!
 

 

Cinkawaanka xagga sare ku qoran wuxuu ka midyahay hadalladii naxliga ahaa ee  qabyaaladay snaa ee ummadda lagu kala faqooqi jiray ee uu ku hadaaqi jiray Wasiirkii Maaliyadda ee  xukuu maddii dhacday ee Udubtu horboodi jirtay ,waxaana la yidhi afkaaga oo ku xidhay oo ku furi  wa ayay waa Alle kaa goo, waxay kaloo Soomaalidu tidhaahdaa afxumo nabadna way kaa ka  xay saa colaadna wax kaagama tarto, ee Cawil Ducaale miyuu ku guulaystay mise waa uu ku  guul  dar aystay hadalkii ahaa “waxaan dalka u imid inuusan Siilaanyo madaxweyne ka noqon Somali land oo ragbaa igu ballamiyey”.

Waxaa kaloo Cawil Ducaale laga hayaa hadalkan kale ee deelqaafka ah oo aan looga baahnayn nin siyaasiya inay afkiisa ka soo baxdo wuxuuna yidhi “ Kuwan  lala ma murmo lalamana doodo dhagahana waa laga furaystaa talada dalkana waa laga ilaaliyaa oo markay u soo dhawaadaa nba si dhibyar baa looga hoos qaadaa” waxaana benisay go’aankii sh acab weynuhu codkooda ku siiyeen Md. Axmed Siilaanyo.

Akhristow hadalladii deelqaafka ahaa ee wasiirkii horee maaliyaddu ku hadli jiray ,waxay noqd een hal-bacaad lagu lisay iyo riyo ku beenooday oo ka dhigay ri’ isfaanisay aanse tabarteeda lahayn ,wuxuuna ahaa nin ka shaqeeya burburinta midnimada iyo nabad kuwada noolaanshaha beelaha Somaliland wada daga. Nasiib daradii haysatay dawladdii Madaxweyne Daahir Rayaale waxay ahayd iyadoo aan aqoon mugleh u lahayn rag badan oo ka mid ahaa kuwii ka ag-dhawa an jiray madaxtooyada, sababayna inay Udub burburto dalkiina la dayacay oo la iska halmaama y waajibaadkii qaranka ka saarnaa iyo dardar galinta hawlaha dawladda ee loo igmaday.

Waxaa la yidhi ayax tag eelna reeb ,taas waxaa la mida inay Udub tagtay laakiin ay eel badan reebtay hana beensanina inay wali Udub dalka qas iyo iska horkeen ka wado iyadoo soo  gasha tay shaadhkii awalba lagu yaqaanay ee Qabyaaladda. Waxaa ka mida shaadhka ay immika soo xidheen inay suuqa la meereysanayaan dawladda cusubi waxay wadaa waa aargoosi, maxaa annaga kaliya naloo baarayaa oo hanti-dhawrkii qaranka na tusay sawtii xoolaha ummada la w ada boobayay. Hadalladaasi waa kuwo ay ku beer laxawsanayaan dadkii ay dayaceen oo ay lun sadeen xoolahoodii. Waxaad eegtaan gobollada bariga Somaliland siiba qaybta Cawil reerkoodu ka dagaan waa meelaha ugu hormar liita dalkoo dhan ee ma maantuu tol yeeshay. Kuwa u cala acalaya Cawil Ducaale ha ogaadeen inuu Muuse Carre ka xaaraantinimeeyey xuquuqdoodii oo aysan xubin qudha ku lahayn baarlamaanka iyo golaha guurtida isagaana u sababa guuldarada siyaasadeed ee beeshiisa ku habsatay ee HY dib isugu noqda intaad looma ooyaanka u ooyays aan!!!

Hanti-dhawrku ninna duulimaad kuma ahan dawladduna wax aargoosi la yidhaahdo mataqaan siyaasddeedana kuma jirto inay daba gal ku sameyso wixii foosha xumaa ee reer Udub dalka ka sameyn jireen ee waxay doonaysaa inay wax saxdo oo xoolihii ummadda laga lunsaday ay hubs ato meesha ay galeen iyo cidda mas’uuliyadeeda iskaleh waana mid ka go’an hanti-dhawrka qa ranku inuusan joojin doonin baadhitaanka madaxa bannaan ee ay wadaan dadkana waxaan u sheegaynaa inaan cid gaara loola jeedin ee ay wada saamayn doonto mas’uuliyiintii lagu tuhun sanaa inay lunsadeen hantidii qaranka ee yaan shaydaan harag idiin lulin kana digtoonaada er ayda qallafsan ee ay isticmaalayaan kuwii xoolihii ummada dhacay waanad arkayseen waraaq dii uu soo qoray Cawil Ducaale isagoo madaxweyne Siilaanyo ka codsay inuu joojiyo qubuuraha la soo fagayo taaso haddii la sii wado fagitaanka cidda ugu horreysa ee ceebtiisu dibadda u s oo baxaysaa ay noqondoonto kuwa durba madaxweyne Siilaanyo lugaha iyo gondaha qabsad ay oo leh yaan nala qaawin.


Waxaa la yidhi inkastow durdur iyo dabaal-galo doofaar waligi ma daahirmo ee madaxweyne ha u joojin nimaan dahirmayn hana aaminin waraaqda uu kuu soo daraaf gareeyey ee ogow waa been abuurkii Udub. Waxaad kalood ogaataa madaxweyne in maanta dhacdooyinka iyo oday dh aqmeedyada soo dabo dhisanaya ay la soo shireen Udubtii duntay oo shaqadeedii noqotay sidii ay u curyaamin lahayd dawladda cusub. Madaxweyne waxaad ka qaadaa tillaabo millatari cid k astoo isku dayda inay majaro habaabiyaan himilooyinkii laguu soo doortay iyo midnimada Soma liland. Gacmo bira ku qabo oday-dhaqmeedyada aan garanayn waajibaadka ka saaran nabad  g alayda iyo walaalaynta beelaha Somaliland waana kuwo markay waayeen malabsigii xaaraanta ahaa ee Daahir Rayaale baray ,caradii kugula soo dhacay ee u danee dadweynihii ku soo  doort ay hantidoona u ilaali oo yaysan ku bixin meelaysan ku habboonayn.

Gabagabadii waxaan leeyahay maanta Somaliland way ka gudubtay inuu oday jaahilihi u hanja bo dawladdii shacabku soo doortay markaa si loo helo kala danbayntii iyo nidaamkii dawladnimo ood xilligii ololaha aad madaxweyne ballanqaaday waa in oday-dhaqmeeyadu ku ekaadaan  xay ndaabkooda odaynimo oo aan marnaba fursad loo siin inay dawladda ku dirqiyaan waxay doona yaan iyo ninkan baan wadanaaye madaxweyne noo meelee. Madaxweyne nin siyaasiya oo  aqo onyahana oo khibrad dheer u leh hoggaaminta (leadership) ayaad tahay ee yaysan koofiyad-bacadlayaasha la soo Udubeeyey jar kaa tuurin ee ku qadee intaysan kugu cashaynin!!!



Wa Billaahi Tawfiiq

 

 

 

Qalinkii: Shueib A. Yusuf
Abu Dhabi/UAE
gabose55@hotmail.com