warsaxaafadeed qeylo dhaan ah

 

Ceerigaabo(Longlivesomaliland News)-Ururka horuu marinta Degmada  Ma ydh(MDO) wuxuu halkan ku soo gudbinayaa codsi qaylo dhaan la xidhiidha wax ka qabasho deg-deg ah taas oo ku saabsan Wadada Buurta Tabca ee isku xidha Degmooyinka C/gaabo ilaa Maydh &Guud ahaan xeebaha  Gobo lka sanaag taas oo ay soo gaadhay dhibaato aad u weyn ka dib markii  ro obab aad u xoogani halkaa ka de'een isla markaana khasaare soo  gaadhs iiyeen wadada.

Jidka tabca oo la dhisay xili haatan laga joogo qiyaastii lixdameeyo sano wuxuu halis ugu jiraa inuu guud ahaan meesha ka baxo hadii aan si  dhaq so ah looga hawl gelin sidii wax looga qaban lahaa taas oo u baahan  gurm ad deg-deg ah.

Urururka horuu marinta Degmada Maydh wuxuu halkan codsi deg deg ah uga jeedinayaa Dawlada Somaliland,Hay'adaha Gar-gaarka iyo Guud  aha an cidii kale ee taakulo ka geysanaysa sidii wax looga qaban lahaa  wadad a tabca oo ah mid ay ku tiirsan tahay nolosha kumanaan qoys oo iyagu  a an awoodi karin xiligan inay hawshaa wax ka qabtaan.


Ururku wuxuu halkan ku xusayaa dedaalka wanaagsan ee ay sameeyeen odayaasha degaanka kuwaas oo xiligan ku hawlan shaqo ay ku  baajinaya an in jidka gebi ahaanba xidhmo.

Waxa kale oo Ururku xoojinayaa baaqii ka soo baxay 30.09.09 xafiiska  gu doomiyaha degmada maydh Sh Siciid Sh Yuusuf kaas oo uu kaga dalbaday xukuumada hay'adaha iyo qurba jooga reer sanaag inay u soo gurmadaan wax ka qabashada arintan.

Alaa Mahad leh



Xuseen Ducaale Caraale
Agaasimaha Fulinta ee Ururka MDO