Chief Of Cabinat-Ka Madaxtooyada Oo La Sheegay Inuu Gidaar U Dhiibay Salaadiinta Subeer Awal Oo Balan La Lahaa Madaxweyne Siillaanyo
 


Waxa La Sheegay In Xirsi Xafiiskiisa Fadhiisiyay Kuna Yidhi Isuga Inta Aan Usoo Sheegayo  Madaxwey naha Imaatinkiina, Kadib Markii Salaadii Duhur Loogu Eedaamay Kuna Soo Noqon Waayey Ay Ka Soo Huleeleen

Hargeysa, January, 20 2011 (TNN) –Chief of Cabinat-ka Madaxtooyada Xirsi Cali Xaaji Xasan ayaa la sheegay in salaadiinta Beesha Subeer Awal oo Madaxweyne Siilaanyo Madaxtooyada Balan rasmi ah kula lahaa uu xafiiskiisa fadhiisiyey markii ay gacnta ka galiyeen Waraaqaha ogolaanshaha kulanka Madaxweynaha ee laga gooyo xafiiska Baratakoolka.

Xirsi Cali Xaaji Xasan ayaa ilo wareedyo aanu ka helay Madaxtooyada ay sheegeen in  Madax  dhaqa meedyaasi uu ku wargeliyey in xafiiskiisa ay ku sii sugaan inta uu madaxweynaha u soo sheegayo imaatinkooda, hase yeeshee la sheegay markii ay gaadhay Eedaankii Salaada Duhur kuna soo noqon waayey ay madaxdhaqameedyadu ka soo Huleeleen Madaxtooyada.

Salaadiintan beelaha Subeer Awal ee Madaxweyne Siilaanyo la balansanaa inay la kulmaan oo uu  hog aaminayey Suldaanka guud ee beelaha Subeer Awal Suldaan Xasan Suldaan C/laahi Suldaan  C/raxm aan oo ay wehelinayeen Aqlabiyada Salaadiinta beelahaasi oo ay ka mid ahaayeen Suldaan Axmed Nuur C/llaahi Samaale, Suldaan Cismaan Cali Kooshin, , Suldaan Shariif Batuun, Suldaan Xiis Barre iyo Salaadiin kale, ayaa ilo wareedyo lagu kalsoon yahay oo ka ag-dhaw qasriga Madaxtooyadu ay  Haat uf u xaqiijiyeen, in Salaadiintaasi beesha Subeer Awal oo Chief of Cabinte-ka Madaxtooyadu Xirsi Cali Xaaji Xasan uu fadhiisiiyey xafiiskiisa abaara 10:00 subaxnimo, kuna wargeliyey inuu Madaxweynaha balanta imaatinkooda uu la socodsiinayo, balse markii ay fadhiyeen ilaa Salaadii Duhur, isla markaana uu dib ugu soo noqon waayey cid kale oo jawaab ku soo celisana ay waayeen ayaa la sheegay iyagoo muujinaya dareemo cadho leh iyo shucuur ay ka muuqato sida loola dhaqmay ay ka soo noqdeen.

Chief of Cabinte-ka madaxtooyada Xirsi Cali X Xasan ayaa lagu tilmaamaa in marti sharafta iyo  dadw eynaha Somaliland ee u socda xafiiska madaxweynaha, inuu si qayrul masuulnimo ah u warwareejiyo, isagoo inta badana lagu eedeeyo inuu cidda uu doonana u sii daayo Madaxweynaha cidda uu  doon ana ka hor joogsado, xataa masuuliyiinta golaha Xukuumadda ayaa la sheegay in aanu ixtiraamin, isla markaana aanu u joojinin awood kasta oo xileed oo ay ku magacaaban yihiin.
 

Source:Haatuf