CID-da oo Qirtay in Xeer-Ilaaliyuhu Codsaday in Sheikh Aadan Siiro Baadhitaan lagu Sameeyo, balse Sheegtay inaanay Arrinkaa Weli Fulin
 

Hargeysa (TNN)-Madaxa CID-da JSL Daahir Muuse Abraar ayaa warbaahinta u sheegay in  X eer-Ilaaliyaha Guud uu ka codsaday inay soo baadhaan Sheekh Aadan Siiro ka dib markii uu Sheekh Aadan si isdaba jooga uga hadlay kiiska nin Jermal ah oo ku xidhan Hargeysa.

Waxa maalmahan la isla dhexmarayey warar sheegaya in xukuumadda Somaliland ay Sheekh Aadan Siiro la damacsantahay xadhig. Waxay arrintaasi ka dambaysay markii uu Sheekh  Aa dan Siiro si isdaba jooga uga hadlay arrinta nin ajnebi ah oo lagu xidhay Somaliland ka dib  mar kii lagu soo dacweeyey falal anshaxa diinta Islaamka iyo dhaqanka dalkaba ka baxsan. Sida uu Sheekh Aadan Siiro baahiyey wuxuu indhiisa ku arkay sawirada uu ninkaasi ka qaaday dumar reer Somaliland ah oo ceeb fool xun ah, waxaanu ka codsaday xukuumadda oo ninkaa muddo 10 cisho ah ba xidhan in degdeg loo horkeeno maxkamad. Wasiirka Arrimaha Gudaha Dr. Maxa med Cabdi Gaboose ayaa hase yeeshee si kale u dhigay arrinta isaga oo leh maxkamad baa kiiskiisa laga hor caddayn doonaa, culimadda ka hadashay arrintaasina ha keenaan  cadeema hooda.

Waxa ka dibna soo ifbaxay warar sheegaya in Sheekh Aadan looga yeedhay xarunta CID-da. Arrintaas oo shacabka Somaliland werwer ku abuurtay. Madaxda Sare ee Xisbiga talada haya ee Kulmiye ayaa iyagu si gaar ah u cambaareeyey arrinta Sheekha loogu yeedhay. Waxay arri ntaasi kale oo aad ugu cadhaysiisay dadweynaha reer Somaliland oo in badan ugu muu qatay cagajugleen ay kula kacday Sheekh Aadan Siiro.


Waxaanse marna si rasmi ah u soo shaac bixin inay arrinta baadhitaanka Sheekh Aadan tahay mid dhab ah iyo mid uun suuqa soo gashay. Hase yeeshee waxa si lama filaan ah warkaa u  dh abeeyey taliyaha CID-da oo isaga oo Wargayska Madaxbanaan ee Haaruf u waramay da firay inay CID-du baadhitaan ku samaysay Sheekha balse ay jirto warqad rasmi ah oo Xeer-Ilaaliy uhu ku amray in arrintaa baadhis lagu sameeyo. Wuxuu Taliyuhu se sheegay inaanay weli  am arkaa fulin.

Ma cadda sababta uu u fulin waayey amarkaa maadaama ay khasab ku tahay in dembiga uu gacanta ku hayo Xeer Ilaaliyhu ay CID-du ka soo gun gaadho haddii sidaa ay maxkamadda iyo xeer Ilaalihu ka codsadaan. Iyada oo uu xilkoodu yahay in waxa ka jira falka iyagu soo  baadh aan xogtana horgeeyaan maxkamadda iyo xeer ilaalinta oo iyagu markaa ku shaqo leh inay dacwad iyo kiis furan iyo in kale.


Sheekh Aadan Siiro wuxuu ka mid yahay Sheekhyada ugu caansan JSL. Wuxuu Sheekhu isku taxalujiyaa waxtarka ummadda isaga oo samafal aad u balaadhan gaadhsiiya danyarta, dha linyarada iyo dadka maskaxda wax ka qaba. Wuxuu Sheekh daryeelaa qoysas iyo caruur aad u tiro badan. Wuxuu Sheekhu aad ugu adag yahay jiritaanka Somaliland iyo cadaaladda. Wuxuu cambaareeyaa falalka musuqmaasuqa. Sida ku cad warsaxaafadeedkii Mudane C/Cabilqaadir Faarax, Guddoomiyaha labaad ee Xisbiga talada haya ee KULMIYE waa nin aan geyeyn falkaa xeer ilaaliyuhu la damacsanyahay.


Ilaa imika ma cadda in Xeer Ilaaliyuhu arrintaa ka noqday iyo inuu weli ka sugayo CID-da macl uumaadkii dembi baadhis ee looga baahnaa ee weli sida uu sheegay mudane Abraar aan weli lagu dhaqaaqin.


Source: Waaheen