Cigaalow Col hortii jabay!

 

 

Nabad akhristayaasha sharafta lahoow.


Inta aynaan mawduuceenna sii gudagelin, aynnu soo qaadanno sheekadii la sheegay; in cinwaanka dulucdani ku yimid ee dhexmartay Cigaal Shiidaad iyo afadiisii.


Waxa la sheegay, in ninka la odhan jirey, Cigaal Shiidaad oo ay Soomaalidu fuleynima da heerka ugu sarreeya ugu halqabsato; in uu maqlay, in col ku soo fool leeyahay. Dabadeedna wuu fikiray, si uu uga badbaado ciidanka ku soo socda. Cigaal oo ahaa ni n aad u caqli badan, ayaa islaantiisii u yeedhay oo ku yidhi," Naa orodoo col ka hortag adiga ooyaya oo leh, Cigaalow col hortii Jabay!" Isaga oo doonayey, in ciidankaasi u qaato; in Cigaal hortoodba dhintay.


 

" Taag haddaan waayey, ma tabbaan garan waayey?"
 


 

Haddii aad u kuurgashid dhaqannada bulshadeenna reer Somaliland ee aynnu xataa k aga duwan tahay Soomaalida kale, waxa ka mid ah:


 

  • Ninkaa dilka - gaar ahaanna madaxda iyo haldoorkaba
  • Adadayga iyo is-ku-tudhid la'aanta
  • Isxaqiraadda iyo wixii la mid ah


 

Haddaba, si aynnu u fahamno ujeeddada aan mowduucan maanta u soo qaatay; bal aynnu eegno dhawrkan tusaale.


 

Tusaalaha Koowaad:


 

Bal dhuux oo dhandhanso naanaysaha aynnu bulsho ahaan isugu yeedhno - gaar aha anna dhinac labka iyo madaxdeenna marka aynnu sheegeynno.


 

Haddii aad u fiirsatid, sida aynaan magaca madaxdeenna u qiimaynin; waxa tusaale kuugu filan:

 

 

  1. Madaxweynaheennii koowaad (Ihun) waxaynnu ugu yeedhi jirneyn, Tuur
  2. Kii labaadna (Ihun) waxaynnu odhan jirney, Ina Cigaal
  3. Kii saddexaadna, Ina Riyaale
  4. Madaxweynihii afraadna, Siilaanyo
  5. Madaxweynaha haatanna, Ina Biixi

Halkaasi waxaynnu si cad uga arkaynaa, in meeshaasi xurmodarro ku jirto - weliba y araysi ahi. Marka aad madaxdaada adigu xurmayn weydid, ayaa tolow hadhka u jiidi doona ee ka haybadeysan?

 

Dhinaca kale, haddii hadalkeennu uu ku soo ururo; Ina hebel iyo naanaysta ugu xun, si dayu Bani'Adamka ula tallaabsan? Meedayse shareecaddii Islaamka ee waxaasi inaga reebtay? Bal akhri, Suuratulxujuraat iyo axaadiista ka sugnaaday, rasuulkeennii suu bbanaa (NNEKH) ahaatee.


 

Tusaalaha Labaad: 
 

Waxa iyaduna beryahan dambe innagu soo biirtay, arrin kale oo tii  horaba sii barad heeraysay oo ah:

Xaqiraadda madaxda iyo xukuumaddaba!

Waxaynnu beryahan dambe qoraal iyo qiraalba ku haynnaa, dad caadeystey; cayda xukuumadda iyo beelaha Somaliland qaarkoodba. Magacyada la adeegsadana waxa ka mid ah: Xukuumadda Jeegaanta, Xukuumadda Kulmiye, Maamulka Kornaylada (waa m adaxweyne Muuse Biixi iyo mudane Maxamed Kaahine). Yaab! Qoodhaa iyo xeradaa ye, ma kuwii ku xoreeyey ayaa xaqiraysaa!!?


 

Waxa la yidhi, "Ruqe ninkii lahaa dabada kaga taagan yahay, ma kaco!"


 

Halhayskaasi waxaynnu uga dan leenahay, haddii aynnu innagu sii bahdilno; madaxdeenna iyo xukuumaddeennaba, tolow yaa hadhka u jiidi? Miyaanay ahayn, "Cigaaloow col hortii jabay."


 

" Inkastuu nin geesiyi, rag u geed adayga yahay

Haddaan garabka lala qaban, guri oodi maayee!!"


 

Wa bilaahi At-towfiiq

 

 


 

 

Cabdullaahi Maxamed Cumar

Email: timacadde56@hotmail.com