Ciidamada Bileyska Boorama Oo Xabsiga Dhigay Dhalinyaro Iyo Saxafiyiin La Sheegay Inay Abaabulayeen Mudaharaad Lagu Taageerayo Fikiro Ay Wataan Koox S/land Diid Ah

 


Boorama, April 3, 2011 (TNN) – Ciidamada Amaanka ee Magaalada Boorama ayaa shalay xabsiga u ta xaabay Dhalinyaro iyo Suxufiyiin lagu eedeeyey inay abaabulayeen, isla markaana taageerayaan firo ay wataan dad Somaliland diid ah oo ku dhaqan Waqooyiga dalka Maraykanka, kuwaas oo ka soo jee da gobolka Awdal.

Dhalinyaradan ayaa la sheegay inay magaalada Boorama ay ku daadiyeen waraaqo ay ku xardhan yihiin Awdal State oo ka dhan ah qaranimada iyo Jiritaanka Somaliland, taas oo wararku ay intaa ku dareen in kooxdan fikirkan wadataa oo qurba joog ahi ay ka soo horjeedaan gooni isku taaga  Somalil and, isla markaana ay u olalaynayaan wax ay ugu yeedheen maamul goboleedka Awdal (Awdal State).

Suxufiyiiinta Jaabir Cali Cumar iyo Jirde Axmed oo ka mid ah weriyayaasha ka hawlgala magaalada  Bo orama iyo lix kale oo dhalinyaro ah ayay ciidanka Booliska ee magaalada Boorama ku xidheen saldhiga dhexe ee magaalada Boorama, sida uu ku soo waramayey wariyaha Haatuf ee gobolkaasi Awdal  Has him Goth, ayaa mar uu la xidhiidhay Taliyaha qaybta Booliska ee gobolka Awdal Maxamed Cabdi uu u sheegay in saxafiyiintaas iyo dhalinyaradaasba loo haysto waraaqo ay ku qornaayeen arimo ku lidi ah Somaliland, isaga oo arimahaas ka hadlaya, waxa uu yidhi “Warka oo gaaban nimankaasi way xidhan yihiin, waana eedaysanayaal, haddii wax lagu waayana waa la iska soo dayn, hadii kale Maxkamad ayaa la horgayn doonaa, waana 8 dhalinyar ah marka la isku geeyo”.

Mar aan weydiinay in dhalinyartaa loo Haysto Waraaqo la sheegay in lagu daadiyey Boorama oo ay ku qornaayeen Awdal State ayuu taliyuhu carabka ka dhawray in uu faahfaahin intaas dheer ka sii bixiyo wuxuuna yidhi ” Waa sidaas”.

Labada Weriye ayaa ka kala hawl gala qaybaha kala duwan ee warbaahin ee magaalada Boorama, Wa riye Jaabir ayaa isagu ka hawlgala Shabakada wararka Booramanews iyo Jirde oo ka hawlgala mid ka mid ah Wargaysyada.

Sidoo kale Wararka Qaar ayaa sheegaya in weriyayaashani ay sawiro ka qaadayeen dhalinyaro dama csanayd inay mudaharaad ku taageeraan koox qurba jooga reer Awdal ah oo maamul goboleed AW DAL STATE ah kaga dhawaaqay Waqooyiga Maraykanka.

Arimahan ayaa ku soo beegmay wakhti ay dadka reer Awdal dhaliilayaan maamulka gobolka Awdal ee ay xukuumada Somaliland u soo magacawday, taas oo ay dad badani saluugsan yihiin masuuliyiinta u gu saraysa ee gobolka.

Dhinaca kale Axmed Muumin Seed oo ka mid ah gudida fulinta ee xisbiga UCID ayaa cambaareeyay  xa dhiga weriyayaasha, isla markaana ku tilmaamay cabudhin ay xukuumadu ku samaynayso  warbaahi nta, wuxuuna ku baaqay in degdeg loo sii daayo. Mr Seed oo wargeyska Haatuf kula soo xidhiidhay khadka Telefoonka isaga oo jooga Hargaysa, ayuu cambaareeyey xadhiga weriyayaashaas.

Dhanka kalana waxaa jira shaqo la’aan baahsan oo ay ka cabanayaan dhalinyarada reer Awdal gaar ahaan qolyaha ka soo qalinjabiyay jaamacadaha Dalka, dhalinyartaas oo inta badan ku andacooda in aan shaqo laga siin dhanka Xukuumada dhexe hay’adaheeda, isla markaana lagu sameeye hayb sooc, taas oo ay sheegaan in Siyaasiyiinta Awdal ee Dawlada dhexe iyo dhalinyaradu aanay lahayn xidhiidh ka dhexeeya, isla markaana aanay haysan Wasiiro shaqo geeya.

Si kastaba ha ahaatee Hawadan cusub ee kaga imanaysa qaar ka mid ah Dhalinyarta gobolka Awdal dhanka qurbajooga Awdal ee dibada ku dhaqan qaarkoood ayaa noqon karta in ay dhalinta qaarkood u dheg raariciyaan isla markaana run u qaataan.

Isku soo wada duuboo waxa xukuumadda Somaliland la gudboon in dagdag baadhitaano badan loogu sameeyo cid dhabta ah ee ka danbaysay falalkan ka dhacay magaalada Boorame oo dhaawac wayn u gaysan kara Sumcada Somaliland haddii aan waxba laga qaban.

 

Source:Haatuf