Ciidamada Qaranka Oo Dhirbaaxo Kulul Ku Dhuftay Nabad-diidka Bu hoodle Kana Qabsaday Saldhigii Hagoogane Iyo Kooxda SSC Oo Ku Hanjabtay Inay Weerar Soo Qaadi Doonaan

 


 


“Waxa Dhinaca Buhoodle Ka Dhintay 7 Qof 4 Qofna Waa Laga Dhaawacay, 18 Maxbuusna Waa laga Qabsad ay”Afhayeenka Maleeshiyada Nabad-dkiidka Buhoodle C/risaaq Bakayle


Hargeys, January 31, 2011 (TNN) - Ciidamada Qaranka Somaliland ee ku kala dhex jiray beelihii colaadu ku dhex martay deegaanka Kal-Shaale ayaa la sheegay inay weerar ku soo qaadeen Maleeshiyada Nabad-dii dka Buuhoodle, kadib markii ay dablay Maleeshiyada ka tirsani ay gaadhi Tikniko Ciidanka Qaranku leeyahay ay la beegsadeen Baasuuke, balse aanay Saraakiishii la socotay ee Ciidamada Qaranka Ka tirsanaa Wax Khasaare Ahi Soo Gaadhin.

Dagaalkan dhex maray ciidamada qaranka Somaliland iyo Maleeshiyada Buuhoodle oo la sheegay inuu ahaa dagaal balaadhan oo si weyn looga dareemay Jiidaasi ayaa la isku adeegsaday hubka noocyadiisa kala  duw an, kaas oo la sheegay inuu socday muddo dhawr saacadood ah oo la isku gabaldhacsaday.

Ugu yaraan inta la ogyahay dagaalkaasi ayaa la sheegay inay ku dhinteen 9 qof kuna dhaawacmeen 7 qof oo laba Askari ciidanka qaranku ay ku geeriyoodeen hal Askarina kaga dhaawacmay, halka Maleeshiyada Nabaddiidka Buhoodle ay kaga dhinteen 7 qof kagana dhaawacmeen 5 qof, halka ciidamada Qaranku ay  Ma xbuus ahaan ku qabteen 18 qof oo isla xalay la keenay degmada Qori-lugud.

Afhayeenka Maleeshiyada SSC C/risaaq X Bakayle oo aanu khadka Telefoonka xalay kula xidhiidhnay isagoo ku sugan degmada Buuhoodle ayaa isagu sheegay inay si rasmi ah u soo gali doonaan dagaalka isla  markaa na ay weerar ku soo qaadi doonaan ciidamada Qaranka Somaliland ee qabsaday Hagoogane, isagoo intaa ku daray in dhinaca Buhoodle ay ka dhinteen dad gaadhaya todoba qof Afar Qofna dhaawac ahaan loo  kee nay magaalada Buhoodle xalay fiidkii.

Sidoo kale Ciidamada Qaranka Somaliland oo hadda Gacanta ku haya Saldhigii Maleeshiayda Nabaddiidka  Bu hoodle ee Hagoogane ayaa iyagu heegan culus ku jira, isla markaana difaac adag ka galay weerar kasta oo kaga yimaada dhinaca Buhoodle.

Afhayeenka Maleeshiyada Buhoodle C/risaaq Bakayle oo ka hadlaya Dagaalkaasina waxa uu yidhi  “Ciidama da qaranka Somaliland ee fadhigoodu yahay Kal-shaale iyo Maygaagle ayaa laba kor joogto oo ka kala  tirs an labada beelood ee Qori-lugud iyo Buuhoodle oo is rasaaseeyay kala dhex galay, kadibna ciidanka  qaran ka ayaa ciidamadii beesha Buuhodle ee fadhiyay Hagoogane weerar ku soo qaaday, dhimasho badana u  ge ystay, ilaa hadda intaanu ognahayna waxa dhinacan ka dhintay todoba qof afar qof oo dhaawac ahna  mag aalada ayaa la keenay, balse subaxa (maanta) ayaanu dagaalka si rasmi ah usoo galaynaa waxaanan  weer ar ku soo qaadaynaa ciidanka Qaranka ee qabsaday Hagoogane”.

Ilo wareedyada aanu xalay ka helnay jiida Buuhoodle iyo Hagoogane ayaa noo sheegay in dagaalkii cuslaa ee halkaasi ku dhex maray ciidanka Qaranka iyo maleeshiyadii soo weerartay oo isku gabal dhacsaday, ay aa la sheegay in jawi colaadeed oo abaabulan laga dareemayo deegaanadaasi, gaar ahaan magaalada  Buu hoodle ayaa si weyn looga dareemay in gurmad dagaal oo ku wajahan jiida Hagoogane.

Waxa kale oo wararku intaa ku darayaan in dhaawacyo iyo Maydad ka mid ah Maleeshiyada Buuhoodle ay kaga carareen goobta dagaalku ka dhacay, isla markaana ay xalay jiidaasi ka daabulayeen dhaawacyadii iyo Maydadkii ay ka yaaceen.

Dhinaca kale Taliyaha Ciidanka Qaranka Somaliland General Nuux Ismaaciil Taani oo aanu xalay khadka  Telef oonka kula xidhiidhnay ayaa ka gaabsaday inuu wax faahfaahin ah ka bixiyo dagaalkaasi dhacay, sidoo kale mar aanu isku daynay in aanu khadka Telefoonka kula xidhiidhno Wasiirka Gaashaan dhiga Axmed Xaaji Cali Cadami ayaanay noo suurto galin in aanu ku helno khadka Telefoonka.


Source:Haatuf