Ciidamada Somaliland Ayaa Amniga Gobolka Sool Ee Diiwaangelintu Ka Socoto Adkeeyay Ka Dib Markii Laba Sarkaal Si Gaadmo Ah Saaka Loogu Toogtay

 

 

Niman hubaysan oo ka tirsan dadka dega Magaalada Widh-widh oo uu dhexaysa Buuhoodle iyo Laascaanood ayaa si gaadmi ah u dilay laba Sarkaal oo ka tirsan Ciidanka Qaranka oo Magaaladaasi u tagay sugida amaanka maadaama hawlihii Diiwaangelinta Muwaadiniintu ka socoto Gobolkaasi.

Ciidamo xoogan oo gurmad ah ayaa jiidaasi si weyn isugu gadaamay iyagoo baadi goob ugu jira gacan ku dhiiglayaashii falkaa gaadmada ah u laayay saraakiisha ka tirsan ciidanka Qaranka, waxaanay wararka naga soo gaadhayaa Magaalada Widh-widh sheegayaan inay ciidamadu khasaare u geysteen gurigii laga toogtay Saraakiisha oo sida la sheegay uu lahaa ninka falka fuliyay oo Maamul Goboleedka Puntland Gudoomiye degmada ugu magacawnaa.

Wasiirka Wasaarada Gaashaandhiga Somaliland ayaa sheegay inay Ciidamada Heegan u galeen sidii nimankaasi falka geystay loo soo qaban lahaa waxaanu xusay waxgaradka,Madaxdhaqameedka iyo Dadweynaha deegaankaasi ay si fiican u wada shaqaynayaan isagoo sheegay falkaasi inuu ahaa fal gaadmo ah oo aan hawlaha diiwaangelinta waxba u dhimaynin.


Dhinaca kalena Gudoomiyaha Gudida Doorashooyinka Qaranka Max’med Ismaaciil Kabaweyne oo aanu la xidhiidhnay ayaa noo sheegay diiwaangelintii Gobolka Sool inay si fiican u socoto, waxaanu intaa raaciyay ciidamada Qaranku inay si weyn u sugayaan Amaanka Jiidaasi isagoo sheegay falkii lagu toogtay Saraakiisha Ciidanka Qaranka inuu hor-istaagayn xaqiijinta himilada shacbiga Somaliland.

 

 

 

Waaheen