Ciidamo Isugu Jira Milatari Iyo Booliska Ayaa La Geeyay Goobo Diiwaangelintu Ka Dhici Lahayd Oo Rabshado Ka Dhaceen

 

Xukuumada Somaliland ayaa ciidamo dheeraad ah u dirtay jiida u dhaxaysa Gobolka Gabiley iyo degmada Baki oo ka tirsan Gobolka Awdal, halkaasoo ay dad deegaanka ka tirsani saaka albaabada u laabeen afar goobood oo ay diiwaangalintu ka dhici lahayd, taasoo sababtay in qalabkii diiwaangelinta lagu samayn lahaa la bililiqaysto dhaawacna soo gaadho qaar ka mida Booliskii ilaalinayey goobahaasi .

Warar ku dhaw-dhaw deegaankaasi ayaa sheegaya in Taliyaha Ciidanka Qaranka Somaliland Nuux Taani oo ka soo jeeda deegaanka Gabiley uu u diro jiidaasi Ciidamo Milatari ah oo xoojiya amniga jiidaasi oo laga baqayo in iska horimaad ku dhexmaro dadka deegeenkaasi, sidoo kale Ciidamo Boolis ah ayaa iyana lagu Xoojiyay goobahaasi muranku ka taagan yahay oo ilaa doorashooyinkii hore la isku haystay, ayaan waxa maaro loo hilin iyagoo dhinacyada dhulkaasi degan qolaba geestooda u sheeganayso inay deegaankaasi leedahay. Dedaalo iyo shirar ay xukuumadda iyo odayaal dhinaca deegaanka Bari ee dhulka la isku haysto u dhashay ay wada yeesheen ayaan ilaa hada wax natiijo ahi ka soo bixin, inkastoo kulamadii ugu danbeeyay lagu kala kacay.

Ismaaciil Nuur oo ka tirsan Koomishanka Doorashooyinka oo shir Jaraa’id maanta ku qabtay Magaalada Boorame ayaa isna Ciidamada Booliska ku eedeeyay inay dayaceen qalabkii goobahaasi yaalay oo ay dadweynuhu qaateen, waxaanu sheegay inay dayaceen alaabtaasi oo ay difaaci kari waayeen.

Qalabka diiwaangalinta ee ay dadweynuhu boobeen ayaa la sheegay in gacanta dawladda dib loogu soo celiyay, wallow dadka qaarkood sheegayaan inay wax maqan yihiin.

Dhinaca kalena waxa caawa dib u dhacay shir ay waxgaradka iyo madaxdhaqameedyada Beesha Bariga dhulka la isku haysto degani ay kaga hadli lahaayeen go’aanka ay ka qaadanayaan dhacdada deegaankaasi ka dhacay oo ay mudaba ka hadlayeen.waxaanay caawa ergo u direen koox Wasiiro ah oo Beeshaa ka soo jeeda kuwaasi oo ay fareeen saddex xaalo inay xukuumadda kala soo hadlaan waa ta koowaade in Ciidamada jiidaasi la dejiyay lagu khasbin in si xooga dadka looga diiwaangaliyo iyo inay xukuumaddu kala saarto muranka lahaansha dhulkaasi.

 

 


waaheen