Ciidamo Itoobiyaan Ah Oo Shalay Laba Qof Ku Dilay, Saddex Kalena Ku
Dhaawacay Duleedka Gaashaamo, Lana Wareegay Dhaawacyadii Iyo
Gaadhigiiba.
Magacyadda Mid Ka Mid Dadka Dhintay + Saddexda Dhaawaca Ah + Xaalada
Deegaankaasi Oo Kacsan
Gaashaamo (TNN) – Ciidamadda dawlad deegaanka Soomalida Itoobiya ee
loo yaqaan Liyuu Bo oliska ayaa inta la ogyahay shalay laba qof ku
dilay saddex kalena dhaawacyo ugu geystay d uleedka Magaaladda
Gaashaamo ee gudaha kililka shanaad ee Itoobiya.
Ciidamada Liyuu booliska ayaa la xaqiijiyey inay rasaas huwiyeen
gaadhi Surf ah oo Jaad ka qa aday Magaaladda Burco kuna sii jiiday
Gaashaamo, halkaana ay ku naf-waayeen laba qof, kun a dhaawacmeen
saddex kale.
Gaadhigan ciidamada Itoobiyaanku rasaasta khasaaraha keentay ku
rideen ayaa la sheegay inuu wakhtigaa marayey inta u dhaxaysa
deegaanada Xal-Xalis iyo Dhago-dheere oo aan wax badan ka
durugsanayn Magaaladda Gaashaamo.
Lama oga ujeedada keentay in ciidamadda Liyuu booliska oo dadka
deegaanada xuduudaha la bada dalka ku teedsan uga caban jireen ay
gaadhigan rasaasta ugu rideen, balse wararka ilaa xalay deegaankaasi
ka imanayey ayaa sheegay in ciidamada Liyuu boolisku ay kaxaysteen
ga adhigii iyo saddexii nin ee dhaawacmay, isla-markaana aan ilaa
hadda la ogeyn meel ay la tag een.
Magaaladda Burco oo ay ka soo jeedaan dadka dhintay iyo kuwo
dhaawacmayba ayaa la shee gay in falkan si aad ah looga dareemay,
shacabkuna ay dareen cadho leh ka muujiyeen, iyadd a oo la tilmaamay
in waxgarad badan ay isla shalayba u baxeen dhanka Magaaladda
Gaashaa mo oo loo qaaday maydka dadka ay laayeen ciidamada kililka
Soomalida Itoobiya, si ay xaalada uga war-qabaan una baadi-doonaan
dhaawacyada ay ciidamadu qaateen.
Magaalada Gaashaamo oo la tilmaamay in dad badan oo gurmad ahi
buuxiyeen ayaa ilaa xalay xaaladeedu kacsanayn, iyadda oo la
tilmaamay in dadka deegaankaasi ka cadhaysan yihiin ciid amada dadka
rayidka ah badhna laayey badhkii ay dhaawaceena kaxaystay, waxaana
deega ankaasi ka taagan xaalad deganaansho la’aaneed, iyadda oo
dadka rayidka ahi doonayaan ina y dagaal la galaan ciidamada Liyuu
booliska.
Dadka rayidka ah ee ciidamadda Liyuu booliska kililka shanaad ee
Itoobiya dileen oo lagu shee gay inay ahaayeen laba rag ah ayaa waxa
ka mid ahaa Cabdi Maamuud Ibraahim oo la sheeg ay in maydkiisa loo
qaaday dhinaca Gaashaamo, saddexda qof ee falkaasi ku dhaawacmayna
waxa magacyadooda lagu sheegay Cabdifataax Maxamed Warsame, Maxamed
Kamaajuur iyo Ibraahim Cabdilaahi Jaamac.
source:waaheen
|