Ciidanka Booliska Oo Ka Hadlay Dad Loo Xidh-xidhay Dilkii Xalay ka dhacay Hargeysa





Hargeysa (TNN):- Waxa xalay cawayskii lagu dilay xaafadda Siinay ee degmadda Axmed dhagax ee Caasimadda Hargeysa nin magaciisa lagu sheegay Maxamed Sheekh Axmed Cabdilaahi kaasi oo maydkiisa la geeyay cisbitaalka Guud ee Hargeysa.

Ninkan oo sida la sheegay uu sadex xabadood ku dhuftay nin aan la aqoonsan oo la soo weriyay inuu ku hubaysnaa baastoolad. Taliye Ku xigeenka Koowaad ee Ciidanka Booliska Somaliland Sareeye Guuto C/Raxmaan Liibaan Axmed (Fooxle) oo aanu xalay wax ka wey diinay ninkan la dilay ayaa sheegay in ninkaas oo ka soo jeeday koonfurta Soomaaliya uu magaaladda Hargeysa joogay muddo laba bilood ah, isla markaana ay ku hawlan yihiin b aadhista dilkiisa iyo sidii gacanta loogu soo dhigi lahaa cidii dilkaas fulisayba.

“Ninkan waa sheekhaash waxaanu ka yimid koonfurta Soomaaliya waxa lagu dilay goob aan wax badan ka fogayn gooladda Garoonka Hargeysa Stadium, Ciidanka Boolisku waxay ku hawlan yihiin baadhista dilkiisa oo aanu ku mashquulsan nahay,”ayuu yidhi Taliye Ku xi geenka Koowaad ee Boolisku.

Sareeye Guuto Cabdiraxmaan Liibaan Axmed waxa uu intaasi ku daray inay ay jiraan dad xalay loo xidhay dilka ninkaasi oo Boolisku su’aalo weydiinayaan. Inkasta oo aanu tafaasiil ka bixin tiradooda iyo waxay yihiin-ba.

Geesta kalena, waxa dilka ninkani uu sababay in xalay oo dhan ay ciidammadda ammaank u ay xaafadaasi ka wadeen hawl-gal balaadhan oo lagu baadhayo kiiska dilka ninkan.Da dweynaha ku dhaqan xaafadaasi ayaa wargeyska DAWAN u sheegay in dilka ninkani uu cabsi ku beeray dadweynaha.

 



Xigasho: Wargeyska Dawan