CIIDANKA POLICE KA OO ALBAABADA U XIDHAY XAFIISKA 26 JUNE EE KULMIYE

 

Ciidanka bilayska ayaa xalay cawaysinkii albaabada u laabay xafiiskayada xisbiga mucaaridka ah ee KULMIYE ku leeyahay degmooyinka 26ka June iyo Koodbuur ee magaalada Hargeysa, sidaana waxa xalay noo xaqiijiyey gudoomiyaha degmada 26 ka June ee KULMIYE JamaalMaxamuud Axmed.

Gudoomiyaha degmada 26ka June Mr Jamaal oo xalay nagu soo booqday xarunta wargeyska Haatuf ayaa ugu horayn isaga oo ka waramaya dhacdadan waxa uu yidhi “ caawa (xalay) oo taariikhdu tahay 8/4/09, waxa nagu dhacday dhacdo fool-xun goor ay saacadu tahay abaaro 8:30-kii cawaysnimo, anagoo ku sugan xafiiska degmada 26ka June ee xisbiga KULMIYE hortiisa iyo gudihiisa-ba ayaa waxa noo yimid, gaadiid ay wateen ciidamo bilays ah oo laba xaajiyadood saaran iyo gaadhi yar oo tagsi ah, marka hore waxa nagu soo horeeyay gaadhiga tagsiga ah oo ay afar askari la socdaan dabadeedana su’aalo ayay waydiiyeen inamadii meesha ila joogay waxayna yidhaahdeen, caawa siday wax uga dhaceen meelahan agagaarkiina, maxaa ka dhacay meelahan caawa wax rabshad ah iyo wax noocaas ahi ma ka dhaceen, ka dib waxaanu ku nidhi waxba kamay dhicin ee wax walba waa caadi, ka dib gaadhigii yaraa wuu dhaqaaqay labadii xaajiyadood oo mid ka mid ahi sakada naga dambaysa u taagan yahay ka kalena meel u dhow uu joogo, ka dib labadii xaajiyood ee ciidanku saarnaa oo ahaa xaajiyadahii dambe ee UNDP-du ku caawisay ciidanka bilayska ayay afartii askari ee tagsiga la socday u tageen oo wada hadleen ka dib iyaga oo wada socda ayay markaa nagu soo dhaqaaqeen oo xafiiskii noogu yimaadeen, ka dib ciidankii waxay na waydiiyeen, yaa xafiiskan xukuma, dabadeed aniga ayaa markaa u soo kacay oo la hadlay oo ku idhi anigaa xukuma kolkaa dhalinyaradii laba wiil gudaha xafiiska ayay fadhiyeen aniga iyo laba kalena kuraas dibada aanu dhiganay ayaanu ku fadhinaa.

Intaa ka dib waxay ciidanku igu yidhaahdeen soo xidh xafiiska, amarka qaaado oo xidh haddii kale warqadii ogolaanshaha ee uu ku furnaanayey xilligan la kaalay oo keen haddii kale xidh, dabadeed amarkii anigu waan qaatay waanan xidhay xafiiskii, amarkii askarta ka dib waxaan soo hor istaagay meel agtayada ah oo aan naga fogayn oo qiyaas ahaan aan odhan karo ilaa 200 Mitir way noo dhexeeyaan waa xafiis UDUB ku leedahay halkaa oo isagu furan xilligaa uu jiro anaga la naga xidhay xafiiska, markaan anigu qaatay amarka askarta waxaan qabaa inay jirto digtooni gaar ah oo la diidan yahay soo jeedka ama dhaliyarada la in xeraynayo laakiin waxaan la yaabay oo aan isweydiiyey sababta xafiiskii KULMIYE-na loo xidhay xafiiskii UDUB-na u furan yahay xilligaas, markaa maxay ku kala duwan yihiin labada xafiis iyo taageerayaasha labada xisbi miyaanay muwaadiniin wada ahayn labaduba?

Anagu dhacdadan waxaanu u aragnaa arrin lagu doonayo kaliya xafiisyada KULMIYE in la xidho” ayuu yidhi gudoomiyaha Degmada 26ka June ee KULMIYE, waxanu intaa ku daray “amarkii ciidanku na faray markii aanu qaadanay ee xafiiskii aanu xidhnay way naga tageen cid dhalinyaradii ka mid ah oo ay naga xidheena ma jirin, wax rabshad ah oo xaafadahaasi ka jirtayna ma jirin” ayuu yidhi, intaa ka dib waxa uu noo sheegay sidoo kale in xafiiska degmada Koodbuur ee Xisbiga KULMIYE ku leeyahay halkaas isna la xidhay.

Labadan xafiis ee xisbiga KULMIYE ku leeyahay labada degmo ee 26ka June iyo Koodbuur ayay ciidamada bilaysku albaabada u laabeen xalay cawaysinkii wakhtiyo isku dhow
 

 


Haatuf