Wasiirka Arrimaha Gudaha Somaliland Md Cabdilaahi Ismaaciil Cali (Ciro)

 

Wasiirka ayaa maanta Shir lagu falanqaynayo Xeer loo sameeyey Shaqaalaha Dawlaha Hoose iyo Wakaaladaha Biyaha Somaliland, waxa uu uga furay xarunta Hay’ada shaqaalaha Somaliland xubno isugu jiray Maayarada qaar ka mid ah magaalo madaxda Soamaliland iyo Agaasimayaal. Iska markaana waxa uu canaan dusha uga tuuray qaar ka mid ahaa Maayaradaas oo shirkaa aan ka soo xaadirin.



 

Shirkaas oo ay soo qabanqaabisay Hay’ada shaqaalaha Somaliland, isla markaana socon doona muddo laba maalmood ah, waxaa ka soo qayb galay in ka badan labaatan xubnood oo isugu jira Maayarada shan magaalo-madaxeed, kuwaas oo ay ka mid yihiin Maayarka Caasimada Hargeysa, ka Boorama, ka degmada Gabilay, ka Berbera iyo Maayarka Burco. Inkasta oo shirkaa aanay ka soo xaadirin Mayaraada lagu casuumay marka laga reebo maayarka Gabilay, Wakiil ka socday Maayarka Berbera iyo xoghaya Golaha degaanka ee Burco.



Waxaa kaloo iyaguna shirkaa ka qaybgalay Agaasimayaasha ay ka midka yihiin Agaasimaha guud ee Wasaarada arrimaha gudaha, Agaasimaha qaabilsan waaxda dawladaha hoose ee Wasaarada arrimaha Guddaha, Agaasimaha waaxda shaqada ee Wasaarada caafimaad iyo shaqada, Agaasimaha Machadka tababarka shaqaalaha dawlada, Agaasimaha Hay’ada shaqaalaha iyo masuuliyiin kale.



Wasiirka Wasaarada arrimaha gudaha Somaliland Md Cabdilaahi Ismaaciil Cali (Ciro) oo halkaa ka hadlay ayaa ugu horayn sheegay in ay ayaan darro tahay in ay shirka ka maqnaandaan Maayaradii uu khusaynayey. “Waa ayaan darro in Maayaradii ay arrintani khusaynaysay ama Golayaashii degaanka ee ay ahayd in ay shantaa sannadood ee dhamaaday in ay sameeyaan nidaam hadhaw lagaga daydo, iyagana taariikh u noqota dawladaha hoosena u noqda hanti, in ay maanta wada maqnaadaan labada jooga mooyaane (Maayarka Gabilay iyo Wakiilka Maayarka Berbera) in ay intoodii kale maqnaadaan waa ayaan darro.” Sidaa ayuu yidhi Wasiir Ciro.



Waxa Wasiirku hadalkiisa intaa raaciyey oo uu yidhi “Runtii waxa ay ahayd hawl ay ahayd in ay iyagu qabtaan, waayo dawlaha hoose loo shaqeeye iyo shaqeeye-ba, Dawladii hoose waa dadkii u shaqaynayey in xuquuqdoodii la helo, oo iyaguna wixii ay ku xadgudbaan ee ciddaa ay u shaqaynayaan ah ee dawlada hoose ah waa in ay qeexnaato salka cadaaladu waxa ay tahay. hadaan laba hayn ninkii shaqaalaha ahaa marka uu wax sameeyo, wixii lagu lagu abaal marin lahaa, taasina waxa ay ahayd hawshii ugu horasay ee ay qaban lahaayeen Golayaasha deegaanku.” Ayuu yidhi Wasiirku.



Wasiirka Arrimaha Gudaha Somaliland, Md Cabdilaahi Ismaaciil Cali waxa uu maayarada magaalooyinka Hargeysa iyo Boorame ku naqdiyay shirka ay ka soo xaadiri waayeen. “Maayarkii Boorama Saaka waan soo kalahayaa ayuu telefoonka xalay iigu soo sheegay mana hayno. Laakiin dee tii Caasimadii Hargeysa ee loo martida ee la fadhiyey, isla markaana ogayd waxa ay muqdanayd (Maayarka caasimada ee shirka maqnaa) iyana waa su’aal.”



Waxaa kaloo Wasiirku uu kula dardaarmay ka qaybgalayaasha shirkaasi in ay si taxadir leh uga baaraandegaan falanqaynta xeerkaas, isla markaana in si mug leh looga sii doodo inta aan loo gudbin Golaaha Wakiilda.



Guddoomiyaha Hay’daha shaqaalaha dawlada Somaliland Md Cabdiraxmaan Ismaaciil Xuseen (Cadami) oo isna halkaa hadal dheer ka soo jeediyey, ayaa waxa uu ka faalooday sababtii keentay in ay xeerkaas la sameeyaan iyo ujeedii ay ka lahayeen samayntiisa.



Waxaana Guddooyyihu hadalkiisii ku bibaalay oo uu yidhi “Ujeeda maanta shirkeenan waxa weeye in aynu falanqayno, oo aynu isla eegno Xeer ay soo diyaarisay Hay’ada shaqaalaha dawladu, oo ah sharciga shaqaalaha Dawladaha Hoose iyo Wakaaladaha Biyadaha ee hoos yimaada dawlaha hoose. Wakaaladaha biyaha qaar baa madax banaan, oo ka madaxbanaan dawlaha hoose oo iskood Hay’ado u ah. Laakiin sharcigan waxaa isaguna lagu dabaqayaa oo hoos imanaaya dawlaha hoose Hay’adaha sida wakaalaha biyaha.”



Sidaa ayuu Md Cabdiraxmaan Cadami, oo intaa hadalkiisa raaciyey isaga oo faahfaahin ka bixinaaya xubnaha ka soo qayb galay shirkaana waxa uu yidhi “Waxaa shirkan ka soo qaybgalay cidda uu khuseeyo sharcigani, oo Dawladaha Hoose iyo Wakaalada Biyaha hoos yimaada ama afka-qalaad lagu yidhaahdo Stakeholders (daneeyayaal) oo si dadban marka loo eego dastuurkeena u hoos yimaada dawlaha hoose. Waxaa kaloo halkan jooga khubaradii Wasaaradaha Arrimaha Guddaha xagga dawlaha hoose ama xagga sharciyada.”



Waxaa kaloo Md Cabdiraxmaan Cadami uu sheegay in shirkaa ay khaas ah ugu marti qaadeen Agaasimaha guud ee waaxda shaqada ee Wasaarada shaqada iyo caafimaadka, oo uu tilaamay in ay muhiin tahay in uu door ku lahaado xeerka loo samaynayo shaqaalaha dawlaha hoose iyo Wakaaladaha biyaha. Isla markaa waxa uu xusay in sidoo kale ay shirkaa isna si gaar ah ugu martiqaadeen Agaasimaha Machadka shaqaalaha dawlada, oo uu tilmaamay in tababar ahaan uu shircigani uu khusayn karo.



Mar uu ka hadlyey Md Cabdiraxmaan Cadami cidda xaqa u leh in ay diyaariyaariso sharcigaas, waxa uu yidhi “Runtii sharcigan dawlaha hoose, sida ay xaqiiqadu tahay waxaa xaq u leh in ay diyaariyaan Golayaasha degaannada ee la doortay, maaha Hay’ada shaqaalaha iyo cid kale toona in ay soo diyaariso. Laakiin duruufo jira awgeed, oo sida Hay’adaha kaleba haysta may suura-gelin may dhicin in dawladihii hoose diyaariyaan sharciga shaqaalaha lagu maamulayo.” Ayuu yidhi Md Cadami.



Waxaana uu intaa raaciyey oo uu yidhi “Sidaa darteed waxaa timid dhibaatooyin ay sharci la’aantaasi ku keentay dawlaha hoose. Markaan sidaa lee yahay dawlaha hoose qaarkood sharci way lee yihiin, oo ay ku maamulaan shaqaalaha. Laakiin wax caam ah loo dhan yahay maaha, wax inta laga baaraan-degay oo cidda ay khusaynaysaa inta ay ka baaraan-degtahay baas-gareeyey maaha. Laakiin waan wax ku meel-gaadh ah, taasi waxa ay keentay sida aynu had iyo goor maqalno in dawladaha hoose, maadaama oo sharci shaqaale lagu qoraa aanu jirin in had iyo goor laga cabto, oo la yidhaahdo shaqaalahii dawladaha hoose way tira bateen, mushaharkiibaa intaas oo bilood loo waayey.”



Waxaa kaloo Guddomiyaha Hay’ada shaqaalaha Md Cabdiraxmaan Cadami uu sheegay in kolkii shaqaalaha dawlaha hoose ay tirabatoodu badatay in ay luntay tayadii, aqoontii iyo iyo xirfadii lagu dooranayey dadka la shaqaalaysiinayaa in ay laahaadaan, isla markaana waxaa uu tilamay in ay marka la eryaayo qof shaqaale ah oo ka tirsan dawlaha hoose inaan inta badan lagu eryin wax sharciya.



Waxaana uu xusay, iyada oo arrimahaas laga duulayo in Madaxweynaha Somaliland Hay’ada shaqaalaha ku amray in ay samayso xeer arrintaas lagu maamulo. “Markay taasi tumi Madxweynaha JSL Daahir Rayaale, waxa uu ku amray Hay’ada shaqaalaha dawlada in ay samayso ama diyaariso sharciga dawlaha hoose ee dalka Somaliland. Sidaa darteed waxaa maanta aanu halkan idinku qaybin doonaa (ka qaybgayaashii shirka) sharcigii aanu soo diyaarinay.” Ayuu yidih Cabdiraxmaan Cadam.



Guddoomiyuhu waxa kale oo uu nasiib darro ku tilmaamay in masuuliyiin dawlaha hoose ee shirkaasi khusaynayey in badankoodu ka maqnaadeen shirkaas. “Kelmadayda ugu dambaysaa waxa ay tahay Wasiirkuna dareemay (Wasiirka Arimaha gudaha) in Shantii Maayar ee aanu casuunay (Maayarka Hargeysa, ka Gabilay, ka Berbera, Burco iyo ka Boorama) hadaanan qaldanayn waxaa ka jooga Maayarkii degmdaa Gabilay, cidkasta oo arrinkan inala dananaysaa ama Wasiirka daakhiliga amaba Madaxweynihii amarkan bixiyey, waxa uu u qaadan karaa in ay dhayal sanayaan ama aanay si aad ah u danaynayn in shuruuc loo sameeyo Hay’adaha Dawlaha hoosee dalka ee ay madaxda ka yihiin.”



Waxaa isna halkaa ka hadlay Mr Ignaxius Takawira oo Hay’ada UNDP u qaabilsan mashaariicda horumtina maamul wanaaga, oo sheegay in ay Hay’ad ahaan inta badan ay xooga saaraan hawlaha la xidhiidha maamul wanaaga. Waxaana shirkaas maarlgelisay isla Hay’adaas.