|
Wasiirka Arrimaha Gudaha
Somaliland Md Cabdilaahi Ismaaciil Cali (Ciro)
Wasiirka
ayaa maanta Shir lagu falanqaynayo Xeer loo sameeyey Shaqaalaha
Dawlaha Hoose iyo Wakaaladaha Biyaha Somaliland, waxa uu uga furay
xarunta Hay’ada shaqaalaha Somaliland xubno isugu jiray Maayarada
qaar ka mid ah magaalo madaxda Soamaliland iyo Agaasimayaal. Iska
markaana waxa uu canaan dusha uga tuuray qaar ka mid ahaa
Maayaradaas oo shirkaa aan ka soo xaadirin.
Shirkaas oo ay soo qabanqaabisay
Hay’ada shaqaalaha Somaliland, isla markaana socon doona muddo laba
maalmood ah, waxaa ka soo qayb galay in ka badan labaatan xubnood oo
isugu jira Maayarada shan magaalo-madaxeed, kuwaas oo ay ka mid
yihiin Maayarka Caasimada Hargeysa, ka Boorama, ka degmada Gabilay,
ka Berbera iyo Maayarka Burco. Inkasta oo shirkaa aanay ka soo
xaadirin Mayaraada lagu casuumay marka laga reebo maayarka Gabilay,
Wakiil ka socday Maayarka Berbera iyo xoghaya Golaha degaanka ee
Burco.
Waxaa kaloo iyaguna shirkaa ka qaybgalay Agaasimayaasha ay ka midka
yihiin Agaasimaha guud ee Wasaarada arrimaha gudaha, Agaasimaha
qaabilsan waaxda dawladaha hoose ee Wasaarada arrimaha Guddaha,
Agaasimaha waaxda shaqada ee Wasaarada caafimaad iyo shaqada,
Agaasimaha Machadka tababarka shaqaalaha dawlada, Agaasimaha Hay’ada
shaqaalaha iyo masuuliyiin kale.
Wasiirka Wasaarada arrimaha gudaha Somaliland Md Cabdilaahi
Ismaaciil Cali (Ciro) oo halkaa ka hadlay ayaa ugu horayn sheegay in
ay ayaan darro tahay in ay shirka ka maqnaandaan Maayaradii uu
khusaynayey. “Waa ayaan darro in Maayaradii ay arrintani
khusaynaysay ama Golayaashii degaanka ee ay ahayd in ay shantaa
sannadood ee dhamaaday in ay sameeyaan nidaam hadhaw lagaga daydo,
iyagana taariikh u noqota dawladaha hoosena u noqda hanti, in ay
maanta wada maqnaadaan labada jooga mooyaane (Maayarka Gabilay iyo
Wakiilka Maayarka Berbera) in ay intoodii kale maqnaadaan waa ayaan
darro.” Sidaa ayuu yidhi Wasiir Ciro.
Waxa Wasiirku hadalkiisa intaa raaciyey oo uu yidhi “Runtii waxa ay
ahayd hawl ay ahayd in ay iyagu qabtaan, waayo dawlaha hoose loo
shaqeeye iyo shaqeeye-ba, Dawladii hoose waa dadkii u shaqaynayey in
xuquuqdoodii la helo, oo iyaguna wixii ay ku xadgudbaan ee ciddaa ay
u shaqaynayaan ah ee dawlada hoose ah waa in ay qeexnaato salka
cadaaladu waxa ay tahay. hadaan laba hayn ninkii shaqaalaha ahaa
marka uu wax sameeyo, wixii lagu lagu abaal marin lahaa, taasina
waxa ay ahayd hawshii ugu horasay ee ay qaban lahaayeen Golayaasha
deegaanku.” Ayuu yidhi Wasiirku.
Wasiirka Arrimaha Gudaha Somaliland, Md Cabdilaahi Ismaaciil Cali
waxa uu maayarada magaalooyinka Hargeysa iyo Boorame ku naqdiyay
shirka ay ka soo xaadiri waayeen. “Maayarkii Boorama Saaka waan soo
kalahayaa ayuu telefoonka xalay iigu soo sheegay mana hayno. Laakiin
dee tii Caasimadii Hargeysa ee loo martida ee la fadhiyey, isla
markaana ogayd waxa ay muqdanayd (Maayarka caasimada ee shirka
maqnaa) iyana waa su’aal.”
Waxaa kaloo Wasiirku uu kula dardaarmay ka qaybgalayaasha shirkaasi
in ay si taxadir leh uga baaraandegaan falanqaynta xeerkaas, isla
markaana in si mug leh looga sii doodo inta aan loo gudbin Golaaha
Wakiilda.
Guddoomiyaha Hay’daha shaqaalaha dawlada Somaliland Md Cabdiraxmaan
Ismaaciil Xuseen (Cadami) oo isna halkaa hadal dheer ka soo jeediyey,
ayaa waxa uu ka faalooday sababtii keentay in ay xeerkaas la
sameeyaan iyo ujeedii ay ka lahayeen samayntiisa.
Waxaana Guddooyyihu hadalkiisii ku bibaalay oo uu yidhi “Ujeeda
maanta shirkeenan waxa weeye in aynu falanqayno, oo aynu isla eegno
Xeer ay soo diyaarisay Hay’ada shaqaalaha dawladu, oo ah sharciga
shaqaalaha Dawladaha Hoose iyo Wakaaladaha Biyadaha ee hoos yimaada
dawlaha hoose. Wakaaladaha biyaha qaar baa madax banaan, oo ka
madaxbanaan dawlaha hoose oo iskood Hay’ado u ah. Laakiin sharcigan
waxaa isaguna lagu dabaqayaa oo hoos imanaaya dawlaha hoose
Hay’adaha sida wakaalaha biyaha.”
Sidaa ayuu Md Cabdiraxmaan Cadami, oo intaa hadalkiisa raaciyey
isaga oo faahfaahin ka bixinaaya xubnaha ka soo qayb galay shirkaana
waxa uu yidhi “Waxaa shirkan ka soo qaybgalay cidda uu khuseeyo
sharcigani, oo Dawladaha Hoose iyo Wakaalada Biyaha hoos yimaada ama
afka-qalaad lagu yidhaahdo Stakeholders (daneeyayaal) oo si dadban
marka loo eego dastuurkeena u hoos yimaada dawlaha hoose. Waxaa
kaloo halkan jooga khubaradii Wasaaradaha Arrimaha Guddaha xagga
dawlaha hoose ama xagga sharciyada.”
Waxaa kaloo Md Cabdiraxmaan Cadami uu sheegay in shirkaa ay khaas ah
ugu marti qaadeen Agaasimaha guud ee waaxda shaqada ee Wasaarada
shaqada iyo caafimaadka, oo uu tilaamay in ay muhiin tahay in uu
door ku lahaado xeerka loo samaynayo shaqaalaha dawlaha hoose iyo
Wakaaladaha biyaha. Isla markaa waxa uu xusay in sidoo kale ay
shirkaa isna si gaar ah ugu martiqaadeen Agaasimaha Machadka
shaqaalaha dawlada, oo uu tilmaamay in tababar ahaan uu shircigani
uu khusayn karo.
Mar uu ka hadlyey Md Cabdiraxmaan Cadami cidda xaqa u leh in ay
diyaariyaariso sharcigaas, waxa uu yidhi “Runtii sharcigan dawlaha
hoose, sida ay xaqiiqadu tahay waxaa xaq u leh in ay diyaariyaan
Golayaasha degaannada ee la doortay, maaha Hay’ada shaqaalaha iyo
cid kale toona in ay soo diyaariso. Laakiin duruufo jira awgeed, oo
sida Hay’adaha kaleba haysta may suura-gelin may dhicin in
dawladihii hoose diyaariyaan sharciga shaqaalaha lagu maamulayo.”
Ayuu yidhi Md Cadami.
Waxaana uu intaa raaciyey oo uu yidhi “Sidaa darteed waxaa timid
dhibaatooyin ay sharci la’aantaasi ku keentay dawlaha hoose. Markaan
sidaa lee yahay dawlaha hoose qaarkood sharci way lee yihiin, oo ay
ku maamulaan shaqaalaha. Laakiin wax caam ah loo dhan yahay maaha,
wax inta laga baaraan-degay oo cidda ay khusaynaysaa inta ay ka
baaraan-degtahay baas-gareeyey maaha. Laakiin waan wax ku meel-gaadh
ah, taasi waxa ay keentay sida aynu had iyo goor maqalno in
dawladaha hoose, maadaama oo sharci shaqaale lagu qoraa aanu jirin
in had iyo goor laga cabto, oo la yidhaahdo shaqaalahii dawladaha
hoose way tira bateen, mushaharkiibaa intaas oo bilood loo waayey.”
Waxaa kaloo Guddomiyaha Hay’ada shaqaalaha Md Cabdiraxmaan Cadami uu
sheegay in kolkii shaqaalaha dawlaha hoose ay tirabatoodu badatay in
ay luntay tayadii, aqoontii iyo iyo xirfadii lagu dooranayey dadka
la shaqaalaysiinayaa in ay laahaadaan, isla markaana waxaa uu
tilamay in ay marka la eryaayo qof shaqaale ah oo ka tirsan dawlaha
hoose inaan inta badan lagu eryin wax sharciya.
Waxaana uu xusay, iyada oo arrimahaas laga duulayo in Madaxweynaha
Somaliland Hay’ada shaqaalaha ku amray in ay samayso xeer arrintaas
lagu maamulo. “Markay taasi tumi Madxweynaha JSL Daahir Rayaale,
waxa uu ku amray Hay’ada shaqaalaha dawlada in ay samayso ama
diyaariso sharciga dawlaha hoose ee dalka Somaliland. Sidaa darteed
waxaa maanta aanu halkan idinku qaybin doonaa (ka qaybgayaashii
shirka) sharcigii aanu soo diyaarinay.” Ayuu yidih Cabdiraxmaan
Cadam.
Guddoomiyuhu waxa kale oo uu nasiib darro ku tilmaamay in
masuuliyiin dawlaha hoose ee shirkaasi khusaynayey in badankoodu ka
maqnaadeen shirkaas. “Kelmadayda ugu dambaysaa waxa ay tahay
Wasiirkuna dareemay (Wasiirka Arimaha gudaha) in Shantii Maayar ee
aanu casuunay (Maayarka Hargeysa, ka Gabilay, ka Berbera, Burco iyo
ka Boorama) hadaanan qaldanayn waxaa ka jooga Maayarkii degmdaa
Gabilay, cidkasta oo arrinkan inala dananaysaa ama Wasiirka
daakhiliga amaba Madaxweynihii amarkan bixiyey, waxa uu u qaadan
karaa in ay dhayal sanayaan ama aanay si aad ah u danaynayn in
shuruuc loo sameeyo Hay’adaha Dawlaha hoosee dalka ee ay madaxda ka
yihiin.”
Waxaa isna halkaa ka hadlay Mr Ignaxius Takawira oo Hay’ada UNDP u
qaabilsan mashaariicda horumtina maamul wanaaga, oo sheegay in ay
Hay’ad ahaan inta badan ay xooga saaraan hawlaha la xidhiidha maamul
wanaaga. Waxaana shirkaas maarlgelisay isla Hay’adaas.
|