Cismaan Hindi Oo Si Adag U difaacay Wasiirka madaxtooyadda

 



Dadku waxay is weydiinayaan Muuse Biixi ma muxaafid baa mise waa mucaarad isagoo Gudd oomiyaha xisbiga tallada haya ee KULMIYE ah

Wasiir Xirsi waa nin dhalinyaro ah oo mustaqabal siyaasadeed leh Oo La Xag-xaganayo

Siyaasadda dibadda iyo qaranimada Somaliland in laga midaysnaado cid laga baryayaa ma jirto, waana waajibaad dastuurka Somaliland jideeyey in laga midaysnaado

Hargeysa (TNN):- Siyaasiga madaxabannaan ee Cismaan Cabdillaahi Cigaal (Cismaan Hindi), ay aa madaxweynaha Jamhuuriyadda Somaliland Md. Axmed Maxamed Maxamuud (Siilaanyo) ugu baaqay in aannu dheg u dhigin eedaha loo jeediyo wasiirkiisa Madaxtooyada Md. Xirsi Cali Xa aji Xasan oo uu ku sifeeyey inuu yahay siyaasi da’yar oo hawlkar ah.

Mr. Cismaan Cabdillaahi Cigaal oo Jamhuuriya u warramay shalay waxa uu si qoto dheer uga sheekeeyey isku eekaanshaha weerraradii siyaasadeed ee lagu hayey xilliyadii uu ahaa Gudd oomiyaha KULMIYE ee Gobolka Maroodi-jeex iyo xag-xagasho uu xusay in hadda lagu hayo Wasiirka Madxatooyada Md. Xirsi Cali Xaaji Xasan, isagoo xusay in siyaasiyiintii KULMIYE.

“Horta anniga waxa iigu dambaysay Xirsi Cali Xaaji Xasan markii uu ahaa guddoomiye-ku-xige enka Komishanka Doorashooyinka oo aannu wadashaqaynay mar aan KULMIYE ahaa iyo mar aan UDUB ahaa, waxaan ku aqaanay, kuna arkay inuu yahay nin mudakar ah oo hawlihiisa ka adag oo dedaal badan, intaas kadib wax kale oo aqoon ah oo aannu isku leenahay ma jirto, laakiin xag-xagashada Wasiir Xirsi waxay i xasuusinaysaa arrin aad u xannuun kulul iyo arrimo aad u fara badan, markii aan ahaa Guddooomiyihii Gobolka Maroodi-jeex ee xisbiga KULMIYE, isla markaana aan ahaa xubin golaha dhexe iyo guddida fulinta ka tirsanaa, waxaan xasuust aa dhibaatooyinkii iyo mushkiladihii igaga iman jiray saaxiibadaydii aannu ku wada jirnay xisb iga KULMIYE oo 24-ka saac weerar joogto ah igu hayey, sababtuna waxay ahayd anigoo ka ag dhawaa Axmed Maxamed Maxamuud (Siilaanyo) oo markaas ahaa guddoomiyaha xisbiga,

iyadoo aan ahaa ninka ugu dhaw guddoomiyaha, xilligaasna guddoomiyaha, ugumaan dhawayn reernimo iyo qaarabo-eex, balse waxaan ku tagay shaqsiyadayda, dadnimadayda iyo guddoomiyaha oo aan daacad u ahaa, guddoomiyaha laftiisa ayaa weerar joogto ah lagu hayey oo lagu eedaynayey aniga dartay, iyadoo lagu lahaa ‘wax ka qabo inankan yar ee aad hoosta ku haysato ee albaabadii naga xidhay,’ taasaana guddoomiyaha loogu hanjabi jiray, tusaale ahaan xilliyadii loo diyaargaroobayey doorashadii Golaha Wakiillada ee dalka ka qabsoontay sannadkii 2005, rag badan oo KULMIYE ah ayaa guddoomiyaha (Siilaanyo) u tagay oo u hanjabi jiray haddii aanad Cismaan Hindi xisbiga ka saarin ama aanad Golaha Wakiillada ka reebin, annagaa xisbiga ka dareerayna. Ragga caynkaas odhan jiray waxa ka mid ahaa mujaahidka weyn ee inaadeerkay Muj. Muuse Biixi Cabdi, waana raggii weerarka joogtada ah markaas igu hayey, waana raggii aan xisbiga KULMIYE uga tagay markii ay joojin waayeen weerarka ay igu hayeen iyo hanjabaaddii ay kula kici jireen Axmed Siilaanyo oo ahaa guddoomiyaha xisbiga, guddoomiyaha oo ah nin ruug-caddaa ah in badan markii uu i difaacay, in badan markii uu dhegaha ka furaystay weerraradii la igu hayey, markii dambe waxaad moodaysay inuu u soo nuglaanayey, taas ayaanan shaqadaydii KULMIYE uga tagay,” ayuu yidhi Mr. Cismaan Cabdillaahi Cigaal (Cismaan Hindi).

Waxa kale oo Cismaan Hindi waraysigiisa ku sheegay in eedaymaha loo jeediyo Wasiirka Madaxrtooyada Md. Xirsi Cali Xaaji Xasan ay la mid yihiin weerraradii isaga lagu hayey markii uu ahaa guddoomiyaha KULMIYE ee Gobolka Maroodi-jeex, waxaannu yidhi; “Weerrarada iyo xag-xagashada Wasiir Xirsi lagu hayo waxaan ka dhex arkayaa kuwii aniga lagu hayey, Xirsi waa nin dhallinyaro ah oo mustaqbal fiican leh aan reernimo iyo qaraabo midna ku iman Madaxtooyada, waayo? Reerkooda hadday noqoto waxa jira rag khubaro ah oo ka aqoon badan, ka waayo-aragsan, xisbiyahan ahaa, markaa taasina waxay muujinaysaa in aannu Xirsi reernimo ku iman madaxtooyada, wuxuunna ku yimi karti iyo daacadnimo uu ka mutaystay Madaxeynaha dalka Jamhuuriyada Somaliland Md. Axmed Maxamed Maxamuud (Siilaanyo). Markaa ninka geesiga ah ee firfircoon waxa iska cad inuu cadow badan yeelanayo, la xag-xaganayo oo waxaannu ahayn lagu sheegayo, waxaan leeyahay Xirsi-yow u adkayso waad ka lib-keeni doontaaye.”

Mr. Cismaan Cabdillaahi Cigaal (Cismaan Hindi) waxa uu Madaxweyne Siilaanyo ugu baaqay in aannu dheg u dhigin, isla markaana wax nugayl ah u muujin dad uu ku tilmaamay inay dano gaar ah wataan oo dagaal ku haya Wsiirkiisa Madaxtooyada.

“Madaxweynaha waxaan leeyahay, Madaxweyne, dheg ha u dhigin, ha u maqlin, dhegaha ka furayso, yaan lagugu dirin wasiirkaas daacada kuu ahaa ee qaranka u shaqaynaya. Ragga weerarka ku haya Wasiirka Madaxtooyada-na waxaan leeyahay intaad shaqsi iyo Xirsi ku mashquulaysaan arrimo ka faro badan baa jira oo ummaddu u baahan tahay, una baahan in laga hadlo oo aad naqdiyi kartaan, arrimahaas doonta oo shaqsi-weerarka iyo qof ku mashquulka iska daaya.

Markii aan guddoomiyaha Gobolka Maroodijeex ee xisbiga KULMIYE ahaa raggii weerarka joogtada ah igu hayey ee odhan jiray ‘Hadaad Cismaan Hindi wax ka qabanweydo annagaa xisbiga ka dareerayna’ oo uu ka mid ahaa inaadeerkay Muj. Muuse Biixi Cabdi oo aanaan wax cadaawad ah isku haynin, balse aanu arrin siyaasadeed isku haynay ayaa maantaana weerar joogto ah si qarsoon iyo si cad u socdaba ku haya Wasiirka Madaxtooyada, dadkuna waxay is weydiinayaan Muuse Biixi isagoo Guddoomiyaha xisbiga tallada haya ee KULMIYE ah ma muxaafad baa mise waa mucaarad. Ta kale marka uu leeyahay dad fidno-wadayaal ah ayaa ku jira xukuumadda xisbigiisu dhalay ma mucaarad baa mise waa muxaafad,” ayuu yidhi Cismaan Hindi.

Guddoomiyihii ololaha xisbigii UDUB Mr. Hindi oo la weydiiyey sida uu arko heshiishkii dhawaan dhexmaray labada xisbi mucaarad ee WADDANI iyo UCID, waxa uu tilmaamay in labada guddoomiye ee xisbiyada UCID iyo WADDANI ay ahaayeen saaxiibo muddo dheer soo wada shaqeeyey, isla markaana wadajir u aasaasay xisbiga UCID, kuwaasoo uu xusay in muddooyinkii dambe siyaasaddu kala irdhaysay, isagoo sheegay inuu aad u hambalyeynayo in labadaas masuul mar kale siyaasadda ku heshiiyaan oo ay isa soo horfadhiistaan, waxaannu xusay in heshiishka labada xisbi mucaarid dhexmaray muujinayo in aanay jirin cadaawad gaar ah oo dad shaqsiyaad ahi isku hayaan, balse siyaasadda la isku khilaafi karo, lagana heshiin karo marka la wada hadlo.

“Muddooyinkan dambe waxa dalka ka dhacaya ee sida xooggan loo hadal hayey waxay ahayd gole ay isku urursadeen rag siyaasiyiin iyo mujaahidiin isugu jira oo misaan leh, sharaf, karaamo iyo magacba ku leh dalka Somaliland, waxayna soo saareen qoraalo ay leeyihiin waddanka ayaanu ku badbaadinaynaa, golahaasna xisbiga UCID si toos ah ayuu u taageeray, wuxuuna noqday qayb iyaga ka mid ah, halka xisbiga WADDANI ka caddeeyeen in golahaasi ka soo horjeedo dastuurka iyo shuruucda dalka u yaal, markaas labada xisbi mucaarid arrintaas aad bay ugu kala afkaar duwan yihiin, arrintaas ay ku kala aragtida duwan yihiina waxay xambaarsan tahay siyaasadda guud ee dalka lagu hoggaaminayo. Sidaas darteed heshiiska ay kala saxeexdeen labada xisbi mucaarid ee UCID iyo WADDANI wax macno ah oo buuran ma samaynayo. Waxaana ammakaag iyo argagax igu noqday inay yidhaahdaan heshiis siyaasadeed ayaanu wada saxeexaynaa, qodobada ay kala saxeexdeena wax macno ah oo weyn ma samaynayaan, waayo? In siyaasada dibadda iyo qaranimada Somaliland laga midaysnaado cid laga baryayaa ma jirto, xisbi iyo muwaadin laga baryayaana ma jirto, waana waajibaad dastuurka Somaliland jideeyey in laga midaysnaado,” ayuu yidhi Cismaan Cabdillaahi Cigaal (Cismaan Hindi).

Waxa kale oo siyaasiga madaxbannaan ee Cismaan Hindi ammaan gaar ah u jeediyey Guddoomiyaha Golaha Wakiillada, ahna guddoomiyaha xisbiga WADDANI Md. Cabdiraxmaan Maxamed Cabdillaahi (Cirro) oo uu ku sifeeyey inuu yahay dublamaasi miisaan culus ku leh dalka Jamhuuriyada Somaliland, isla markaana uu hannan karo hoggaaminta dalka oo uu gaadhi karo jagada ugu sarraysa ee madaxweynenimada.

“Cabdiraxamaan Cirro waa nin dublomaasi ah oo afgaaban, cidna aan xag-xagan, waxaannu leeyahay waayo-aragnimo siyaasadeed oo uu ka dhaxlay xilka uu hayo ee Guddoomiyaha Wa kiillada iyo shaqadii dublomaasiyadeed ee uu hore uga soo shaqeeyey, waxaanan u hayaa ixtiraam badan iyo qadarin xoog leh. Ragga xisbiga WADDANI ku jiraana waxay u badan yihiin xildhibaannada Golaha Wakiillada oo waa rag aad u culus oo qadarin muddan, xisbiga WADDA NI waa xisbi miisaankiisa siyaasadeed leh, laakiin waajibaadka qaran ayaa i faraya in aan wax ka idhaahdo heshiiska dhexmaray labada xisbi ee WADDANI iyo UCID, heshiiskaas qodob ka mid ah ayaa ahaa; ‘in aanay labada xisbi saxaafadda isku marin xag-xagasho iyo aflagaadooy in siyasaasadeed, malaha qodobkaas waxa ka qurux badnaa inay yidhaahdaan ‘saddexda xisbi qaran ee Somaliland ee KULMIYE, UCID iyo WADDANI iyagoo waddanka iyo dadka u tudhaya in yooyootanka iyo xag-xagashada aanay saxaafada isku marin, markaa nuxur ahaan heshiiska asi waxa uu xambaarsan yahay waan fahmi waayey annigu,” ayuu yidhi Cismaan Hindi.

Ugu dambayntii Cismaan Hindi waxa uu tilmaamay inuu yahay siyaasi madaxbannaan oo aan ku luglahayn arrimaha saddexda xisbi qaran ee ka jira dalka Jamhuuriyadda Somaliland, isagoo xusay inuu soo noqday mucaarid xag-jir ah iyo muxaafid xag-jir ah xilliyadii uu ku jiray KULMIY E iyo UDUB.




Source:Jamhuuriya