Cismaan Kaluun Oo Shalay Yimid Hargeysa, Ka Dib Markii Uu Xukuumada Ka Codsaday In La Cafiyo

 


 

Hargeysa, November 10, 2010 (TNN) - Cismaan Jaamac oo ku magac dheer Cismaan Kaluun oo loo haysta in uu khiyaamo qaran ka galay dalka Somaliland ee uu dhashay, ayaa shalay soo gaadhay magaalada Hargeysa, ka dib markii ay xukuumadu ka ogolaatey arji uu u soo gudbiyey, kagana co dsanayey in la cafiyo.

Cismaan Kaluun ayaa tan iyo intii lagu dhawaaqay gooni isku taaga Somaliland 1991-kii ka soo  ho rjeeday, madaxbanaanida iyo qaranimada Somaliland, waxaanu ka mid ahaa qaar ka mid  xukuuma dihii kala danbeeyey ee beesha caalamku ay u dhisaysay dalka Somalia ee jaarka la ah Somaliland, isagoo ka soo qabtey xilal ay ka mid yihiin jagada ra’isal wasaare ku xigeen.

Dalka Somaliland waxa uga meel yaalay muwaadiniinteeda ka mid noqda xukuumadaha Somalia, sh arci ah in ay dambi khiyaamo qaran ah ka galeen dalkooda Somaliland, sidaas darteedna ay  mam nuuc ka yihiin in ay soo caga dhigaan cariga Somaliland, iyaga oo cafis saamaxaad ah soo dalbada mooyaane.

Cismaan Kaluun ayaa sanado ka hor sidan oo kale cafis uga dalbaday xukuumada Somaliland, cah digii uu dalka ka talinayey madaxawaynihii hore ee geeriyooda (AHN) Marxuum Maxamed X. Ibra ahin Cigaal, iyada oo uu codsiga cafiska ah uu soo mariyey guddoomiyihii geeriyooday ee golaha guurtida Somaliland Sh. Ibraahin Sh. Yuusuf Sh. Madar oo sodog u ahaa Cismaan Kaluun,

Hase yeeshee markii uu Cismaan Kaluun Cafiskaas ku yimid Somaliland ee uu dib dibada ugu  noqd ay, ayaa waxa uu sheegay in aanu habayaraatee aanay dhicin in uu cafis ka dalbaday xukuumada Somaliland, taas oo Cismaan Kaluun u soo jiiday sumcad xumo bulshada Somaliland dhexdeeda ah oo in uu been ka sheegay kuna wacad furay Sodogii.

Dhinaca kale waxa la sheegay in Cismaan Kaluun markii uu madaarka ka soo dagay uu halkaas  ka ga hortey, kuna soo dhaweeyey Boqor Raabi oo ah nin isna hore loogu soo eedeeyey khiyaamo qaran.


Source:Haatuf