C/Laahi Darawal Oo Si Rasmi Ah Maanta Ugu Dhawaaqay Murashaxnimadiisa Jagada Madaxweynenimo Ee Xisbiga UDUB

 


"Walaahi asbaabo badan, Hamigaygu imika igumuu dhalan, laba sanno ka hor baan qorshahan bilaabay" Md. Darawal


Wasiirkii hore ee wasaarada caafimaadka Somaliland, Md. Cabdilaahi Xuseen Iimaan [Darawal], ayaa maanta shir jaraaŽid oo uu saaka ku qabtay Huteelka Hadhwaag ee magaalada Hargeysa, si rasmi ah shaaca uga qaaday inuu u sharaxan yahay jagada murashaxa Madaxweynaha ee xisbiga UDUB dhexdiisa marka la gaadho shirweynaha aan la cayimin xiliga uu qabsoomayo xisbigaas, isla markaana uu maalmaha fooda inagu soo haya uu magacaabi doono shakhsigii Madaxweyne ku xigeenka u noqon lahaa, soona bandhigi doono barnaamijkiisa siyaasadeed ee uu kula tartamayo Madaxweyne Rayaale.

Md. Darawal, oo hore iskaga casilay xilka wasiirnimo ee uu ka hayay xukuumada Somaliland, ayaa ka hadlay hunguriga siyaasdeed ee kaga jira murashaxa jagada madaxweynaha ee xisbiga talada dalka haya ee UDUB, waxaanu yidhi "Waxaan Halkan ka caddeynayaa inaan u taagan nahay musharaxa Jagada Madaxweynenimada ee xisbiga UDUB ee doorashooyinka soo socda, diyaarna aan u ahay inaan ka qaybgalo tartanka xisbiga dhexdiisa ee la filayo inuu dhakhso u qabsoomo".

C/Laahi Darawal, oo hadalkiisa sii sababaynayay murashaxnimadiisa wuxuu yidhi "Xisbiga UDUB sharcigiisu xisbiyada kale wuu ka duwan yahay oo Madaxweynaha iyo Madaxweyne-ku-xigeenka waa lammaane oo waa in mar la wada doorto, sidaa darteed kulankan mid ka ballaadhan ayaanu qaban doono aniga, Musharaxayga Madaxweyne-ku-xigeenka, taageerayaal intan ka badan iyo Barnaamij siyaasadeedkayga''.

Wasiirkii hore caafimaadka Somaliland, oo ka mid ahaa asaaseyaashii xisbiga UDUB, oo la weydiiyay sababta uu xiligan u go'aansaday inuu isa soo sharaxo, ayaa ku jawaabay oo yidhi "Walaahi asbaabo badan, Hamigaygu imika igumuu dhalan, laba sanno ka hor baan qorshahan bilaabay, sababta keentay in dadku maqlaan inaan is sharaxo waa hawsha aan ku jiray, markaa wax imika igu cusub ma aha."

 



Ramaas