CODKAAGA KU CAYMI DALKAAGA-1-
Waxa soo dhammaaday ololahi doorashada Madaxtooyada. Waxa isniinta
13KA November loo dhaqaaqaya codeynta. Waa maalin aan ku soo marayn
5 sanadood ee soosocda, Waa maalin aad toos u hayso talada dalkaaga.
Waxa ku horyaal warqad ay ku qorantay seddex xisbi Wadani, Kulmiye
iyo UCid oo sida ay u kala horeeyane. WAxaad ku kala dooranaysaa waa
wax yaabihii ay sheegeen xiligii ololaha iyo garaadkaaga ood la
kaashatay.
Haddaba taladeyda oo ah in Kulmiye loo codeeyo iyo Muuse Biixi iyo
Cabdiraxmaan Saylici waxay ku salaysantay. Wax qabadka muuqda iyo
waayo aragnimada ay u leeyihiiin hoggaminta. Waa laba nin oo u soo
joogay dhacdooyina sameeyey taariikhda ma guuraanka ah ee
Soomasliland. Waa nin u soo jihaaday oo naftiisa u horey inuu
dulmigii kelitaliska ahaa dhulka dhigo. Waxuu Muuse ka soo duulay
Maraykan oo uu iska degi lahaa sida inta badani sameyso. Taas waxa
ka daran in intaanu gaadhin SNM laba jeerba leysku dayey in la qabto
oo dib loogu celiyo Soomaliya. Waa nin samir badan, dul qaad leh,
calool adeeg iyo geesinimo leh. Nin aragti dheer oo muddo dheer ku
soo jiray dariiqa hogaanka dalka, maantana ay u muuqato inuu dalka
Madaxweyne ka noqdo. Kumuu soo boodin oo ma aha jug soo dhacay. Wuu
u soo kifaaxay. Waxuuna yaqaan halka wax laga gunto.
Cabdiraxmaan Saylici waa nin qarannimadu la weyntay oo mabda leh.
Nin ka hawl galay dhidib u taaga qarannimada Saoomaliland. Nin
hormood ka ahaa nabadeyntii beelaha Soomaliland, safka hore kaga
jiray shirkii Boorame. Waa xisbiyahan aasaaskii Kulmiye gobalka
Awdal kow ka ahaa, xili taageerada Kulmiye ka ahayd wax la qarsado
gobalka Awdal. Doorashadii deegaanka, wuu is taagay wuuna ku
guuleystay . Nin samo fale ah oo qayb lexaad leh ka qaatay dhismaha
Jaamacadda Camuud. Waxuu Madaxweyne xigeen ahaa 7 sano iyo badh.
Waxuuna guntaday waayo aragnimo qoto dheer.
Kolkaad labada Murashax isku darto waa nin gudaha ku jiray oo ogsoon
waxii horumar la hantay iyo meelaha dhugta lala waayey iyo nin
barnaamajkii xisbiga kow ka ahaa, xukuumadda debedda ka joogay lana
socday meelaha la il duufay, halka qalooc jiro, dareenka dadka, iyo
halgankii dheeraa ee xisbiga iyo xukuumadda soo dhex maray. Waa
waayo arag u bisil inuu baajiyo khilaaf dambe oo waqtiga ka lumiya
xukuumadda uu dhisi doono. Nin xukuumadiisu noqon doonto mid tub
keliya marto oon kala leexan, qofna lahayn awood ka baxsan tan
qaranku siiyey.
Waxa habboon inaad dib u eegto horumarka muuqda ee la gaadhay.
Xusuuso jidka Ceerigaabo. Dhowaan ayaan maray jidkaas oo soo koobay
muddadii lagu safri jiray. Muu dhammaan bal se ciddii bilowday ayaa
dhammeyn doonta ee u code.
Dalka waxa laga hirgeliyey mashaariic hore marineed oo taabanaaya
dhinaca dhaqaalha, Ganacsiga, Wax barashada, iyo deegaanka. Dib u
milicso ceelaasha tirada beelay ee laga hirgeliyey dhammaan
goballada dalka. Ha moogaan MCH yada meel kasta laga dhisay. Meel
kasta oon booqday aniga oo socdaalkeyga aan ku gaadhay dhammaan
degmooyinka dalka min Lawyocaddo ilaa Ceerigaabo, waxaan soo arkay
bulsho mahadisay horumarka Kulmiye.
Wey muujiyeen abaal celinta oo shalay ayey markhaati ma doon dhigeen.
Dadka ikhtiyaarkooda isu soo abaabulay ee dariiqyada magaalooyinka
iyada oo cadceedi jirto guclada ku yimid kheyriyooyinka iyo goobaha
dadku isu soo baxa ka dhigaan magaalo kasta oo dalka ah. 9ka
November, waa maalin xaqiijisay guusha Kulmiye. Waa maalin u quus
goysay ciddii sida kale jecleyd.
U code KULMIYE oo caymi horumarka dalkaaga.
Mustashar Axmed Xasan Carwo
La-taliyaha Madaxweynha ee Dhaqaalha, Ganacsiga iyo Maalgashiga
samotalis@gmail.com
https://www.facebook.com/aharwo/?ref=bookmarks
http://samotalis.blogspot.com/
|