CODKAAGA KU CIIDAMI-1

 


Waa ayaan kale iyo doorasho, waa aayo-ka-talin iyo go’aan qaadasho. Waxa dhammaaday tob an sano oo Golaha deegaanku jiray. Golaha waxa loo doortay xilka inay hayaan 5 sano, wey lab an laabantay. Waxa ina soo maray 5 sano oo ka baxsan muddada aynu xilka ugu dhiibanay. Waxa muddadaas tobanka sano ah Golayaasha deegaanka haystay xisbigii UDUB oon cidi taraxin. Waa la arkay dhib iyo dheef waxa ay lahaayeen. Garashada labada dhinac, xildhibaanada iyo dad weynha, waxa ka markhaati ah in Golaha caasimadda 25kii xildhibaan ayna iska soo sharixin laba nin mooyee.Waxa se mudan muwaadin inaad eegto mustaqbalka adoon iloobeyn waayaha ku soo maray iyo wadciga taagan.

Waxa aad aragtay waxqabadka xukuumadda dhexe ee xisbiga KULMIYE hogaanka u qabtay mud do laba sano iyo badh madax la galaysa. Ha noqon qof dhegaha wax ku qaata oo keliya oo abri iqa iyo carooga danaystuhu yaanu dariiqa kaa leexin. Insha wax ku eeg maankana wax ku qiim ee. Jaanta islamay helin xukuumadda dhexe iyo Golayaasha deegaanka oo UDUBAYSANI, waayo meelna xisbiga Kulmiye hoggaanka degaanada muu hayn. Waa carqalad culeyskeeda lahayd, waa mid loo baahan yahay inaynu ka gudubno oo aynu helno xiligan xasaasiga ah inay Golayaashu isla jaan-qaadaan. Xiligani uma baahnin muran iyo waqti ku luma in muwaadinka lagu majaro habaabi yo dacaayad iyo arrimo yaryar oon sakaaro ka biiqsan. Ma aha in leynoo jeexo dariiqyo yar yar oo badan oon midna meel u ku dhammaado aynaan garanayn. Aan iska jirno inaynu dhaanka u rarno meel aan sahan wacan lahayn, iyo dhabbo inoo kaxeeya meel oodan ah.

Isha fur oo maankaaga ku qiimee marxaladaha ku soo maray. Dib u jaleec maamulada degaanka aga waxa ragaadiyey. U fiirso inay aqooni ku yareed, in daacadi teel-teel ahayd, in la-xisaabtan iyo dareen mas’uuliyadeed ka maqnayd. Xusuuso in hoggaanka ay haysay UDUB, KUlMIYENA MEE SHA KA MAQNAA.
Isha fur oo ha noqon ruux dhegaha laga hago. Dhugo oo daymo waxqabadka xukuumadda Kulmi ye, taas ku salee codkaaga oo KU CIIDAMI CODKAAGA. Ku gargaar aayaha ubadkaaga, u hiili magaaladaada iyo degaankaaga.

U code waxqabadka, yaanu codkaagu ku dhicin cidla iyo meel madhan. Waxa socda qorshaha Xu kuumadda Dhexe diyaarisay oo 30 sano ah, waa mid u baahan in Golayaasha degaanku garab ga laan ooy ka soo baxaan mas’uuliyadda qorshahaas ka saran. Waa mid haddaad KULMIYE u door to degaanka si hawl yar ay isla garab geli doonaan labada Gole. Waa isla baabuur keliya oo labad iisa taayir ee hor waxay u dhaqaai doonaan sidey yihiin isla mid keliya. Ka ilaali dhowr xildhibaan oo noqda cudur dirir iyo dagaal Golaha kula dhex jira, oon lahayn qorshe iyo hiigsi dheer, kuwo waaya URURKOODII iyo qaar xisbi daciif ah ka joogo oon lahayn hoggaan muuqda iyo himmilo xis bi. Waxay u eekaanayaan dar dantooda gaarka u shaqaysta oon lahyn dabar xidha.

Isha fur oo eeg raga sharaxan. Ha u daymo la’aan aqoonta, ha se iloobin tan ka weyn ee ah khi bradda. Dhalin iyo waayeel, rag iyo dumar intaba waa mid Golaha looga baahan yahay si ay u m atalaan dhammaan shacbi weynaha degaanka, waxaad se ku salaysaa kala doorashadooda laba arrin. Tan koowaad waa xisbiga musharaxa, waayo ma jirto ruux keligii buur ahi. Waxa wax qaba dku ku imanayaa waa wadjirka xubnaha iyo xisbiga ay ka soo jeedaa. Ma yahay xisbi wax-qaban kara, ma yahay mid xukuumadda dhexe la shaqayn kara. Tan labaad waa aqoontooda iyo khibra dooda. Nin hadda dugsi ka soo baxay oon hawlba gelin iyo nin aqoontiisa ay weheliso khibrad baaxad weyni kala mudan.

Waxa la marayaa marxalad kala-guur ah, mid qiime weyn ummadeena halganka qadhaadh u soo gashay gobanimadooda ugu fadhida. Waa xili loo tafo-xaytay ictiraafka iyo ka mid noqoshada b ulshada caalamka. Waxa bilow ah wada hadal lala galaayo Soomaliya. Waa arrimo u baahan in dalka ka jirto xukuumad xoog badan oo sharciga fulin karta xiligan adag, xukuumad golayaasha oo dhami isku hadaf iyo barnaamaj ay noqdaan. Waa tilmaan kooban tani bal se maqaal kale aya an ku eegi xidhiidhka tooska ah ee ka dhexeeya doorashada golayaasha deegaanka iyo siyaas adda arrimaha debedda ee dalkeen.

Dhinaca kale waxaynu odorosi doonaa wax-qabadka KULMIYE ee xykuumadda dhexe iyo barnaa majkeeda Golayaasha deegaanka. Waxaynu si cilmiyeysan u caddayn doonaa sida lambarka loo siiyey wax-qabadka xukuumadda iyo waxa lagu cabiray. Waxa hubaal ah in wax badan la qabtay, bal se intaas wax ka badan la qaban karaayey, meelaha qaar gaabis ka jiro, meelo kalana u baah anyihiin in culays ka hadda ka badan la saaro. Waa adduunyo oo kolna ku-tala-gal aadmi ma noq do mid boqolkiiba boqol hagaaga, mid qof, iyo qoys, mid maamul iyo mid ganacsi midnaba.

 Horumarku waa adoo is-qiimeeya, qaladka saxa, gul-daloolada gufeeya, dib u eega tiirarka qors haa, deedna dhaqaajiya ka-midho-dhalinta qorshaha. Isna ma noqon doono mid boqolkiiba boqol sax ah, waa mid taas ka dhigayso arrin joogta ah qiimeynta iyo dib u eegidda. Qiimeynta barnaa maj waxa habboon inay la socoto dib-u-eegid cidda hawsha wada iyo xilkooda.

Muwaadin isha ka shaqaysii in ka badan inta dhegto hawl gasho, maankana ku shiil adoo keli ah oo haysta waxaad soo aragtay iyo waxaad maqashay iyo waxaad doonayso. Ka dheerow inaad noqoto aalad nin danno gaar ah lihi ku shaqaysto.

Tan iyo xili kale CODKAAGA KU CIIDAMI. Ka fogee in codkaagu ku dhaco cidla iyo meel madhan. Hiigsigaaga fogee oo faca soo socda u qorshee nolol wacan. Ha ka bakheylin in ubadkaagu ku noolaadaan nolol taada ka wacan.

Mahad Alle iyo nabad iyo Doorasho Xalaal ah.
 

 

 


Axmed Xasan Carwo

samotalis@gmail.com