CODKAAGA KU CIIDAMI-2 SOCDAALKEYGII AWDAL
Waxay ahayd casar gaab isniineed xiligaan la safaray wafdiga
Madaxweyne Xigeenka Mudan e Cabdirahman Saylici oo u ambabaxay
gobalada galbeedka. Waxaanu galnay maqrib dabad eed magaalada
Boorame anagoo sii marnay dariiq dheer oo laami ah bal se u baahan
dayac tir iyo dhammeystir ay ka muuqato hawl qabyo ah oo socota oo
hareeraha ay tuulantay ciid iyo dhaxii dhismaha. Waa jid laami ah oo
bilaha soo socda si wacan u dhoweyn doonaa safar ka Hargeysa iyo
Boorame. Habeenkaas salaan iyo is wareysi mas'uul iyo odayada
bulshada oo koox koox ah ayey ahayd. Subaxii salaasadana waxaa
bilaabmay is-aragii rasmiga ahaa ee wafdiga iyo xukuumadda gobalka.
Waxa wafdiga ku wehelinaaya Madaxweyne Xigeenka Wasiirada Gobalka:
Wasiirka Dib-u-dejinta, Wasiirka Shaqada iyo Arrimaha Bulshada,
Wasii rka Beeraha, iyo Wasiir Xigeenka Wasaaradda Waxbarashada, iyo
aniga oo ah La-taliyaha Madaxweynaha ee Dhaqaaalaha, Ganacsiga iyo
Maalgashiga.
Xiligii shaqadu kolkay dhammaatay, waxa bilaanmay hawshii xisbi
xaakimka ee KULMIYE oo berrito oo Arbaca ah leh bandhigii ugu
dambeeyey ololahooda. Waxa Isagu yimid maamulkii degmooyinka gobalka
sida Boorame, Lughaya, Boon iyo Baki. Waxa gubaabo iyo talooyin ha
wl-gal ah leysla qaatay dhammaan ergooyinkii iyo hoggaamadii xisbiga
ee demooyinka. Waxa ana ambabaxay mas’uulintii xisbiga ee ka yimid
degmooyinka ka baxsan Boorame. Waxa leysl a qaatay in berrito la
muujiyo cududa iyo awoodda xisbi ee gobalka iyadoo la dhowraayo
sharciga iyo nabadda guud.
Waa balankii iyo maalintii iyo goobtii dhoolatuska KULMIYE iyo
kheyriyadda. Waa goob ilyart u is qabatay, waxa loo joogaa si xarogo
leh waa tageerayaal buux dhaafshay banaankii wey naa.Waa 21 musharax.
Raggu waa labaatan ay weheliso gabadh qayb libaax ka qaadatay
bandhigan awoodeed. Waxa sinmay boodhadh muujinaaya sawirka iyo
lambarka musharaxa waa min 301 ilaa 321. Waxa socda dhalinyaro ku
labisan dharka hidaha iyo dhaqanka iyo dhar labada midab ee KULMIYE
ka kooban, huruud iyo cagaar. Qurux gooni ah iyo midab lamaan oo
isku habboon. Waxa socda koox bigil garaacaysa oo si wacan isula
jaan qaaday oo noqday koox baan boy ah oo uu goobta keenay musharax.
Waxa isna soo galay awr iyo daayeer wata sawirka iyo lambarka mushar.
Kolkay buuxdhaaftay kheyriyaddu waxa xidhmay jidadkii iyo goob kasta
oo banana, ayey mas’uuliinta amnigu dalbeen in xafladda la bilaabo
si loo fududeeyo culayska saran magaalada. Waxa la gartay in
khudbadahu gaabtaan oon laba ruux wax ka badani ayna wafdiga ka
hadal. Waxa hadlay Badhasaabka iyo Mayorka oo soo dhoweyn iyo
warbixinba akhriyey. Madaxweyne xigeenka ayaa madasha soo xidhay
isagoo ka hadlay qiimaha doorashadani leedahay iyadoo loo baahan
yahay in dawladda hoose iyo tan dhexe isla jaan qaadaan oo loo
baahan yahay in KULMIYE ku guuleesto doorashada si uu hoggaanka
degmooyinku u noqdaan qaar mataaneeya xukuumadda dhexe.
Nasasho yar ka dib dhaanka lama furin ee waa geedi kale iyo dhanka
degmada Baki. Waa dar iiq xun oo jar iyo buur ah. Mid xiq iyo dhug
badan ay weheliso boodh iyo habaas meeshaan aan lahayn dhagaxa.
Waxaanu gudubnay Dhuuso Qadhmuune iyo Toddoba Karmood. Waxaa d
arkaysaa bahida halkan taalaa inay tahay jid iyo jid iyo jid.
Waxaanu istaagnay Bakidii Hore oo ah hadda tuulo yar, kolkii aanu la
kulnay dad is abaabula y oo u soo baxay inay wafdiga qaabilaan.
Bariido salaan iyo wergelin kooban ka dib, waxa loo dhaqaaqay laba
jiho, aniga iyo Wasiir Xigeenka Waxbarashada waxa naloo diray inaanu
toos u tegno Baki oo dadku ilaa saaka ay sugayeen wafdiga. Wafdiga
inta kale ee Madaxwey ne Xigeenku hoggaaminayo waxay u dhaqaaqeen
inay sii maraan Ruqi oo ay kula kulmeen taageerayaasha KULMIYE oo
maalintoodii ugu dambeysay muujiyey awood ayna cidi ku labayn.
2.30pm ayaa wafdigu ku soo dhammaaday Baki. Waxa mar keliya isla
oogsaday mashxarad, caleen rux iyo sacab soo dhoweyn. Waxay iloobeen
daalkii hayey, waxay iloobeen inay ilaa 10kii subaxnimo jidka
tumnaayeen, waxay iloobeen wax kasta oon ahayn soo-dhowseyn iyo
damaashaad. Waxa muuqday jaceylka loo qabo hoggaanka dalka iyo xisbi
xaakimka. Waxa goobta ku dhan murashaxiintii oon cidi ka maqnayn,
hoggaanka golaha degaanka iyo maamu lka xisbiga ee heer degmo. Waxa
bilaamay khudbadihii oo dabcan ay maamulka degmada oo uu hor kacaayo
mayarku akhriyey soo dhoweyn iyo taageerada bulshada ee xukuumadda
iyo xisbul xaakimka oo uu mayorku ka soo jeedo. Waxa ereyo kooban oo
dheerigelin iyo taageero doon ah akhriyey Wasiirka Beeraha. Waxa la
soo gaadhay xiligii aan hadli lahaa iyo meeshaan marin lahaa
warbixin, talo, iyo tusaalayn.
Waxaan qudbadayda dib ugu dhigi doonaa maqaalka kan xiga. Waxa
madasha soo xidhay Madaxweyne xigeenka oo tusaaleeyey sida
barnaamajkii Kulmiye wax loogu qabtay, sida Kulmiye u rabo in la
helo Gole degaan oo la wadaaga siyaasadda horumarka dalka iyo in
laga digtoonaado in siyaasadda dalka ee tobanka sano ee soo socda ay
ku kaliyeystaan dad aan khibrad iyo waayo-aragnimo midna lahayn.
Hogaankan la tijaabiyey ee Kulmiye ayey danta guud ku jirtaa...ayuu
ku soo gunaanaday Maxaweyne xigeenku.
Qiimeyn iyo Qadarin
Waxa ii muuqatay in Awdal tahay gobol wagarad iyo waayeel u taliyo.
Dad aqoon iyo shaqo aaminsan, dad jecel horumarka, wadajirka iyo
midnimada Soomaliland. Dad siyaasadda ka aaminsan dimuquraadiyadda
dhabta ah, ku qiimeeya siyaasiga wax qabadka iyo aqoontiisa.
Garaadka bulsho ee koray waa mid laasimay inuu mahadiyo wax qabadka
muuqda, waxa uu tabaayana sheegta. Waxa ii cadaatay awoodda xisbiga
KULMIYE gobolka ku leeyahay oon cidi tiigsan karin. Xisbi kow aad u
sareeye ka ah Awdal. Waxaan aqoonsaday in reer Awdal rabaan wax-qabad,
kuna qancayn in inta KULMIYE qaban karo inayna ururo yar yar oo
dhowaan dhalad ihi qaban Karin.
Waxa reer Awdal ka dhab ah taageerada xisbiga KUlmiye, waxayna ku
muujin doonaan maa linta Arbacada ee 28ka bishan November. Waa mid
aan ku kalsoonay oo dhab loo arki doono. Cod khasaara ha yaraado.
Codkiina muwaadin sida Awdal ku Ciidamiya oo ku doorta wax qabadka
iyo horumarka.
Codkaaga ku ciidami oo ka ilaali inuu noqdo cod cidla ku dhacay iyo
mid ciil iyo cadho kugu reebaa.
Waa guusha iyo Kulmiye, si golayaasha degaanadu ay ula jaan qaadaan
barnaamajka Kulmiye ee Xukuumadda Dhexe. Mataanee cududaada oo
ciirso awoodda iyo himmilada xukuumadda dhexe.
Waa inoo mar kale iyo CODKAAGA OOD KU CIIDIMISO.
Axmed Xasan Carwo
samotalis@gmail.com
|