Codkaaga Ku Ciil Bax - Qormadii 3aad

 

Maanta waxa shacbi weyne ka marag yahay hab- maamulka madaxtooyada dhinaca dimuquraadiyadda iyagoo la arkay sida shirweynii xisbiga ee muddada dheer la sugaayey u dhacay. Fikrad ka dhiiban maayo oo waxaan ku maamuusayaa waxa ay ka yidhaahdeen reer UDUB. Meel kalaba ka doonimaayo ee waxa inagaga filan dhawaaqa ka soo baxay tiirarkii xisbiga UDUB sida Cabdilaahi Direwal, Isamaaciil Aadan, Sandoon, Jawhari, Aadan Ruush iyo Xil. Duur, xubnaha xisbiga kaga jira wakiilada, golayaasha deegaanada iyo odaayadii guurtida. Arrintaas iyagaan u daynayaa iyo waxay yedhaahdeen oo aan hoos idinku xusuusin doono.


Bal se aan qodob kale iftiimiyo.Xubintan waxaan ku faalayn doono si uruursan fikirka lagu saleeyey inaan Madaxtooyada xilka haysa aan lala tartamin kolka loo cararaayo doorkii labaad ee sharcigu u ogalyahay. Waxa si been ah looga sheegay dalka Maraykan oo raga fikirkan qabaa soo qaateen. Waxay ahayd inay soo qaataan meelo kale oon xogtooda si hawl yar lagu helayn. Labada xisbi ee dalka Maraykan ka taliyaa mid walba gudihiisa xili kasta iyo door kastaba waxaa ka jira tartan gudahooda ah. Waana ayaan darro in ummaddeena been lagu jaahwareeriyo. Waxaan arkay rag mas'uuliin ah oo sidan looga dhaadhiciyey. Lagana yaaba in UDUB maamulkeeda sidaas loo geliyey, una qaateen.

Haddaba waxa ugu dambeeyey madaxweyne doorkii labaad u sharaxnaa Madx. Bush sanadkii 2004. Si ayna waqti inooga qaadan Bush 2004, waxa xisbigiisa kula tartamay murashixiin ka badan 10 ooy ka mid ahaayeen: Blake Ashby, Richard Bosa, John Buchanan, Michael Calis, Robert Haines, Millie Howard, iyo Tom Laughlin. Guji halkan haddaad sii xiisayso: Politics1 - Guide to the 2004 GOP Presidential "Other Candidates"

http://www.politics1.com/othergop04.htm
Sanadkii 1996 ee Madax. Clinton u cararaayey doorkiisii labaad waxa isla sharaxay seddex musharax xisbiga dhexdiisa, tartamayaashuna waxay ahaayeen kuwan: President Bill Clinton of Arkansas. 2-Former Buffalo Mayor James Griffin of New York. 3- Perennial candidate Lyndon LaRouche of New Hampshire. 4- Perennial candidate Pat Paulsen of California .

Taas aan ku dhaafo in dalkan Britan een u naqaano Ingiriis in Rayisul Wasaare oo isla markaas ah Madaxa Xisbiga in aanu waqtiba lahayn ee markii la doono xisbigu dhexdiisa lagala tartami karo lana eryi karo. Waxaad xusuusataan labadii RW ee ugu tiqadda roonaa halkay mareen, midwalba waxa lagu riday tartan xisbiga dhexdiisa ah waa Mrs. Thacher iyo MR. Tony Blair. Nidaam ahaan se sanad walba waxa la qabtaa Shirweyne kaas oo agendihiisa ay ku jirto inay ciddi isla sharaxayso iyo in kale.

Waa sanad kasta, oon dibudhac iyo muddo kordhin midna lahayn.
Aan dhextaashan ku tilmaamo aragtida aan ka qabo qaylada Wasiiradii hore. Waxaan hore wax uga sheegay qaladka maamulkay ku jireen ku kacay; mararna iyaga laftoodu geesteen, maantana hadday sax ku joogaan, waa waajib inaan taageero. Xusuuso waajibka ah walaalkaa u gargaar marka uu qaldanyahay oo qaladka ka qabo, kolka uu xaq-doon yahayna is barbar taag. Teeda kale eedda odhanaysa maxay u hadli waayeen kolkay kursiga ku fadhiyeen, ma noqonayso xujo. Waayo waajibkaa ah inuu hayo sirta xafiiska oo doodahu noqdaan qaar Golaha wasiirada ku kooban. Dunida oo dhan kolka Wasiir hadlaa waa marka uu is-casilo amba la eryo. Innaga waxa inala gudboon inaynu qiimeyno waxa qoku ku hadlaayo, amba falaayo.


Haddii tuug soo sheego meel la jabsanaayo, laga wacan waa tuug ee ha dhegeysanina. Booliska ayaa taas ka marag ah. Bulshada waxa la gudboon inay dhacdooyinka midwalba sideeda u qiimeeyaan, kana faa'ideystaan. Qaladwalba miisaankiisa la siiyo. Dabagal ma lihi yaan la samayn ee waxaan leeyahay yaan ninka xumaan soo arka ee baaq afka gacanta galiya, yaan dhegaha laga furaysan.

Gargaarka maanta Ismaaciil, Cabdilaahi Direwal, Sandoon, Jawhari, Caraale, iyo ragga kale loo fidiyaa waxay dhiirinaysaa inta weli dugsanaysa daladda dulmiga iyo dal'asiga. Waana sida loo hanto xoog mideysan oo bulshada u horseeda dhabbada toosan. Dhacdo waliba dharaarteed, arrin waliba raggeed. Raggan ag dhig colkii dhowaan weedaartay ee ina lahaa dimuquraadiyad ayaanu ugu baqoolay daladda UDUB. Waa yaab, oo waata la yidhaahdo, Allow khaatumada noo hagaaji. Allow na hagaaji oo na toosi, waxaanu nahay dar lumaaya, haddaadan dariiqa toosan nagu dabaalin..


UDUB oo nidaam wacan dhistaa waa inoo dan. Dalka oo hela hoggaamiyayaal daacad ah, xilkas ah, waxtar ah, dedaal badan, danyarta u damqada, u-hiiliya xaqqa, dhowrsan, dabci, dulqaad leh. Diiqsi ku ah aqoontiisa iyo waqtigiisa, kala yaqaan maalkiisa iyo kan bulshada. Geesi ku ah danta guud, fulayna ku ah danta gaarka ah. Aftaham indheergaradka iyo makastaba u hoggaamiya dariiqa horumarka iyo badhaadhaha bulsho.Nin aamin leh, run sheeg ah, atlo.wadaag lek oo qadariya inta la hawlgasha, abaal loo galo, abaalna gala, ilaaliya sharciga goob kasta iyo meel kastaba. Waa kaas kan dhisi kara bulsho sinaan ku caana maasha, nabadna ky caweysa. Waana kaas kan seexan kara geed qudhaca hoostiisa, isagoon wadan teknigu iyo duub cas.Bulshow baraarug oo danata guud u darbanow, cadaaladda u gunto, wadajirka iyo midnimada ku hano cadaalad iyo sinaan.


QAYBTAN KU XUSUUSO UDUB OO NOQOTAY WAALIDKEED XOORA
":waxaad ogaataan berrina inuu Boqor idinku noqonayo,"
"Ku-dhaca intaa le,eg … haddii aan halkaa lagu qaban, waxaad ogaataan berrina inuu Boqor idinku noqonayo," Cabdillaahi Darawal

February 7th, 2009
Hargaysa . Garabka Dimuquraadiyad doonka ah ee xisbiga talada haya ee UDUB, ayaa shir jaraa'id oo ay maanta ku qabteen Hoteelka Xaraf ee magaalada Hargeysa, waxa ay ku sheegeen in aanay ka tanaasulayn Mawqifkoodii ahaa inay u sharraxan yihiin jagooyika Madaxweynaha iyo Madaxweyne-ku-xigeenka ee Xisbiga UDUB.

Cabdillaahi Xuseen Iimaan (Darawal) oo hadal ka jeediyay shirkaasi jaraa'id ayaa sheegay inay dhawaan furanayaan xarun cusub oo ay ku qabsadaan hawl maalmeedkooda oo aanay marnaba ka tanaasulayn xaqa ay u leeyihiin inay xisbiga UDUB dhexdiisa ka tartamaan.
Cabdillaahi Darawal waxa uu shacbiga reer Somaliland iyo ciddii caqli leh ee danaynaysa dalka, ugu baaqay inay eegaan cawaaqib-xumida ka iman karta tallaabooyinka foosha xun ee ay ku dhiiranayaan Madaxwayne Riyaale iyo kooxdiisu, kuwaasi oo uu ku tilmaamay niman wakhtigoodii dhamaaday oo sharci darro ku jooga.

"Ku-dhaca iyo dhiirrannaanta intaa le'eg ee uu ku beddelay Xeerkii Xisbiga, Reer Somaliland-now haddii aad ka dhiidhiyi-waydaan oo arrinkaa halkiisa lagu qabanwaayo, waxaad ogaataan in uu berri boqor idinku noqonayo, dastuurkana la badalayo," ayuu yidhi Cabdillaahi Xuseen Iimaan (Darawal)...........


Wasiirkii hore ee Arrimaha Gudaha Ismaaciil Aadan oo cambaareeyey shirka Udubta dowladda iyo Madaxweyne Riyaale
Wasiirkii hore ee Wasaarada Arrimaha Gudaha Ismaaciil Aadan Cali (ismaaciil yare) ayaa shir jaraa'id oo uu shallay galab ku qabtay gurigiisa magaalada Hargeisa, ka dib markii uu ka baxay shirweynihii Xisbiga UDUB oo aan dhamaan kaga waramay arrimo badan oo ay ka mid yihiin murashaxnimadiisii uu doonayay inuu kaga qayb-galo tartanka madaxweynenimo ee xisbiga UDUB dhexdiisa, eedayn ballaadhan oo uu soo jeediyey madaxweyne Rayaale oo uu sheegay inuu ka hayo sir uu sheegay inuu dhawaan soo bandhigi doono iyo weliba guddidii qaban-qaabada shirweynahaas oo uu ku eedeey in ay mareen qaab sharcida xisbiga iyo dimuqraadiyada xisbigaba ka leexsan, isagoo sheegay in uu weli yahay murashax u taagan jagada madaxweynaha ee xisbiga UDUB, isla markaana taageeray murashaxnimada garabkii mucaaridka ahaa ee iyaguna doraad shirweynaha kale qabsaday...... Ismaaciil waxaa uu sharci darro ku tilmaamay xildhibaanadii laga reebay shirweynaha xisbiga UDUB, isagoo ku sheegay in aanu jirrin xeer u diidaya xildhibaanada in loo diido ka qayb-galka shirkaas oo aanay jirin cid ka saari karta xeerka xisbiguna uu dhigaayo in xildhibaanku aanu k bixi Karin xisbiga.

Ismaaciil waxaa uu sheegay in la khiyaameeyey dadkii kaadhadhka shirweynaha loo qaybiyey oo si aanay u ogaan cida ergooyinka ah ama tartanka gelaysa, in kaadhadhka la qeybiyey wakhti danbe oo ah habeenkii burrito oo kale shirku qabsoomayay, isaga laftiisuma uu ka mid ahaa dadka wakhtiga danbe la siiyey, taas oo uu sheegay in uu jaranjarooyin badan u maray helitaanka kaadhka, isla markaana dad uu sheegay in ay yihiin dad aan aqoon lahayn oo waxna akhriyin waxna qorin oo caruur iyo haween u badan laga keenay gobolada dalka si buu yidhi ay u sacabiyaan siddii dawladii Siyaas Barre oo kale."Maaha Riyaalihii shallay ee waa Rayaale kale shacbigu laakiin ma oga."


Ismaaciil waxaa uu sheegay in shirkii saaka la soo gebo-gebeeyey uu aha mid aan lahayn wax ajande ah, muddo gaadhaysa Toddoba sanadood ahna aanay jirrin goob ay isgu yimaadeen guddida fullinta iyo xubnaha dhexe ee xisbiga UDUB. Sidaad uga bogoto dhacdooyinkan booqo linkyada hoos ku qoran. Ha yareysan raadka ay ku leeyihiin masiirka ummaddeena aan weli ka soo doogin dhibtii iyo burburkii ay keentay dawlad-xumadu.
Jawhari oo saluugay qaabka qabanqaabada shirwaynaha xisbiga Udub
http://www.radiohormuud.dk/news.php?id=2007&page=8

Somaliland.Org » Idaacadda Horyaal oo Faallo'Aad U Xiiso Badan Ka Bixisay Doorashooyin Musharixiinta Axsaabta Qaranka http://www.somaliland.org/2009/02/05/i daacadda-horyaal-oo-faalloaad

Badbaadi dalkaaga oo codkaaga ku ciilbaxdo. Waa adigoo ka maydha codkaagii kugu noqday cadowga. Mar labaad ha lumin, ka kor ciilkaanbi, ha qodin booraan hadimo, wax-ku qaado shalay iyo qaladkaad gashay. Qalad aadmi ayeynu u nahay ee noqo ka qaladkiisa dhekhso u garta, ka waantooba Allena talo saarta.
Waa rayi wanaag doon ah, ciddii igu diidan waa xaqooda, cidii ila rayi ah soo dhoweyn wanaagsan. Xumaan inta u aragtana raali-gelin. Waa wax-sheeg iyo tusaaleyn, waana midda aynu kaga duwanay xayawaanka.
Haddaad xiisayso guji hoos si aad u akhrisato Maqaalkii aan ka qoray doorashooyinkii barlamaanka: Codkaagu Yaanu Cadow Kugu Noqon Qormadii 3aad.

http://samotalis.blogspot.com/2005/09/codkaagu-yaanu-cadow-kugu-n

Waa inoo qormo kale Insha Allah
 

 


Ahmed Arwo

U.K
Samotalis@gmail.com
http://samotalis.blogspot.com/