CODKAAGA KU CIIL BAX qaybtii 6aad

 

Aan ku dilo ee ha damqan, aan ku xidho ee ha cadhoon, aan ku dhaco ee ducee !

Waa arrin la yaab leh, waa odhaah fajac ah, waa se wax maalin walba lagu yidhaahdo ninka dulmiga ka damqada, ninka xaqqa ku adima, ninka dowga toosan farta ku fiiqa iyo ruuxa dareenkiisu kiciyo. Waa caado Afrikaan iyo meel dulmi taliyo. Waxa la neceb yahay qofka dibnahiisa soo mariya sharciga aan dhowrno, ballanka aan oofino, cadaaladda aan ku guntano, danyarta aan u naxno, muwaadinku ha u sinaado dalka. Jawaabtu uu helaa waa mid aad loo xafiday oo goob kasta iyo xilad kastaba la adeegsado, waa: nabadiina ilaasha, cadowga iska jira iwm. Waa farsamo gabowday oo laga dhaxlay gumeysigii caddaa. Waana mid carigeena iyo qaaradda madow guud ahaan dib u dhigtay. Waxa adeegsada dar aan weli garan faraqa u dhaxeeya talis shisheeye iyo ka dadkiisa. Muu garan inuu dadkan uu xukumaa dadkiisii yahay, dalkana aanu ku ahayn marti, sidoo kalena kan uu cadowga u yaqaan yahay ka kursiga ku fadhiisiyey.

Nabadda waxa ilaaliyaa cadaalad, sharci loo siman yahay, mas’uuliyadda daahfuran, la-xisaabtan leh, awood sharciyeysan oo xad iyo xero aan la dhaafin leh. Waxa taas lagu xaqiijiyaa awoodda maamulka dalka oon qof keliya amba gole keliya loo gacan gelin. Qof kasta oo muwaadin ah waxa uu leeyahay hawl u gaar ah oo fulinteeda uu leeyahay, la-xisaabtanna cid kale u hayso. Ilaa qoyskaaga iyo ubadkaaga waxaad leedahay mas’uuliyad aan laguuga iman, bal se ma lihid awood aad waxaad doontu ku samayn karto. Waxa mas’uuliyadaada qoys iyo awoodda maamulkooda la socda la-xisaabtan xadidan oonad waxwalba fasax u lahayn. Sidaas darteed ayaanu jirin qof awood aan la-xisaabtan la socon lehi. ( Authority, Responsibility and Accountability)
Mas’uuliyadda hogaameed oo xisaabtankeeda leh ayaa shacbigu faraha u galiyeen Madaxtooyada. Waxa dareenka mas’uuliyadeed waajib ka dhigayaa in xiisad kasta oo dhalata cidda ka hawl galeysaa ee fadhi iyo joogba diideysaa noqoto kolba ruuxa kursiga ku fadhiya. Waxa ayaan darro ah in dareenkiisa meesha ka maqan yahay. Waxa weliba dheer in cidda kale ee xilkaas is tidhaa ula tag Madaxtooyadu, ay albaabka ka hidhato.Weli ma maqashay Madaxtooyada oo iskeed ugu yeedhaysa cid arrin ka dhaxeyso oo xisaadi ka jirto. Ha noqoto xidhiidhka ka dhaxeeya Barlamaanka, Mucaaradka, iyo beelaha, waxaad maqlaysaa iyadoo madaxtooyada cid dhexdhexaad ihi hawshaas ula tagtay. Maxaa u diiday in dareenka mas’uuliyadeed damqo oo xilku kiciyo?

Anigoo dhambaalkani iga yahay xusuusin oo aanan qodobadan mugooda siineyn, aan u talaabsado xiisadda taagan oon qabo in si xoog ah looga waramay. Dawladdu madaxweyne ilaa agaasime, waxa ay ku celcelinaysay inaan loo baahnayn muddo kordhin iyo Golayaasha sharci dejinta iyagoo si qaldan ku salaynaaya Qodobka 83naad ee dastuurka. Kaas oon sidiisa hoos idiinku daabici doono oon fahamkiisa idiin dhaafi doono, waxa xigtay oo aynu ilaa dorraad maqlaynay in Madaxweyne digreto ku soo saaray maalintii doorshada, una gudbiyey Guurtida si ay mudada xilka ee xukuumadda ka dhamaanaaya 6da April loogu kordhiyo.... hadda shallayto hadalku waxuu ahaa uma baahnin... Miyeyna ahayn ta Kulmiye qabo ee ah in hawshaas Golayaashu leeyihiin. Maxaa ilaa saacaddii ugu dambeysay loo sugaayey? Sow ma aha meel aanu ka jirin dareenka looga baahan yahay xilka iyo mas’uuliyadda ku ladhan ee qaranku ammaano ahaan ugu dhiibay Madaxtooyada.

Isla ammuurtaasi waxa ay iyana meesha ka saartay is-hafarka guddiga  doorasho oyinka oo marar badan ku celceliyey inay maalinta doorashada iyagu u madax banaan yihiin.. haddaan digreeto ku soo bixin maxay qiimo leedahay maalintoodu. Waxa ay leeyihiin soo jeedin, bal se waxa loo baahan yahay oggolaanshaha Madaxweynaha. Teeda kale haddayna xukuumaddu la iman abaabulka doorashada sida agabkeeda, askarta amniga, hawlgalka gadiidka, miisaaniyadeeda, iyo dhaqaajinta maamulayaasha Goballada, Komishanku ma qaban karaa doorasho?

Maxaa ka hortaagan tuulooyinka dhowrka meyl u jira caasimadda een diiwaangelintu ka dhicin? Ma dhankooda mise waa mid xukuumadda ka timid. Komishanow heys hafrin, ee meesha nabarku yahay ummadda u sheega. Qalad farsamo idinkaa leh, kan ay cid kale leedahay halkeeda dhiga si xalkeeda loo helo. Waxaad tihiin garsoorayaal ku shaqeeya sharciga Barlamaanku dejiyey. Waxaad haysaan hawl qaran oo culus iyo masiirka ummadeena, waxa idinku waajib ah eex la’aan iyo hagrasho la’aan, xilkasnimo, dareen mas’uuliyadeed. Waxa leydunku leeyahay xisaab celin, warbixin iyo wacyi-gelin qaran. Awoodiina oo habrataan, ogow waa eex waana dulmi. Cid aad qaladkeeda u qarisaan waa eex, waana dambi, cid aad qalad ayna lahayn saartaan, waa eex waana dambi. Intaba waxay yihiin qaar qoortiina sudhnaan doona if iyo aakhiraba. ILLAAHAY haydiin fududeeyo hawshiina ee noqda dar eex iyo habrasho ka dheeraada. Awoodiina sharciyeysan si hufan oon ka-tegis iyo ku-darid midna lahayn ku camal fala.

Dadweynow, iyadoo hawshani la taalo Guurtida ayaan jeclaaday inaynu la eegno qodobka dastuurka ee 83naad oo ka mid ah qodobada la hal-maala Waaxda Fulinta. Waana kuwan hoos ku qoran. Si gaar ah u akhri 83aad farqada 2. kuna dhammaanaysa... .. waxa la qaban doonaa bil ka hor dhammaadka muddada xilka Madaxweynaha hore. Iyo 3. Kuna dhammaanaysa..... Madaxweynaha iyo Ku-xigeenka cusubi kala wareegaan xilka muddo bil ah gudaheed. iyo 5. Kuna bilaabmaysa.. Haddii ay suurtoobi weydo duruufo la xidhiidha nabadgelyada darteed in la qabto doorashada.

Bal si miyir ah isu dul taag qodobka 83aad faqradda 5. Waxa koradhsiimo imanaysaa oo keliya kolka ay jirto xaalad nabadgelyo darro. Taasina mid dalkeena taal ma aha, Illaahayna inaguma keeno. Dastuurku waa kan. Hadday dalka oo nabadi ka jirto hore loo kordhiyey muddo sanad ah, miyeyna ahayn xil-gudasho la,aan, iyadoo weliba ay jiraan qodobo dastuuri ah oo in badan la jabiyey. Miyeyna ahayn in Guurtidu eegto qodobada xil-gudasho la,aanta iyo jabinta dastuurka oo ah kuwa ku sheegan qodobka 96aad ee isna aan hoos idinku soo qoray. Ogow sababta keliya ee dastuurku u ogolyahay koradhsiimo waa nabadgelyo darro. Waana qodob hore loo jiifiyey, ee aan u ducayno in Guurtida Illaahay tuso xaqqa ooy noqdaan dar xilku gubo, mas’uuliy aduna damaqdo, xisaabta if iyo aakhiraba daba joogtana garashadeeda ku go’aans ada. Guurtiyeey ku eega damiir dadkiina u naxa, go’aan qaadasho sal iyo baarba cadaalad lagu sar jaray, mid ka aradan dheef shakhsi iyo dheecaan adduunyo, mid aan habrasho lahayn oon muruq, xeelad khaa’in iyo carab xaqdarro midna u joojin. Illaahay haydin waafajiyo xaqqa iyo cadaaladda.


Waa kan qodobkii inta badan laga dooday ee waa adi iyo garta ood garaadkaaga la kaashato. Waxa isna hoos yaal qodobka 96aad ee maamuus-xayuubinta. Baro dastuurka iyo sharciyada dalkaaga hoos u sii deg oo booqo mareegta: Somaliland Law. Guji oo boqo kolba mawduuca ku xiise galiya.

QODOBKA 83AAD
HABKA DOORASHADA

1. Waxa Madaxweynaha iyo Ku-xigeenka Madaxweynaha lagu dooranayaa qaabka doorashada guud oo toos ah; isla markaana qarsoodi ah iyaga oo isku lammaan.

2. Doorashada Madaxweynaha iyo Ku-xigeenka Madaxweynaha, oo isku mar loo codaynayo, kuna salaysan habka u codaynta liistada, waxa la qaban doonaa bil ka hor dhammaadka muddada xilka Madaxweynaha hore.

3. Madaxweynaha iyo Madaxweyne-ku-xigeenka hore ayaa sii wadi doona hawlaha ay u xil-saarnaayeen ilaa Madaxweynaha iyo Ku-xigeenka cusubi kala wareegaan xilka muddo bil ah gudaheed.

4 Waxa loo aqoonsanayaa in ay doorashada Madaxweyaha iyo Kuxigeenka Madaxweynahu ku guulaysteen labada qof ee magacyadoodu ku sheegan yihiin liistada hesha codadka ugu tirada badan.

5. Haddii ay suurtoobi weydo duruufo la xidhiidha nabadgelyada darteed in la qabto doorashada Madaxweynaha iyo Kuxigeenka Madaxweynaha marka muddadii xilkoodu dhammaato, waxa Golaha Guurtida waajib ku ah in ay muddada xilka u kordhiyaan Madaxweynaha iyo Kuxigeenka Madaxweynaha, iyaga oo tixgelinaya muddada dhibaatada lagaga gudbi karo; doorashaduna ku qabsoomi karto


QODOBKA 96AAD
EEDEYNTA IYO MMMUUS-KA-XAYUUBINTA
MADAXWEYNAHA, KU-XIGEENKA MADAXWEYNAHA
IYO WASIIRADA


1. Haddii Madaxweynaha iyo ku-xigeenka Mad axweynaha lagu 800 oogo dembiyada kala ah:¬

b. Khiyaamo Qaran (High Treason) ama

t. Ku xad gudub Dastuurka.

Waxa ku soo oogi kara Madaxweynaha ama/iyo Madaxweyne-ku-xigeenka dembiyada ku xusan faqradan ugu yaraan saddex meelood meel xubnaha ka tirsan Golaha Wakiilada; iyaga oo eedaynta u gudbin doona Guddoomiyaha Golaha Wakiilada, Golaha Wakiiladuna waxuu ku ansixin karaa cod tirada xubnaha Wakiilada badhkood iyo mid ah {Absolute Majority).

2. Golaha Wakiiladu wuxuu igmanayaa guddi aan ka badnayn toban (10) xubnood oo eedeynta M/weynaha ama Madaxweyne-ku-xigeenka kaga oogta Golaha Guurtida hortiisa, wuxuuna Golaha Wakiiladu adeegsan karaa qareemo madax¬bannaan oo arrintaas eedaynta ka kaalmeeya.

3. Waxa u fadhiisanaya xukunka eedayntaas Golaha Guurtida oo uu Guddoomiye ka yahay Guddoomiyaha Maxkamadda Sare oo dhagaysanaya dacwadda ay soo oogayaan Guddida ay igmadeen Golaha Wakiiladu, iyadoo Madaxweynahu ama Madaxweyne-ku-xigeenku isaguna yeelanayo qareemo gaar ah oo difaaca. Golaha Guurtidu wuxuu ku ansixin karaa eedayntaas cod 2/3 (saddex meelood laba meelood) oo tirada guud ee Golaha ah.

4. Haddii Xeer-ilaaliyaha guud ku soo eedeeyo Wasiir ama Wasiir-ku-xigeen dembi ka mid ah dambiyada ku sheegan faqradda koowaad ee qodobkan, waxaa warbixinta eedda uu Xeer- ilaaliyaha Guud u gudbin doonaa Madaxweynaha. Haddii Madaxweynuhu ku qanco warbixinta waxa uu Wasiirka ama Wasiir-ku-xigeenka ka xayuubin doonaa dhowrsannaanta. Haddii uu ku qanci waayo Madaxweynuhu warbixinta Xeer-ilaaliyaha Guud, wuxuu amrayaa inuu Xeer-ilaaliyaha Guud la noqdo dacwadiisa.

5. Waxaa eedda Ia xidhiidha Wasiirada qaadi doonta Maxkamadda Sare ee Cadaaladda (High Court of Justice), Maxkamadaas oo ka kooban Guddoomiyaha Maxkamadda Sare; afar garsoore oo ka tirsan Maxkamadda Sare iyo afar xubnood oo ka tirsan Golayaasha Baarlamaanka oo Gole waliba soo doorto laba xubnood.

Haddaad rabto qodobada distoorka oo dhan amba qaybta Fulinta (Madaxwyne iyo Xigeenkiisa) akhri labada mareeg-xidhka(Links) ee hoos ku qoran. Sidoo kale haddaad sii xiiseyso booqo mareegta xeerka doorashooyinka. Dhammaan waxaan ka soo xigtay websiteka qiimaha badan ee madaalaha, muwaadinka dalkiisa jecel uu inoo diyaariyey. Waa aqoonyahan, Garyaqaansare Mudane Ibraahin Xaashi Jamac iyo websiteka www.somalilandlaw.com

http://www.somalilandlaw.com/Distoorka_oo_Dhan.htm

Distoorka: Waaxda Fulinta:

http://samotalis.blogspot.com/2009/03/dastuurka-somaliland-qaybta-seddexaad.html

http://somalilandlaw.com/XEERKA_DOORASHOOYINKA_MADAXTOOYADA_IYO_G-DEGAANADA.htm

http://www.somalilandlaw.com/Somaliland_Election_Law_Amendment_Bill__2007.pdf

Gar la go’aamin waayey, hore waxa looga yidhi waa laba mid: Amba hal aan ku jirin ayaa lagu darayaa amba hal ku jirta ayaa laga sarayaa. Aan rajeyno inaan midna dhicin. Waa dariiqa doorasho oo leynoo xaadho, deedna qof waliba isaga oon dagaalamin, diririn, seef iyo dhagax midna qaadan, uu si nabad ah Ku Ciil Baxo Codkiisa, una codeeyo aqoonta, garashada, daacadnimda iyo ninka uu ku aamini lahaa mustaqbalka ubadkiisa. Hubso oo ha noqon doqonka aan ciil kaambi ka korin.

Haddii shalay Codkaagi Cadow kugu Noqday, kaga bogo kan maanta oo codkaaga ku ciil bax. Waxa se ka horreysa inaan u sare kacno sidii loo heli lahaa doorasho xaq ah oo xalaal ah. Mid tartamayaashu si siman ugu loolamaan, aan la isticmaalin awoodda xukuumadda oon marna sharcigu oggolayn in loo adeegsado doorashooyinka. Taas ka horna aan helno maalin leysla ogolyahay oon daraf gooni ihi calaamadaysan. Dalka iyo dadkuba waa keenii, tartankuna waa sunnaha dimuquraadiyadda ee yeynaan cadow iyo shisheeye sidiisa isula dhaqmin. Wanaag waxa dhalin kara shacbiga oo xaqqa isu taaga, doorashadana si xalaal ah cidda ay xilka u dhiibanayaan nabad iyo kalsooni ku doorta. Mindida daabkeeda dadweynaha haya, hadday awoodooda gartaanna qalad kasta wey sixi karaan, guushuna waxay raaci ruuxa ay la doonaan.
Mahad oo dhan ILLAAHAY baa leh.


Waa inoo qormo kale iyo dhowaan Insha Allah.
Assalaamu Calaykum Wa Raxmatullahi Wa Barakaatu
 

 


Ahmed Arwo

samotalis@gmail.com
http://samotalis.blogspot.com