Sidii la arkay doorashadii (Madaxtooyada ) ee tan ka horeysay, Madaxway ne Rayaale waa Hogaamiye dhiiran marka la eego go,aan qaadashadiisa Xaladaha qaar, Madaxweynaha ayaa sidii looga bartay marlabaad ku dhiir aday in doorashada lagu qabto habka ay ku qabsoomi karto, oo ah habkii ay tii hore ku qabsoontay, waxuuna ku Dhawaaqay asagoo filinaya Go,aan ka Gudiga Doorashadda in 27.09.2009 Doorashadda loo dareeri doono ins ha, alaahu, Madaxwaynahu waxuu Codkiisa
Diiran ku cadeeyay in ay isga iyo Hogaanka sare ee Xisbiga udub ka
go,antahay in la dhamastiro habka iyo Hanaanka Dimoqraadiyo ee
markii horeba Xisbiga udub iyo Hogaankiisu bilaabeen. Waxaan Filayaa waxii intaas baaqi
ka ah ee aan ahayn in aynu inagoo xor ah Hawsha u dareerno oo aan
iska Caabino Mashruucan aad moodo kii Iran ee Telefonka Mobelka lagu
hagayay iyo Dacaayadaha Dadka ka masayrsan Horumarkeena iyo
Mabaadiideena ku dhisan Nidaamka Axsaabta badan. Xisbiyadeena qaarkoodna waxaad moodaa inay la soo tashanayaan Mr. Raila Odinga. Hogaanka Xisbiga Kulmiye waxay u egyihiin kuwo door biday inay si boob ah uga qayb galaan Maamulka ama Golaha wasiirada, maadaama aanay u muuqan Caalaamado muujinaya inay Madaxtinimada ku guulaysan doonaan ka dib codbixinta 27.09.2009 oo ah tii ay markii hore ku dhaarteen inayna maalin dib uga dhaci karin. Sida uu iftiishay Mudane Daahir Rayaale Madaxwaynah Jamhuuriyadda Somaliland Doorashadda waa la qanabayaa (insha,alahu) sida loo qabanayo iyo goorta aan qabanayno inaga iyo Gudigeena Doorashadda ayay inagu xirantahay, uma baahna inaan Mr. Waye, Ronnenberg, ama Raila Odinga kala tashano. Xisbiyadeena aan uga yeedhano Hayga Musuqmaasaqa iyo isku dirka Afrika (Neiroobi). Kuna soo celino sidii caaddada inoo ahayd ee Gudoonka Dhexdeena iyo Geedka hoostiisa. wadajir baynu wax noqonaynaa.
|