Codkarnimada iyo Afsoomaaliga

 



Codkarnimadu waa hibo ama wax la baran karo oo wanaagsan. Waxa ay ka mid tahay sifo o yinka wanwanaagsan ee dadka lagu ammaano. Waxa laga yaabaa in aad mararka qaark ood maqasho iyada oo la leeyahay, qofkaasi waa qof codkar ah. Macnuhu waa in uu qofk aasi yahay qof dadka hadalka deeqsiin kara, si cad oo la wada fahmi karana wax u sheegi kara.

Waayadan dambe waxa ay codkarnimadu ka mid noqotay waxyaalaha dadka lagu qiimeey o. Siyaasiga, macallinka ama mas’uulka sida faseexa ah u hadla iyo ka tusaale ahaan afkii sa soomaaliga ah afaf kale oo uu wax ka bartay ku dhex walaaqaa isku mid ma aha, isku si’ looma xiiseeyo, ujeeddadoodana waa la kala garan og yahay. Guud ahaan dadka bulshada la hadla, magaca ay doonaan ha lahaadaane, aqoonta ay afkooda u leeyihiin inta ay la’eg tahay ayaa hadalkooda lagu xiiseeyaa; ama yarideed ama la’aanteed ayaa lagaga xiisa be elaa.

Codkarnimada iyo afkeennu waa laba wax oo isku xidhan saamayn weyn na isku leh. Arki m aysid qof afka uu u dhashay aan aad u garanayn oo haddana codkar ah. Laakiin in badan b aad arki kartaa qof afkiisa aqoon durugsan u leh oo haddana codkar ah oo hadalkiisa aad l oo dhuuxayo oo uu haddana hadalkiisu maankuhadh leeyahay.

Waxa jirta aragti gurracan oo ay dadka qaar ka qabaan codkarnimada. Dadka qaar baa qo f kasta oo hadal badan u qaba in uu yahay qof jiitay oo halis ah! Qof saacado badan hadli kara oo aan mar keli ah dibnaha isku qabanayn oo aan haddana hadalkiisa aadka u badan maahmaah keli ah ama murti kaleba laga helayn ayey ku odhanayaan mararka qaarkood w aa codkarama waa afmaal. Xataa la isma weydiiyo wax kala-duwanaansho ah oo “codk ar” iyo “afmaal” u dhexeeyaa bal in uu jiro. Qof kasta oo hadal badan duddubiyaa codkar ma a ha!

Qofka codkarka ahi waa qofka awoodi kara in uu ujeeddadiisa u sheegi karo sida ugu dhow uguna ereyo culus. Waxa mararka qaarkood la yidhaahdaa, qof kasta oo afmaal ahi codkar waa uu noqon karaa, hase yeesho ee qof kasta oo codkar ahi afmaal ma noqon karo.

Qof kasta oo aan afsoomaaliga aad u aqooni ma noqon karo qof hadalkiisa aad loo xiiseey o, hase yeesho ee qof kasta oo afsoomaaliga ku wanaagsani dhegaha dadka dhegaysana ya waa uu hantiyi karaa. Waxa markaa halkaa inooga cad in sii barashada afkeenna iyo mu rtidiisaba aan marna laga maarmi karin, iyo in ay arrintaasi tahay baahi goor kastaba jirta.

 

 

 

 

 

Axmed Iid Aadan
ahmediid@hotmail.com