Colka wadhaf ma lagu dayey waxaa
lagaga gudbayaa cunaqabataynta siyaasadeed
Somaliland ma ah masale heehaabanaya cirka iyo dhulka meel dhexdooda
oo dan iyo xuduud caala mka kale midna la wadaagin; isku filan, kana
maarantay carro edeg gabi ahaanteedba. Haddii aan ay sidaa ahayn
caqliga fayow iyo diinta Islamkuba waxay inna farayaan in la
iskaashado oo aad wada tashataan, ciddii kale ee dano idinka
dhexeeyaana aad la macaamishaan oo aad arrin iyo ad duunba
isdhaafsataan.
Waxaynu ognahay kaalinta Somaliland ay taagan tahay dhaqaalo ahaan
oo ummadeed waxaa jala caalamka, marna ay ka dudayso marna ku
dudayso ee ay miciin ka moodo. Jalkaa loo soo mariyo h ay'addaha
samafalka ayaa quud u ah oo weliba rag badan oo ka dhex doobiyaa
mucaarid iyo mux aafidba wax ka dayaan oo guryo ka jeexdaan. Markaan
miyaanay diidmada qayaxani ee shirarka lagaga baaqanayaa u ekayn
bakhtiga ma cunno ee fuudkiisa ayaanu cabnaa.
Muranada dibiro dhacsiga ee aan danyarta iyo maatida khusayn waxaa
ka mid ah cunaqabataynta siyaasadeed ee dawladan cusubi go'aansantay
in laga gudbo oo shirarka caalamka, kuwa gobolka iyo halka ay dani
tidhaahdaba laga qaybgalo. Wax kalana ma ah tallaabadaasi
waa colka
wadhaf ma lagu dayey oo jid kale oo u furan in danahii loo heegnaa
lagu raadinay weeyaan.
Labaatan sannadood ayay Somaliland cunaqabatayn siyaasadeed caalamka
iyo gobolkaba kaga ji rte. Go'doonka siyaasadeed iyo bandoodu xaga
rabi kamay imman, quwadaha caalamka ka ammar ku taag leeyaana kumay
soo rogin, oo ha dhaqdhaaqin, lama odhan. Shirarka caalamiga ah kuwa
siyaasadeed iyo kuwa samafalba waa loogu baaqayey oo gogosha loo
fidinayey marwalba. Marna laguma odhan waad ka reeban tihiin oo lama
faquuqin sidii Biyaafaradii Nigeriya. Waxaa marwalba ka hortaagnaa
ee cunaqabataynayey waxay ahaayeen xoogag gudaheeda ka mid ahaa,
ujeeddo kasta ha lahaadaane. Iyada ayaa istabcayneysey oo cidna
eersan mayso.
Siday la wada ogyahay oo aan in badana sheegay qoys, qabiil iyo
qaranba ereyada i'iinyo, diidey, maxaa iiga gidhiisha iyo hebel meel
ka wada gabyimayno hab dhaqanka siyaasada meela kama soo galaan. Taa
ka sakow haddii arrin siyaasadeed aad ku adkaysato muddo dheer oo uu
guulo soo ho yn waayo in dib loo jaleecaa waa waajib, markaad
aragtana in aanu shaqayneyn waa waajib in ge es kale looga wareego.
Tallaabadan hore loogu dhiiran waayey ee dawladdan cusub ku
tallaabsaday in la baajiyo, waxaa ka roon in laga midho dhaliyo oo
laga dhursugo, loona hawlgalo. Wasiirka arimaha dibada ee ka
qaybgalay shirkii London ee ku noqday mucaaridka dhidar onkod
kiciyey, Dr.Maxamed Cabdillaahi Cumar, ku ammaani maayo, kuna
dhaliilimaayo keligii, oo wuxuu xubin ka yahay Golaha Fulinta ee M/weyne
Axmed Maxamud Maxamed guddoomiyaha ka yahay. Wixii tallaabadan shar
iyo kheyr ka yimaadana waxaa la wadaaga dhammaan golaha fullinta ee
loo igmadey in ay u adeegaan danaha Ummada iyo horumarkeeda. Wuxuu
fullinayey wasiirku siyaasad dawladeed oo dan la moodey, mid uu gaar
u leeyahay ma ah; oo keligii uu ku faani karo. Wuxuu fulinayaa qaab
siyaasada dawladu ku dhaqayso ummadda. Ninka gaar ula fudh baxayaa
ee keligii eedayaana waa dan iyo xeeshii, gartii na wuu iska
kharibayaa.
Xoogagii ugu badnaa ee Alla ha naxariistee marxuum C/raxman Axmed
Cali, marxuum Maxamed X aaji Ibrahim Cigaal iyo Mudane Dahir Riyaale
kaahin ka tallaabsan waayeen oo marwalba ku eed ayn jirey cid bay la
faqeen, waxay ku badan yihiin dhinaca Kulmiye. Hadday maanta garteen
wixii ay weligood didi jireen, waa Ilaahay mahadii, odhana maayo
maanta way bogsadeen iyo way lad naadeen midna, dib ayaan u
dhiganayaa haddii eebbe igu simo. Waa laga yaabaa hormoodadoodu in
ay u taabaceen tallaabadan ay ka dagaalami jireen, jiq ku sii waa
balwad eh in aan taageerado odu dhaafsiisaynayn maantana mucaaridka
jiq ku sii.
Mucaaridka cusub ee shalay muxaafidka ahaa (UDUB) iyo mucaaridka
duqoobey (UCID) waa in ay ka gudbaan aragtidii ku jiqsii iyo car
dhaqaaq ee loo adeegsadey sedexdii dawladeed ee tan ka ho reeyey.
Mucaaridiintu waa in ay la yimaadaan habkii hore ee labaatanka sano
wax loo mucaaridi jirey hab ka heer sareeya oo ay ogaadaan in aanu
dadku ahayn kii shalay.
Mucaaridku xaq bay u leeyihiin in ay dhaliilaan oo mawqifkooda oogta
ka caddeeyaan gefafka daw ladda iyo hadday hoos ka unugto waxaan la
isku ogeyn. Laakiin xaq umma laha in ay dawladda ku khasbaan in ay
ka noqoto tallaabooyinka ay qaado. Waa in laga dhursugaa intay ka
midho dhallin ayso, hadday waxba ka soo naaso caddaan waayaan iyada
ayaaba ka noqon amma waa laga cod ayn. Waxaa mucaaridka looga baahan
yahay tallaabada siyaasadeed ee ay dawladu ku canbaara ynayaan,
gudaha iyo dibedaba in ay sheegaan ta ka haboon ee ay dadka ku dhiqi
lahaayeen, had dii la dooran lahaa. Haddii aannad taa diidan tahay tu
dhaanta hayn, afkaaga caano geel oo xoor leh ku qabo.
Caalamka haddii la ictiraafo iyo haddi kalaba waa la ishuran yahay.
Sebenkan aynu ku jirnano caa lamkii wuu isku soo dhawaadey oo
teknoolajiga casriga ah ayaaba ka dhigay in sali qudha lagu wa da
fadhiyo. Maalinba maalinta ka danbaysa wuu isku sii dhawaanayaaye,
haddaba intaa waqti kaa tegin waxaanad hureynin in aad hadda yeesho
ayaa ka hagaagsan, siduu Maxamed Ibrahim wars ame ku geeraaray.
|