C/Raxmaan C/Qaadir Oo
Sheegay In Shirkii Istanbul Dhaa wacay Madaxbanaanida S/Land,
Cadaalad-Daro-na Ku Tilmaamay Xukunkii Maxkamadu Ku Riday
Masuuliyiintii Musuqmaasuqa Ku Eedaysnaa
“Waxba Yaan Xasaasiyad Laga Qaadin Shirkaas In Shirarka Beeluhu
Inagu Tarmaan Waxa Inagu Furay Shirkii Gar-Adag” C/Raxmaan C/Qaadir
Hargeysa (TNN) – Guddoomiye ku xigeenkii labaad ee Xisbiga Kulmiye
C/raxmaan C/qaadir Faarax ayaa ka hadlay Saamaynta uu Madaxbanaanida
Somaliland ku yeeshay shirkii dhawaan Somalia lo ogu qabtay
Magaalada Istanbul ee dalka Turkiga, kaas oo sheegay inuu dhaawac
weyn gaadhsiiy ey qadiyadda Madaxbanaanida dalka ee loo hanka waynaa,
isla markaana tibaaxay inaanay jirin w ax dan ah oo Somaliland haba
yaraatee ugu jiray shirkaasi.
C/raxmaan C/qaadir waxa uu sidaas ku sheegay Waraysi khaas ah oo
Wargeyska Haatuf uu shal ay galab ku siiyey khadka tilifoonka isaga
oo ku sugana magaalada London ee xarunta dalka Brita in, kaas oo
sidoo kale ka hadlay sida uu u arko Xukunadii kala duwanaa ee doraad
Maxkamadu ku riday Badhasaabkii Maroodi Jeex, Agaasimihii Dib-udajinta
iyo La taliyihii Madaxwayne ku xigeenka, kaas oo xukunkaasi ku
tilmaamay mid cadaalada ka fog oo aan loo meel dayin.
Guddoomiye ku xigeenkii labaad ee xisbul Xaakimka Kulmiye oo isagu
hore u sheegay in xilka xoog lagaga xayuubiyey ayaa sidoo kale ka
waramay shirka dhawaan la filayo in beeshiisu ku qabsato gobolka
Sanaag, kaas oo ku dooday inay xaq u leedahay inay beeshaasi ka
arinsato danaheeda, dawladana ugu baaqay inay ka qaybasho oo ay
xubno matala u dirsato shirkaas la filayo inuu 20-ka bishan ka furmo
gobolka Sanaag. C/raxmaan C/qaadir oo waraysigiisan kaga hadlay
arimo kala duwan ayaa ugu horayn isaga oo ka hadlaya sida uu u arko
shirkii dhawaan ku soo xidhmay Istanb ul ee xukuumada Somaliland ka
qaybgashay ayaa waxa uu yidhi “Shirkii dhawaan Soomaalida loogu
qabtay Magaalada Istanbul ee dalka Turkigu waxa uu aniga iila
muuqdaa inaanu ina siinin Libintii ay nu ka helnay shirkii bishii
February 23-keedii ka qabsoomay xarunta dalka Britain ee London,
dham aan wixii lagaga hadlayey shirkii Istanbul wax Somaliland u dan
ah oo lagu soo qaaday ma jiraan dhamaan arimaha lagaga hadlayey oo
shirkaas oo dhami waxay ahaayeen 100% danta Xamar oo kaliya. Markaa
Ka qaybgalka aynu shirkaas ka qaybgalnay waxay iila muuqataa oo ay
cadaynaysa a inaynu isku milanay inaga iyo dawladda taagta daran ee
Muqdisho oo aynu wada hadalno waa aynu heshiino, dawladeenuna markii
ay ka warbixinaysay shirkaas Istanbul waxay ina tidhi anagu waxaanu
u tagaynaa uun arimo Dhaqaale iyada oo sidaas tidhi hadana waxa
dhacday inay labadii waji ee shirkaas aynu ka qaybgalnay, isla
markaana aan wax qiimayn ah la ina siinin oo wax hadal ah oo la
inooga ogolaaday shirkaasi may jirin oo Ra’isal Wasaaraha iyo
Madaxwaynaha Soomaaliya ayuun baa hadlay. Hadii ay dhaqaale inoogu
yaboohayso dawlada Turkigu waxay ahayd inay gaar wax inoo siiyaan
sida dawlado badaniba samayn jireen, hadii ay dawladdaasi rabto inay
arimaha mandaqada inagala hadasho waxay ahayd inaynu gooni ula
kulano”.
C/raxmaan C/qaadir isaga oo hadalkiisa sii wata, waxa uu intaas ku
daray “Markii horeba waxa la ogaa in dawladda Turkigu tahay quwada
ugu wayn ee aadka u danaynaysa imika wixii la odhan jir ay Midnimada,
arin kale oo aan maqlayna wuu jiraa oo ah marka la leeyahay
Safiir ka socda Dalka Turkiga ayaa
Hargeysa imanaya oo xafiis ka furanaya
hadii ay dhacdo xaqiiqadu waxay tahay in ni
nkaas Xamar laga xukumayo oo waxa uu hoos imanayaa
Safiirka Muqdisho u jooga dawladda
Turki ga, taas micnaheeduna waxa weeyi
oo xaqiiq marag ma doon ah inay inoo arkaan
Gobol ka mid ah Soomaaliya,
markaa shirkii Istanbul Calaamatul Su’aal wayn
ayuu saaray Madaxbanaanida Somalila nd ee aynu u soo halganay.
Xaqiiqada dhabta ah ee jirtaana waxa weeyi in shirarka Soomaaliya ee
aynu ka qaybgalaynaa ay hoos u dhigeen Qadiyadeenii iyo himiladii
shacabkeena ee ahayd inay aqoonsi buuxa ka helaa dunida”.
Mar wax laga waydiiyey Madaxdhaqmeedka Somaliland ka soo jeeday ee
shirkii Madaxda dhaqanka Soomaaliya ka qaybgalay saamaynta ay dalka
ku yeelankaraan, waxa uu yidhi “Madaxdhaqmeedka ka soo jeeda
Somaliland ee hada ku sugan Xamar waxay muujiyeen cadaawada iyo
xumaanta ay u qabaan Madaxbanaanida dalkeena, waxaanan u arkaa niman
dantii wadanka dhaawacay oo wax wayn u dhimay maadaama oo ay dano
gaar ah ka raaceen dantii Caamka ahayd, waxay doontaaba ha inagaga
soo baxaan Muqdisho’e waxa mihiim ah inaynu inagu sidii caadada inoo
ahayd aynu iskugu duubnaano oo aynu danta qarankeena wada ilaashano
taas ayuun baynu marxaladaha adage e inala soo gudboonaaday hada
kaga bixi karnaa. Khasaaraha ilaa maanta ina haysta ee aynu ka soo
kaban laanahay waa wixii shirkii Carta ka dhacay oo waa tii la inagu
ansixiyey 4.5-ka cadaalad darada ku dhisan, sababta oo ah hadii
aanay dad inaga ahi ku jirin oo aanay ka qaybgalin cid 4.5-kaas
inagumay xisaabtami karteen”.
Guddoomiye ku xigeenkii labaad ee hore ee Kulmiye C/raxmaan C/qaadir
mar uu ka hadlayey xuku nkii doraad Maxkamadu ku riday Masuuliyiin
ka tirsanaa dawladda Madaxwayne Siilaanyo ee eeda ha musuqmaasuqa
loo haystay, waxa uu yidhi “Inkasta oo aanan dalka joogin wakhtigii
xukunka lagu riday Masuuliyiintii mudada xidhnaa, laakiin hadana
dalka iyo waxa ka dhacaya war iguma seegana, Masuuliyiintan xabsiga
lagu xukumayna waa niman aan aad u aqoono oo hadii ay ahaan lahayd
Badhasaabkii gobolka Maroodi Jeex Xamarji iyo hadii ay ahaan lahayd
Ina Cilmi Yare-ba waa niman aanu in badan soo wada halganay.
Xukunkii shalay dhacayna waxa muuqatay oo bulshada oo dhami
garwaaqsatay in Cadaalad-daro badani halkaas ka dhacday, sida
muuqatayna Saddexdaa Masuul ee la xukumay wax dambi ah oo ku
cadaaday may jirin hadana waa la xukumay waa waxyaabaha lala yaaban
yahay oo dhamaan dadka aan Hargeysa kala xidhiidhay oo masuuliyiin
iyo dad kaleba lahaa waxay ii sheegeen in nimankaas lagu gafay”.
Mar wax laga waydiiyey waxa uu kala socdo shirka la filayo inuu 2-ka
bishan June beeshiisa uga furmo deegaano ka tirsan gobolka Sanaag,
waxa uu yidhi “Hadii aan waxyar ka yidhaahdo shirka beesha aan ka
soo jeeda qabanqaabinayso inuu ka qabsoomo gobolka Sanaag, waxa run
ah in shirarka beeluhu ay inagu tarmeen oo waxa inagu furay shirkii
Gar-Adag oo halkaas ayey sheekadaasi inagaga bilaabantay, markaa
hadii ay sidaas arimuhu u dhaceen oo uu isna qabsoomay shirkii Dubur
ee beesha Saaxil way adagtahay in beelaha kale-na laga joojiyo inay
arimahooda ka shiraan. Waxaan arintaas ka odhan lahaa shirkaas yaan
la carqaladaynin oo aanay dawladuna Sas ka qabin sababta oo ah
dadkan shirka qabsanayaa (beesha Habar Yoonis) waa dad Somaliland
dhab ah, nabada Somaliland aan marna khatar galin karin markaa yaan
waxba Xasaasiyad laga qaadin shirkaas, waliba anigu waxaan odhan
lahaa ha la taageero oo waliba dawladuna cid matasha ha u dirsato”.
Ugu danbayn C/raxmaan C/qaadir mar uu baaq u dirayey shacbiga
Somaliland, waxa uu yidhi “Waxa la inooga baahan yahay inaynu
dareeno waxa dunida iyo mandaqadaba ka dhacaya wakhtigan, waxaynu
ognahay in aduunyadii ay culays badan saarayso sidii Koonfur loogu
heli lahaa dawladda ka talisa, waxa kale oo aynu ognahay
dhibaatooyinka inagaga furan bariga oo in la dhayalsado aan mudnayn,
markaa waxa inaga arimahaas inagala gudboon inaynu arimaheen
qiimayno oo aynu dhibkasta oo arimahaas inagaga iman karta aynu ka
sii gaashaamano, hadii aynu maanta runta isku sheegi wayno oo aynaan
ka sii gaashaaman dhibaatooyinka inagaga imankaa Xamar runtii
Somaliland meel fog ayaa laga dooni doonaa, taasina waxay imankartaa
marka aynu inagu runta isku sheegno ee aynaan ummadda been u sheegin
ee aynaan odhan wax waliba way wanaagsan yihiin oo dhinac walba
horumar ayeynu ka samaynay”.
Source:Haatuf
|