Cukuse: Wasiir Geel Aanu lahayn Oo Dayacan Raacaya: Faallo Wariye: SCC (Kalshaale)
 




Kala nasiib iyo Maalmo wanaagsan Wasiirro badan oo soo maray Wasaaradda Warfaafinta iyo Wacyi-gelinta Somaliland, taasoo ah Hay’ad muhiimad weyn ugu fadhida qaranka, una dhiganta Wasaaradda difaaca dalka


Mid Ideecad cusub keena, mid Telefishan soo kordhiya iyo mid dib u habayn ku sameeya qaybaha kala duwan ee ay Wasaaraddu ka koobantahayba, ma jiro Wasiir waxqabad la’aan kaga tegay Xafiiska ugu sareeya ee wasaaraddaasi laga maamulo, balse waxa isweydiin badani ka taagantahay sababta ay u noqotay Wasaarada ugu wasiir bedelka badan tan iyo markii xukuumadda Madaxweyne Siilaanyo talada la wareegtay.


Sida aan hore u sheegay Wasaaraddani waa wasaaradda labaad ee awooda difaaca siyaasada Qaranka iyo Xuduudaha waddanka qayb laxaad leh kaga jirta, waxaana ka hawl-gala Boqolaal Askari oo aan qori dhacaya sidan, balsehaysta hub ugu filan difaaca Naftooda iyo danaha aragtiyaha siyaasadeed ee lagu shubo.


Waxa kale oo Wasaaraddan magac ahaan u hoos yimaada Boqolaal Askari oo Falaago ah oo aan ka amar qaadan Taliye qaybeedyada ay Wasaaraddu leedahay iyo Taliyaha guud toona, kuwaasoo Daacad u ah tobanaan Hogaamiye oo aan iyaga laftoodu lahayn aragti iyo ujeedo qudha oo ay ku midaysanyihiin, balse marka mid ka mid ah la soo weeraro isugu Habar-wacda Gar iyo Gar-daroba in la difaaco.

Marka la yimaado Boqolaalka Hawl-wadeen ee isugu jira Wariyayaasha, Farsamo yaqaanada iyo xirfadlayaasha kale ee ku jira shaqaalaha Wasaaraddan oo ah kuwa aan ku sheegay askarta iyo Madaxda Laamaha kala duwan ee Wasaaradda oo aan ku tilmaamay Taliye qaybeedyada, dhawr boqol oo Suxufi oo ka hawl-gala Hay’ada gaarka loo leeyahay ee Warbaahinta ayaa ah kuwa aan Falaagada hogaamiyeyaasha taabacsan ku sheegay.
Waxaanan sidaasi u leenahay waa Dad ay ka dhaxayso isku tiirsanaan aan Naxariis badan iyo is-taakulayn hoose oo dhaqaale, talo-wadaag Rigli ah iyo is-toosin dhexdooda ahi ka dhaxayn, balse bah-wadaag ku inay iska wada difaacaan weerar kasta oo ka yimaada cid ka baxsan Xayndaabka ay ku wada jiraan, siiba dhanka dawlada.


Isu geynta labada tiro ee ay ka koobanyihiin labada dhinac, ayaa hadii la mideeyo noqonaysa awood aan cidi is-hortaagi Karin oo Af iyo Aadin aan Dagaal ahayn ku difaaci kara danaha qaranka iyo Dadka ay adeegayaasha u yihiin, laakiinse wali ma muuqdo qorshe siyaasadeed iyo Qawniin lagu uruurinayo Xirfadlayaashaasi oo taabo gal noqon kara, waxaase laga yaabaa inay dhacaan isku dayo aan guul badan laga gaadhin oo ka yimaada kuwa danayna ka faa’idaysiga Muruqa iyo Maskaxda dadkaasi.


Ugu yaraan saddex nooc oo ka mid ah hay’ada Warbaahineed ee Caalamka ka jira, ayaa ah kuwa ilaa hada fursadda u haysta inay dalka ka hawl-galaan, iyagoo qaarkood haysta sharci u sahlaya shaqada ay hayaan, lagulana Xistaabtami karo, balse Warbaahinta ONLINE-ka ayaan ilaa hada loo dejin sharci iyo nidaam saxa oo ay dalka kaga shaqeeyaan, kaasoo ka difaacaya guluf kasta oo kaga yimaada dhinac kale.
Waxa jira Boqolaal Website oo Somaliland uga shaqeeya qaab muxali ah ama waxa afka qalaad lagu yidhaahdo (Local Media), kuwaasoo u baahan in loo dejiyo Qawniin waafaqsan Dastuurka waddanka iyo Xeerka Saxaafadda oo lagu maamulo sidaTelefishinada iyo wargeysyada dalka loogu sameeyay sharciga.

Waxa kale oo jira ismaandhaaf mudo soo jiitamayay oo ka dhex abuuran guud ahaan qaybta laysku yidhaahdo Saxaafadda iyo Dawlada, kaasoo salka ku haya Xeerka Saxaafadda oo aanay dawladu la dhacsanayn ilaa hada qaabka uu u samaysanyahay, damaanada uu siiyay Wariyaha, daruurina ay tahay in dib u eegis iyo sixid lagu sameeyo oo meesha laga saaro yooyootanka soo noqnoqday.


Sidaasoo ay tahay, 25 Bishii June waxa madaxweyne Axmed Siilaanyo Wasaaradda aynu kor ku soo sheegnay u magacaabay Khabiir in badan ku soo dhex jiray Warbaahinta oo waayo aragnimo ku filan iyo war hayn door ah u leh xaqiiqada biyo kama dhibcaanka ah ee waayaha bahda Warfaafinta, kaasoo xilka loo magacaabay aanu lama filaan ku noqon Kooxda ay isku xirfadda yihiin, balse qaar badan oo ka mid ahi ay muddo dheer naawilayeen magacaabistiisa, maadaama ka mid ahaa Warfidiyeenadii Isbedel doonka Kulmiye halganka u soo galay.
Wasiir Cabdilaahi Maxamed Daahir Cukuse oo ah Masuulka Wasaaraddan loo dhiibay,laguna tilmaami karo wasiirkii ugu nasiibka badnaa,maadaama uu la wareegay Wasaarad wax badan laga qabtay, ayaa maalmahan kulamo la yeelanayay qaybaha kala duwan ee Warfidiyeenada ka hawl-gala warbaahinta madaxbanaan, waxaanu Maanta shirkii ugu dambeeyay la yeeshay qayb ka mid ah kuwa ka hawl-gala Warbaahinta ONLINE-ka.


Kulamada uu u furay Bahdii uu ka tirsanaan jiray oo aan ahayn kuwii ugu horeeyay, hase ahaatee uu markii uu Af-hayeenka madaxtooyada ahaaba dhici jiray, ayaan dood kooban iyo aragti isdhaafsi mooyaane wax kale aanay ka soo bixin, inkasta oo sida la sheegay laysku waafaqay in la sii wado kulamada noocan ah.
Arintan ayaa u muuqata dariiq cusub iyo qorshe hor leh oo uu Wasiirkani doonayo inuu ku soo kordhiyo xidhiidhka ka dhexeeya Dawlada iyo bahda Saxaafadda oo aan wanaag badan iyo colaad la sheegaa ka dhaxayn balse hadana mar walba isku diidan waxyaabo aanay Sakaaro ka biirsan, taasoo hadii ay dhacdo, kuna guulaysto baal-dahab ah ka geli doonta taabo gelinta nidaam saxa oo ay Warbaahintu ku shaqayso, kaasoo ka tayo iyo tamar wanaagsan qaabkay iminka wax yihiin.

Waxa xaqiiqo ah hadii Wasiirka iyo dhamaan dhinacyada ay arintani khusaysaa wadiiqo cusub oo ku dhisan turxaan la’aan iyo tuhun la’aan isla jeexaan inay taasi dayac tirayso baylah badan oo maanta ka muuqata labada dhanba, taasoo boqolkiiba todobaatan (70%) ka dayacan Warbaahinta madaxabanaan, isla markaana u baahan inay la garabsadaan cid kasta oo wax kala qaban karta.


Laakiinse hadii uu yoolkiisu noqdo aynu dhamaaanteen Sacabka u garaacno xukuumadda talada haysa , waxna lama dhaliili karo, sida ka dhacda dalalka jaarka la ah Somaliland ee aan u debecsanayn xoriyada Saxaafadda,ama dhinac kale hadii aynu ka eegno Warbaahintu iska dhego tirto doodad Cukuse ee aynu meel wax isla dhigno, taasi waxay ka dhigantahay (ka Dar oo Dibi dhal), Wasiirkuna waxa uu raacaaya Geel aanu lahayne oo dayacan.
 

 


Wariye: Saleban Cabdi cali (Kalshaale)
Curad1986@hotmail.com