CUNISTA WARAABAHA DIINTA ISLAAMKU MAXAY KA QABTAA?
Abwaan:Siciid
Cabdi Dheen
Bismilaahi raxmaani raxiim ascww
Waraabuhu ma xalaalbaa mise waa xaaram?
Horta inaan jirayba bahalkaa warabaha oo laga baqo ayaan ogaa lakiin
hada in isagii uu me el uu galo waayay oo rag ugaadhasanayaan waa
mid igu cusb[dunida geesiyaalba wali joo ga].Diinta islaamku marka
hore waa mid jirtay in ka badan 400 oo sano dadkuna waxa uu ku soo
dhaqmaayay mudooyin badan oo aad u darsaayay ku dhaqankeeda iyo
fahankeeda waq tigii nabiga CSW iyo waqtiyadii asxaabta diintu waxay
ahayd mid ka xoog badan waqtiyadan
hada la joogo, hase yeeshe wixii ka danbeeyay waxa dhacaysay in
jiilba jiilka kasii danbeeya
ay ku adkaato fahanka diintu ama sharaxaada diinta islaamku.
Iyadoo ay sidaa tahay hadana waxa jiray culumo waawayn oo isku dayay
inay diinta fahank eeda iyo sharaaxdeeda isku dayaan inay tarjumaan
waxa diinta lagu tarjumay dhamaan luq adaha aduunka laga isticaamlo
si loo fahmo diinta islaamka waad garan kartaa hawsha ay leedahay
iyo in isabadal badan ku iman karo oo xataa laga yaabo in luqada
caribiga marka luqad kale loo badalo in qalad ka iman karo asagoon
qofku rabin inuu wax qaldo balse shara xaada uu si kale u dhigo[
quraaanku ma qaldamo lamana badali karo] maa macnaah[INAA AN
SALNAAHU WA INA LAHU LA XAFIDIIN.] aw kamaa qaal
Balse qof waliba luqadiisa markuu ku tarjumo way dhici kartaa inuu
wax is yar waydaariyo m ad-habah afarta ee shaafici, maaliki xanbali
dhamaan waxa abuuray ragan magacyadooda lagu xusay waxaanay ragaasi
isku dayeen inay dadka diinta fahansiiyaan[mahadi hakaa gad
hee].waanay sameeyeen dadal badan waxase ay cadeeyeen in aan la
qaadan karin wixii ka hor yimaada kalaamka ilaahay subxaanuhu
watacaala iyo sunaha rasuulka calayhi afdalu sal aatu wasalaam.
Tan xoolaha la cuno aniga aqoontay sidaan diinta ku bartay waxa
jiray xoolaha nimcoolad loo yaqaan oo dadkeenu in badan cuni jiray
waana ta diintu banaysay ee la yidhi waxa layd iin xalaaleeyay
xoolaha nimcooladay oo ah, adhiga , geela iyo loda .
waxa diintu xarimtay wixii aan dar ilaahay loo gawricin [ wamaa
uhila li qayri laah]
sidoo kale waxa xaaraan lagu sheegay doofaarka [laxmul khansiir] oo
aan muslimku cunin
even xataa diimaha kale christiyantiga waxa ku qoran in doofaarku
xaaaraan yahay sida bible oo kale both muslim and judisam forbid
eating pork.
Waxase aduunyada ku dhacay isbadalo badan oo keenay in xataa diimaha
aan muslimka aha yni banaystaan waxyaabo kitaabkoodu ka xaaraan
timeeyay hadaba inaga musilm ahaan il ama fiicna inaynu banaysano
wax aan diintu inoo xalaalayn hadiiba culimada xalaaleeyay wa
raabaha ay inoo hayaan daliil cad oo ku salaysan aayaad quraakna
kariimka ah ama xadiiska nabiga calaysi salaatu wasalaame ha inoo
sheegaan
Diintu caqli maaha balse waa hadalkii ilaahay maa macnaah[wamaa
yandiqu canil hawaa in huwa waxyun yuuxaa ilayhi] aw kamaa qaala
nabigu calaysi salaatu wasalaam quraanka kamuu keenin caqligiisa
mana aha wax uu asagu iskaga dhawaaqay oo hawadiisa ah balse waa
waxyi ilaahay subaaxunu watacalaa ku soo dajiyay. sidaa daradeed
waxa aniga ila wa nagsan in arinkaa waraabaha bal dib loogu noqdo oo
la helo daliil cad oo loo adeegsan karo.
Hadiise sidan lagu wado arinka barina magaalada ayaa laga waayi
BISADAHA oo la wada cu ni sida wadanka philibin waxa kaloo la
ugaadhsan libaaxa, harimacadka , iyo maroodiga shak hsiyan ma ihi
dadka culimada kasoo horjeesta ama diinta ku lidiga ah balse hadaan
idhaa wa ar arinkan aan HUBSANO malaa gaf maan samayn waayo dood
wanaagu waa isfahanka uma da , wax is waydiintu waa natiijada in la
helo jawaabo sugan
Gabagabdii
Libaaxa waliba asaga in uu xalaal
yahay iyo in kale inoo hubiya waayo bahalkaa dad badan ayuu inaga
qabaa in maanta asaga godka loogu galo oo la ugaadhsado waa mid ka
hadlkee da leh intaasina wa kaftan.
wabilaahi tawfiiq
Siciid Cabdi Dheen
dheen2011@hotmail.co.uk
|