CUQAAL IYO ODOYAAL KASOO JEEDA GOBOLKA GABILEY OO JAWAABO KULUL KU WEERAREY WASIIRKA MADAXTOOYADA0

 

Xubno isugu jira cuqaal iyo duqey kasoo jeeda Gobolka Gabiley ayaa jawaabo kulul ka bixiyey Warsaxaafadeedkii Wasiirka Madaxtooyadu ku beeniyey Warkii kulanka Madexeyne kuxigeenka iyo Madax dhaqameedka Gabiley taas ,oo ay ku tilmaameen inaan Wasiirka Madaxtooyada Jawaab iyo hadal uga banaaneyn kulankaasi.

Caaqil Axmed C/laahi Xareed oo katirsan Cuqaasha Gabiley,oo kulankaasi goob joog ka ahaa ayaa GABILEYNEWS u sheegay in Wasiirka Madaxtooyadu kulankaasi joogey, haseyeeshee aanu wax hadal ah iyo wax arin ah midna ku darsan wadahadaladii Madaxweyne kuxigeenka iyo Madax dhaqameedyada Gobolka Gabiley taas oo aan looga baahneyn in uu muuqaal ahaan oo kaliya Wasiirku meesha u yimaado balse looga baahnaa in uu ukala dabqaado sida wasiirada dhigiisu yihiin dadka uu kasoo jeedo iyo Golaha Xukuumada uu ka tirsan yahey,oo amarna ha qabee uu hadal uun noo soo jeediyo isagoo arimahaa kahadlaya wuxu hadlkiisa ku bilaabey sidan .

"Madexweynekuxigeenka waxaan ku idhi maalintaa aanu kulaney Libaaxu markuu dhinto ayaa xoogiisa latusaa,adigana malha aakhiradaa lagu tusayaa,wasiirkuna wuu joogey mooyaane wax hadal ah iyo wax arin ah midna kumuu laheyn kulankaa iyo intii ka horeysaba markaa waxa wax aad loola yaabo ah jawaabaha danbe ee uu kulankaasi kaga hadlayey oo aan lagaraneyn cid alaala cid uu ku raali galinayo oo waxa aan aaminsanahey in aan Xukuumaduna uga baahneyn sababtoo,ah waxa laga filayey in uu arimaha jirey ka arimiyo oo uu cuqaasha wax yidhaahdo,oo uu Xukuumada isagoo matalaya arimaha kahadlo oo dhinaca Madaxweynaha war ku celiyo,talo kalasoo noqdo sida Wasiirada Dhigiisa ah uu wax dhaqdhaqaajiyo laakiin loogama baahneyn in uu muuqaal ahaan oo kaliya meesha la joogo horeyso iyo danbeysaba hadana goor xeedho iyo fandhaalba la kala dhameystey uu Warsaxaafadeed aan meelna heysan ku jawaabo" Ayuu yidhi caaqilku.

Waxa kale oo isaguna arintaasi kahadley Caaqil Farxaan Muxumed Taani oo sheegey in Wasiirku aanu laheyn karaamadii iyo martabadii uu lahaan jirey ninka Xukuumada u matala deegaanka Gobolka Gabiley islamarkaana uu yahey nin Horana Taariikh madow u qaatey imikana ku darsadey mid labaad " magaca wasiirka mooyaane waxan aaminsanahey in aanu caaqil iyo odey kaliya midna eray u sheegi karin ,Golaha Xukuumada uu katirsan yaheyna kaba daran baan leeyahey sababtoo ah ninka shicibkiisa aan kalmad ku odhan karini ma ina Rayaale ayuu wax u sheegi karaa,anigaabu hadalkii igala baqaye waxanan leeyahey Warsaxaafadeedkii Jamhuuriya ku qornaa malha Wasiirka Macdantaa Qorey " Ayuu Yidhi Caaqilku.

Waxa kale oo isaguna kahadley arintaasi caaqil Geydh Cige oo sikulul u cambaareeyay Wariyaha Haatuf ee Gobolka Awdal kaas oo uu ku sheegay in uu had iyo jeer isagu jeebkiisa ka qorto warar isku ceyn iyo beyd go,an oo dhinac ka raran sababtoo ah ayuu yidhi Warka uu dhawaan qorey ee uu ku sheegay in Magaalada Boorame laga hub urursadey waxanu aaminsahey in uu mashruuc kaga qaatey Xukuumada Rayaale iyo ninka ay ilmaadeerka yihiin ee Badhasaabka Awdal oo aan iyaga waxba uga cabin dhulkaa lagu muransan yahey,arintooduna tahey in ay iska Jiheeyaan beesha reer nuur ee ay Boorame u diidan yihiin waxanan u sheegayaa inaan idhaahdo madidee hargoolow ha igu tumin durbaanada iyo daasdaha madhan.

Odey Ibraahim Mixile Abraar ayaa isaguna gabagabadii hadalo kulul usoo jeediyey Wasiirka Madaxtooyada waxana hadaladiisa kamid ahaa " Waxaan ku leeyahey kolka horeba Nuurow waxad qaadatey cad quudheed oo waxad booskiisii tagtey ninkii daraadaa isku casiley,Somaliland oo dhanbaa dadkeena kula yaabtey ficilkaaga hadan indho adeygaaga waadigaa jawaabta kabixinaya kulankii aad Goob-jooga ka aheyd ee aad kalmad ka odhan kari weydey adiga iska daayoo Ubadkaaga ayey jawaabtaada iyo hadlkaagu Taariikh Madow ku noqonoyaan , hadaa noqon laheyd nin booska uu joogo wax ku qabana hadlkaagu nama dhibeen ayaan kusoo koobayaa hadlkeyga " Ayuu hadlkiisa kusoo khatimey.



Gabagabadiina waxey soo jeediyeen in aqoonyahanka, Wax garadka ,Madax dhaqameedyada ,dhalinyarada iyo guuda haanba dadweynaha deegaanka Gobolka Gabiley ay gudo iyo dibadba canbaareeyaan hadalkaa Wasiirka Madaxtooyada iyo hab dhaqanka uu kula dhex joogo Xukuumada oo aanu qof jiraba aheyn.



 

 

 

Xigasho: Gabileynews