Cuqaal reer Gabiley oo quus ka muujiyay in Xuk uumaddu fuliso go’aankii Ergada Guurtida
Siday xalay faafisay Idaacadda Horyaal, Caaqil Axmed Cabdillaahi Xariir (Weerar) oo sheegtay inuu yahay afhayeenka Cuqaasha iyo odayaasha as oo shalay kulan ku yeeshay magaalada Gabiley, ayaa sheegay in aan ay beeshiisu masuul ka noqon doonin wixii dhibaato ah ee ka yimaada fulin la’aanta go’aamada Ergada Guurtidu dhowaan soo saartay. Waxa uu sheegay in wixii
fulin-la’aanta xukunkaa Guurtida ka yimaada ay masuul ka noqon
doonto Xukuumadda Madaxweyne Rayaale. Ergo Golaha Guurtidu u
xilsaaray shaqaaqadii iyo qaddiyada muran-dhuleedka Ceel-berdaale
ayaa dhowaan xukun ka gaadhay arrintaas. Hase yees hee, waxa
xukunkaa qaadacay beesha degmada Dilla oo ku tilmaantay mid aan si
dhexdhexaad ah loo qaadin, isla markaana ma jirto talaab ooyin
muuqda oo intii muddadaa ka dambaysay loo qaaday sidii loo xalin
lahaa arrintaas.
|