Curashada Kacaankii Geerida iyo Halyeeyadii SNM ee Huriyey Halgankii Dumiyey

 

Maanta oo ah 21-kii October 2008, oo ku beegan sannad-guuradii 39aad ee ka soo wareegtay maalintii 21/10/1969-kii ee talada dalka Soomaaliya uu inqilaabka ku qabsaday taliskii dhiigyacabka ahaa ee hoggaaminayey keli-taliyihii macangaga ahaa ee Maxamed Siyaad Barre.

Waa maalintii dhalashada Kacaankii geerida, Kacaankii qabiilka, Kacaankii burburka iyo baaba’a ummadda Soomaaliyeed. Waa sagaal iyo soddon guurada ay dadka ku abtirsada magaca Soomaali dhammaantood ku xasuusanayaan xusuus murugo leh.

Waa maalin horseeday caddaadiskii, cabudhintii, isir nacaybkii, xabsi ku ururrintii iyo hanti boobkii ummadda Somaliland. Waa maalin suntan xasuuqii kumanyaal iyo kumanyaal saxariirkii iyo colaadda maalayiin qof oo Somaliland u dhashay ku baro kaceen. Waa maalintii sababtay dagaallada saldhigii waayey sagaal iyo soddon sanno ee weli ka socda deegamo ka mid ah dhulka Soomaaliya. Waa maalintii hurisay halgankii dib loogu xorreeyey dalka Somaliland. Waa maalintii sababtay debed baxa labeentii ummadda Somaliland ee shiday shamacii halganka. Waa maalintii kumanyaal isugu jira mutacalimiin rayid ah, ciidan, siyaasiyiin, arday dugsiyaga ku jira, marwooyin xaasas ah iyo curtay dhallinyaro suuq jog ah oo hubka u gurtay halganki hubaysnaa ee ururka SNM kala horyimi taliskii maalinta madow [21 Oktoobar].

Haddaba, maanta oo ay soo wareegtay siddeed iyo soddon sanno kadib, markii afgembigiga milateri ka dhacay dalkii Soomaaliya, la isku odhan jiray waqtigaa, kana koobnaa Somaliland iyo Konfurta Soomaaliya ayaa qormadan isaga oo dhinacyo badan ka eegaya wargeyska Jamhuuriya badweynti nolosha madow iyo ma hadhooyinki uu la kowsaday Kacaanka 21 Oktoobar, annaga oo si gaar ah isu dultaagi doona waxyaabaha nooga suurto galay dhacdooyinkii dhacay habeenkaas.

Intii aannu waagu baryin habeenimada Salaasa ee bishu ahayd 21-kii Oktoobar 1969-kii, ayaa ciidammadii miletariga ee dalkii Soomaaliya oo uu madax ka yahay Maxamed Siyaad Barre, ay kala wareegeen xukunkii dalka Raysal-wasaare Maxamed Ibraahim Cigaal iyo dawladdisii, waxaanna loo taxaabay xabsi ku yaalay Afgooye.

Waxa la dhisay Gole ka kooban 25 sarkaal oo uu madax u yahay Maxamed Siyaad Barre, kuwaas oo la baxay Golaha Sare ee Kacaanka.

Bishii November ee isla sannnadkii nin u hadlay ciidammada waxa uu sheegay in xumaantii iyo maamul xumadi ay keeneen maamulkii ka horreeyey ee rayidka ahaa ay ciidammada ku keliftay in ay xukunka la wareegaan.

Caddayntii ugu waynayd ee taas muujinaysayna waxay ahayd dilkii la dilay Madaxweyne Cabdirashiid Cali Sharmaarke 17 October 1969.


Haddaba, bishii November ee sannadkii 1969-kii waxa Golihii Kacaanku soo saaray wax uu ugu yeedhay saddex iyo tobankii qodob ee bud-dhiga u ahaa siyaasadda Soomaaliya ee gudaha iyo dibeddaba, iyada oo markaas kuwa ugu muhiimsani ahaayeen.

-Dhisida hantiwadaagga cilmiga ku dhisan.


-In cagta hoosteeda la geliyo oo la baabi’iyo qabyaaladda iyo in hore loo mariyo barmaamijka dhinaca dhaqaalaha oo madax bannaan.


Isla bsihii Oktoobar 1969-kii, maalmo yar kadib markii inqilaabku dhacay Digtaatoor Maxamed Siyaad Barre, waxa uu dadka kala hadlay Idaacadda, waxaannu yidhi; “Waxaannu awoodda kula wareegnay (militariga) sharafkiina iyo magaca ummadda Soomaaliyeed, waxaan idinka codsanaynaa in aad isu soo baxdaan oo aad na taageertaan, dalkiina aad dhistaan, haddii ay tahay maalkiina iyo maskaxdiinaba si aad isaga ilaalisaan in aad baryootantaan.”

Haddaba, sannadkii 1998-kii, waqti 17 sanno ka soo wareegtay inqilaabkii dalkaas ka dhashay ayaa idaacadda BBC-du isku duba riday barnaamij ay ugu magic dartay maxaa ka dhacay Soomaaliya 18-kii sanno ee tegay.

Waxaanay idaacaddu tidhi; “Marka afgembigu dhacay waxa Maxamed Siyaad Barre, saraakiisha inqilaabka dhigtay oggolaysiiyey saxeexa sharci xudun u ahaa xeerkii maamulka cusub ee Kacaanka, kaas oo uu markii dambe lalaayey ugu yaraan afar sarkaal oo sare oo ka mid ahaa saraakiishii inqilaabka la dhigay, kuwaas oo uu ku eedeeyey in ay dabin u maleegayeen Kacaanka. Dadka Soomaalida ah oo khaati la joogay axsaabtii syaasadeed ee faraha badnayd, mashaakilkii qabaa’ilka iyo ballanqaadyadii Siyaad Barre ee saacad-saacad uga soo burqanayey idaacadda Soomaaliya, ayaa keentay is-raacii guud ee Soomaalidu ku taageertay Siyaad Barre, waxaanna la abuuray xafiiskii xidhiidhka dadweynaha (PRO).

Maxamed Siyaad Barre, waxa uu isku dhex waday mabaadidii kala ahayd Shuuciyad, caaddada Soomaalida iyo aragtida Diinta Islaamka, wuxuunna ka soo dhex saaray wax uu ugu yeedhay; “Hantiwadaagga Cilmiga ku dhisan,” ayey tidhi idaacaddaas.

Haddaba, laab la kicii wadajirka ahaa ee shacabka Soomaaliyeed ku taageereen isbeddelkaas waxa uu noqday xumbo gudhay, kadib markii Kacaankii loogu sheegay in uu barwaaqo gaadhsiinayo isu rogay dhagar-qabe dhiiggooda u haliilaya.

Astaanta Maxamed Siyaad Barre uu lahaa ee ugu daran waxa ay ahayd kursiga oo uu sii haysto ama ku negaado, taas ayaana aakhirkii sababtay geerida kumanyaal iyo kumanyaal qof oo Soomaali ah oo uu dhegta dhiigga u daray, taas oo ahayd ta isagana la degtay oo keentayna burburkii dhacay iyo dagaalladii ahliga ahaa ee Soomaaliya ka dhacay, laga bilaabo 1981-kii iyo burburkii dhacay 1990-kii oo socda ilaa maanta.

Sannadki 1976 ayuu markii uu horreysay shaki ka galay maamulkiisii tawriga ahaa waxaanna uu ku dhawaaqay dhismaha Xisbigii Hantiwadaagga Kacaanka Soomaliyeed. Waase u cuntami wayday, isla sannadkii 1977-kii waxa uu ku dhawaaqay dagaalkii Soomaaliya la gashay dalka Itoobiya ee socday sannadihii 1977 ilaa 1978, waxana Kacaanki uu hoggaaminayey Maxamed Siyaad Barre ka soo gaadhay dagaalkaas khasaarihii ugu weynaa oo isugu jiray naf iyo maalba, khasaarahaas oo aannu ka soo waaqsan Kacaankii uu hoggaaminayey Maxamed Siyaad Barre, waxaannu ku geeriyooday 2 January 1995, isaga oo qaxooti ku ah dalka Nigeria.





Jamhuuriya Online