Cutub Boolis ah oo loo carbiyay xaaladdaha deg-dega ah oo loo soo xidhay Tababar sare oo ay siisay Dawladda Ingiriisku
 


Cutub Boolis ah oo loo carbiyay xaaladdaha deg-dega ah oo loo soo xidhay Tababar sare oo ay siisay Dawladda Ingiriisku


Hargeysa (TNN)- Madaxweyne Ku xigeenka Somaliland Md. C/Raxmaan Cabdilaahi Ismaaciil (Saylici) ayaa maanta Tababar ugu soo xidhay dugsiga tababaradda ciidammadd Booliska ee Mandheera cutubkii u horeeyay oo qaatay tababar sare oo gaar ah oo ay siisay dawladda Ingiriiska.ciidankaasi oo loogu magac-daray ciidanka ka jawaabista xaaladaha deg dega ah Resistant Reaction Unit (RRU).

Tababarkan oo ah kii u horeeyay ee noociisa ah waxa uu u socday muddo sadex bilood ah, waxaana ciidankan lagu tabobaray taatikadda ciidanka, gargaarka deg-dega ah ee caafimaadka, dab-damiska, iska basrinta walxaha qarxa iyo jidh-dhiska waxay tababarkaas oo ay bixinayeen khuburo ka socotay dawladda UK ay ku qaateen qoraal iyo ficil (Practical).

Taliye Ku xigeenka ciidammadda Booliska Somaliland C/Raxmaan Liibaan Axmed oo ka hadlay tababarkaasi ayaa sheegay inuu ku faraxsan yahay dhamaystirka tababarkan oo uu tilmaamay inuu ugu dhamaaday si guul ah.
Taliye Ku xigeenku wuxuu sheegay in ciidankan tababarka dhamaystay ay yihiin ciidan xul ah oo loogu tallo galay inay wajahaan xaaladaha deg-degga ah.
“Waxaan u mahad celinayaa ciidankan oo si wanaagsan u qaatay tababarkan sare, waxaanan qabaa inay dabooli doonaan xaaladaha deg-degga ah, waxaan ammaanayaa ciidanka booliska oo hadh iyo habeenba heegan u ah sugidda ammaanka dalka, waxaanu tababarkani qeyb ka yahay qorshaha xukuumadda ee kor loogu qaadayo xirfadda ciidammadda,”ayuu yidhi Taliye Ku xigeenka ciidanka Booliska C/Raxmaan Fooxle.

Wasiirka Arrimaha Gudaha Somaliland Md. Maxamed Nuur Carraalle (Duur) oo ka hadlay madashaasi ayaa ka hadlay tababarka ciidankan waxaanu yidhi “Dawladda UK ee tababarka ciidanka RRU siisay gacan weynna ka geysata tababaradda kor loogu qaadayo dhismaha ciidanka Booliska, aad iyo aad ayaan uga mahad-celinayaa abaal weynna waanu ugu haynaa.ciidankani waa ciidan bilow ah oo loo tababaray hawl-galadda noocan oo kale ah. Waxay ciidankani ka tirsan yihiin Hoggaanka guud ee ciidanka Birmadka (SPU)-da Booliska oo ah ciidan tusaale fiican ah Ciidammadda Booliska.”
“Waxa ii muuqatay intii aan xilkan hayay in ciidanka boolisku uu u baahan yahay tababaro, waayo waxaan ka qaatay astaanta tababarka ciidanka birmadka oo ah ciidan xirfad iyo tababar dheer leh, waana ciidan fulin kara hawl-gal kasta oo ay Somaliland uga baahato fulin kara,”ayuu yidhi Md. Maxamed Nuur Caraalle (Duur).


“Farxad weyn ayay ii tahay inaan xidhitaanka Tababarkan loo xidhay ciidanka Booliska ee markii horeba nabad-gelyada ka shaqaynayay, waxaan Hambalyaynayaa ciidan cusub oo ah ciidanka ka jawaabista Xaaladaha deg-degga ah ee (RRU). Tababarkani waa mid aad iyo aad u qiimo badan, waan kii u horeeyay ee noociisa ah ee la siiyo ciidamadda Booliska Somaliland.. Waxaan u arkaa mid ciidankan lagaga hortagaysa aafadda ka jirta caalamka ee beesha caalamka oo dhammi la dagaalamayso argagixisadda ee inaguna aynu ku naalo Geeska Afrika oo ah waddammadda ugu khatarta badan.”

Madaxweyne Ku xigeenku wuxuu u mahad celiyay dawladda Ingiriiska ee tababarkan siisay ciidanka Booliska, waxaanu sheegay inay ugu hayaan abaal weyn.
Md. C/Raxmaan Saylici waxa kale oo uu ammaanay khubaradii ka socotay dalka Ingiriiska ee u soo badheedhay inay dugsiga Tababarka ku sugnaadaan oo ay ciidanka Booliska si ay ciidanka booliska kor ugu soo qaadaan xirfadooda ciidanimo.
“Siday Dawladda Ingiriisku inoola shaqayso iyo sida tababareyaashani ugu badheedheen inay dugsigan ku sugnaadaan oo ay tababaraan ciidankeena waxay muujinaysaa in dalka Ingiriisku uu inaga xigo caalamka intiisa kale.”:ayuu yidhi Madaxweyne Ku xigeenku.
Madaxweyne Ku xigeenku wuxuu u soo jeediyay ciidanka tababarkan gaarka ah dhamaystay inay ku dabaqaan shaqada culus nabad-gelyadda ee ay u hayaan bulshadooda.

Waxa kale oo isaguna halkaasi ka hadlay mid ka mid ah khubaradii ka socday dalka UK ee tababarkan bixinayay waxaanu sheegay inay ciidankan tababarka dhamaystay ay ku u dhabar adaygeen tababar adag oo ay muddo sagaashan maalmood ah ay hadh iyo habeenba qaadanayeen casharo qoraal iyo ficilba. Waxa kale oo uu tafaasiil ka bixiyay qeybihii duruustii ciidanka gaarka ah ee RRU la siiyay.

Madaxweyne Ku xigeenka iyo masuuliyiintii kale ee la socday waxay salaan sharaf ka qaateen ciidankan tababarka dhamaystay, waxaanay halkaasi ku daawadeen ciidankaasi oo soo bandhigayay noocyadii tababaradii ay qaateen.

Dhinaca kale, Madaxweyne Ku xigeenku waxa kale oo uu xadhiga ka jaray cisbitaal cusub oo laga hirgeliyay degmadda Mandheera, waxa kale oo uu dhagax-dhigay xaruntii dawladda Hoose ee degmadda mandheera ee gobolka Saaxil.


Weriye Cumar Maxamed Faarax