C U U R

 

 



Marka waxaan salaamayaa dhamaan Reer Somaliland meel ay joogaan ba,si gaara Bah way nta Timacade Groub.Halkan waxaan ku soo lifaaqay maanso gaaban oo ka hadlaysa siday is diiwaangalintu daruuri u tahay,marka idin koo mahadsan ila eega.

 

 


Markii cuur la aroorshay
Ay caraabe ku daashay
Culuseeyda da dhawaaqa
Ceelal yadii ka horaynin
Raggu cee ka u joogin
cududii ku waraabin
Hubaal caano ma dhqeeqdo
Cokan geelu ma foofo

*****

Wixii ciil kan abuuriyo
Ha caanan fartaada
Codka manta ku hiili
Ku caraabsha nin liita
Cawad khyale ku raadsha
Aan ka raysto culays ka
Codku maan ta ha gaadhay
Cadaw gayna dhagaysta
Ee sugaaya cadkeena
cilal keena la waayo

*****

Cakuyeey naftan ciilan
garashadaan la coloobay
ciyaw meel ka dhawaaqa
Ee catawga ku raagay
caabuq gaa nagu yaala
Calaf kiisa qof saydhay
OO la seexaday codkiisa
Caroog beena afuuf ku
Caafimaad ka ma keento

*****

Meel cadaalad la waayay
Shaci giina curyaamay
Xigto laysu gu ciidmo
Maatidii la cidhiidhyay
Cudin kina dhamaaday
kuwan caar yay badwayn ta
Kuwii caawin lahaana
ciil kii ay barkadeenoo
Codkoodiiba la seex day
Waa calaamad suaalaha
Carr ha layga jawaabo

*****

Hargaisaay cudkinkaaga
Ciyaal keenan habaabay
Ha ku ciilin garaad ka
Yaanu caaridin maan ku
Cabasho meel ma bogsiiiso
Raashin caydhin diida
Cududiina tilmaama
Carab kina dhawaaqa
Dhamaan calam ha gaadho
Ciladdii fartu keentay
Maan ta ciil bax ku raadi

Wa bilaahi tawfiiq


 

 

Abdulkhaliq Mohamed