Daahfurida mu’aamaradaha Xukuumada S/land

 

Waxaan Salaamay saxaafada Somaliland , halkan waxaan ku soo bandhigayaa runta xaqiiqada runta ah iyo waxa ka jira wadahadlada Xukuumada S/land iyo dawalada ku meelgaadhka ah ee madaxda ka yahay Shekh Sharif Sheekh Axmed.

Aniga oo ah Gudoomiyaha Xisbiga Udub ee woqooyiga America ayaa waxaa ila soo xidhiidhay taariikhdu markay ahayd 13-kii bishii labaad Mar/13/09 oo ahayd habeen jimce wasiirka arimaha debeda ee S/land waxaanu I weydiiyey in shaqo qaran una xafidaad sir xejin aan gudan karo maadaama oo aan ahay masuul ka tirsan Xisbiga Udub , waxa aan ugu jawaabay aniga oo u dhegonugul wasiir waa balan inaan waajib kasta oo dan qarana oo la ii igmado aan sidiisa u guto, wasiirku wuxuu igu yidhi waxa kula soo hadli doona masuuliyiin xisbiga ah waxaanay ku siin doonaan waajibaad waxaanan gudbin doonaa inaad balantaa adag qaaday abaal marinteedanu waxay noqon doontaa shahaado sharaf iyo inaad ka mid noqon doonto xubnaha hogaanka mustaqbalka waxaanad u soo digo rogan doontaa dalka gudihiisa , wuxuu wasiirku intaa ii raaciyey dardaaran iyo waano ku saabsan xejinta sirta qaranka iyo in aan ku dadaalo inaan fahmo mabaadii’da Xisbiga Udub kuna dhaqmo , wasiirku isaga oo aan ii sheegin shaqada la ii igmaday ayuu igu nabad gelyeeyey intaa isaga oo ii sheegay in la ila soo hadli doono.


Habeen labaadkii oo taariikhdu ahayd 14/3/2009 oo ahayd habeen sabti ayaa waxaa ila soo hadlay Gudoomiyaha Xisbiga Udub Jamac Yasin iyo Wasiirka Hawlaha Guud Sicii Sulub, labadan masuul waxay ii qadimeen salaam iyo isbarasho inkasta oo aanu Wasiir Sulub ku kulan Hargeysa bishii November ee sanadkii hore oo aanu markaa isku baranay arimaha Xisbiga , sheeko iyo isbarasho ka dib waxay labada masuul I weydiiyeen in uu ila soo hadlay Wasiirka arimaha debedu , waxaan ugu jawaabay haa wuu ila soo hadlay , waxay igu soo celiyeen su’aal ahayd muxuu kuu sheegay maxaadse ku balanteen , waxaan jawaab kooban ugu celiyey in la ii soo igman doono shaqo qaran oo sir iyo inaan ugu jawaabay waa balan adag.


Intaa ka dib waxaa ila hadlay Wasiir Siciid Sulub waxaanu I weydiiyey inaan balan ku qaadi karo inaan ka midnoqonayo hogaanka dalka , waxaan ugu jawaabay balan baan ku qaadayaa , wuxuu igu soo celiyey hadan balan inaan ku qaadayo inaan sirta xisbiga iyo ta qarankaba xejinayo isagoo hadalka u ekaysiinaya dhaar, waxaan ugu jawaabay waa igu walaahi inaan xejinayo , wuxuu Wasiirku ii galay amaan uu iiga bilaabay , Yusuf aqoon badan kuuma lihi laakiin somalida ayaa waxay ku maahmaahdaa nimaandan saacad ku baran sanad kuma baratid, wasiirku isagoo hadalkiisii sii wata ayuu iigu jawaabay waxaa I deeqday jawaabahaaga iyo hadalkaaga intii yarayd ee aan kula sheekaystay inkasta oo tilmaan iyo war wanaagsan oo badan oo aad leedahay aad la iiga dhergiyey. Waxaa intaa ka dib ila hadlay gudoomiyaha Xisbiga Jamac Yasin oo aad moodo isaga hadalkiisii nin aan u meel deyeyn oo xataa markuu kula hadlayo la moodo inuu xiiqsan yahay oo uu marathon soo orday , wuxuu iiga tawtawsiiyey hadal aan aad ula yaabanaa oo ah amaan aanan fahmin meesha uu ka keenay isaga oo aad moodo inuu weligay I yaqaanay.


Waxaa markaa ka dib hadalkii u baxay Wasiir Siciid Sulub oo iiga bilaabay waano uu igu adkaynayo inaan marka hore sirtaas xejiyo isagoo ku ladhaya mar kasta inaanu ka baqayn inaan fashilyo sirtaa laakiin ka dhigaya adkayn iyo ta’kiidin , waxaanu markaa ka dib ii bilaabay arintii la ii igmaday oo ahayd inaan maadaama oo aan joogo magaalo Somalidu ku badan tahay laguna qaban karo shirar qarsoon inaan ka soo shaqeeyo arimo badan oo dublamaasiyadeed gaar ahaan Somalida dhexdeeda waxaana hadalka uu ii raaciyey Siciid maadaama oo ay degan yihiin magaalada aad degan tahay famliyo badan oo ka mid ah madaxda Soomaaliya madaxduna ay magaaladiina yimaadaan marar badan .


Siciid wuxuu bilaabay in uu si cad iigu sheego in Minneapolis uu imanayo Shariif Xasan oo ah wasiirka Maaliyada ee Somaliya waxaanu ii sii raaciyey su’aal ah inaan aqoon u leeyahay waxaanan ugu jawaabay si fiican ayaan u aqaan, Siciid oo hadalkiisii wata ayaa wuxuu yidhi waxaanu u baahanay inaad xidhiidh la samayso shariifka oo ah nin S/land u dheganugul si fiicana u jecel inaan cilaaqaad la samayno oo marar badan isku deyey inuu nala soo xidhiidho laakiin maadaama oo ay jirto xasaasiyad in aanu xukuumad ahaan S/land ku celinayno midowgii Soomaaliya waxaanu door bidnay inaanu dalka debediisa kula xidhiidhno si gaar ahna ugu xilsaarno nin aan ka dhexmuuqan xukuumada S/land sidaa aawadeedna waxaanu kuu dooranay inaad adigu Yusuf ahaan xilkaas qaado.


Siciid isagoo hadalkiisii wata ayuu igu celiyey su’aal uu dhowr jeer oo hore I weydiiyey waxaanu igu yidhi Yusuf ma u malaynaysaa inaad xilkaas qaadi karto, waxaan ku jawaabay haa Wasiir, wuxuu markaa ii dhiibay wasiirku afar qodob oo kala ahaa


Ø In aan weydiiyo wasiirka sida ugu fiican ee ay suura gal u tahay ay labada xukuumadood ee S/land iyo Somaliya u wada kulmi karaan sida ugu dhakhso badan una samayn karaan jadwal lagu suura geliyo kulamo dhowr ah oo kala danbeeya.

Ø In aan sheego aniga oo u sharaxaya inaan ahay masuul loo soo igmaday doorka wadahadalka in macquul tahay in ay labada dal maanta isla jaan qaadi karaan maadaama oo ay madaxda dawlada ku meelgaadha ahi tahay madax aan dalka denbi hore ka gelin shacabkuna sas iyo didmo midna aanay ka qabin oo xataa ay iman karaan S/land .

Ø In aan u sheego in aan shacabka marna loo sheegin runta maadaama siyaasada caalamku maanta ku dhisan tahay dhalanteed iyo sawir beena ah oo laga iibsho shucuubta aduunka marka loo arko in danta shacuubtu ku jirto sidaa aawadeed ay la jaanqaadaan siyaasada oo ay ogaadaan in mar walba ay kala duwanaanayaan heshiisyada dhabta ah iyo warka saxaafada la siin doonaa iyadoo laga taxadirayo in mucaaradka S/land hub ahaan u adeegsadaan heshiisyada loo arko maslaxada dalka iyo dadka.

Ø Iyo qodobka ugu danbeeya oo ah maadaama soomaaliya ay labaatan sanadood dawlad la’aan ahayd mudadaasna dal iyo dadba aynu baylah noqonay oo haadku inaka dhergay in maanta aynu fursada ka faa’iidaysano oo aynaan baylihin fursada maanta wax kastana ku salayno danta dadka Soomaaliyeed.


Afartaas qodob markuu Siciid ii sheegay oo aan filaayo in gundhiga hadalku noqon doono Ictiraafka S/land ayaa Siciid hadalkii iigu soo khatimay halkaas iyadoo markaa Siciid u soo jeestay xagayga ina weydiiyey sida aan u arko , waxaan Siciid ugu jawaabay walaahi waa si fiican maslaxadeenuna waxay ku jirtaa in aynu Ictiraafka dhirin dhiris ku doono, Siciid intuu hadalkaykii ku naxay ayuu yidhi , Yusuf kama hadlayno hadeer Ictiraaf Soomaaliyana inama ictiraafi karto iyaka oo aan helin ogolaanshaha qarbiga oo uu ka wado Yurub iyo Maraykan waxaanu yidhi , maanta danteenu waxay ku jirtaa in aynu yeelo waxa caalamku doonayo maadaama aynu ku guul daraysanay wixii aynu doonaynay hadaba waxaynu qaadanaynaa doorkeenii aynu hore u dayacnay iyo fursado dahabi ah oo aynu hore u garan weyney.


Siciid isagoo I tusaya awooda S/land wuxuu yidhi, Yusuf maanta dal ahaan waynu dhisanahay , dawlad ahaan waynu dhisanahay , cudud ciidan ahaana maanta cid ina caabiyi kartaa ma jirto hadaba inaka oo ka faa’iidaysanayna fursada ayaynu doonaynaa inayno Soomaaliya si dadban iyo si toos ahba ugu talino hadaba aynu isla fahano siyaasada ogowna markasta in aynu wax kasta ku salaynayno danta umadeena .


Wuxuu Siciid ii sheegay wakhtiga Shariifku imanayo wuxu kaloo ii sheegay in wasiiro kale imanayan Minneapolis laakiin wuxuu igala dardaarmay inaanan la kulmin cid aan ahayn Shariif Xasan arintana aanan la soo qaadin cid aan ahayn Shariif Xasan. Markii aan fahmay ujeedada dhabta ah ee ka danbaysa ayaan Yusuf ahaan go’aansaday inaan is daad raaciyo oo aanan ka hor iman Siciid iyo Gudoomiyaha Udub waxaanan u been guuray labadaas masuul waxaanan ku qanciyey waayahay wasiir balana waan u qaaday inaan la kulmi doono.


Hadaan ahay Yusuf waxaan go’aan ku gaadhay inaan la Kulmo shariifka sheekadana fashiliyo maadaama oo ay tahay Khiyaamo qaran kulankayagana ka dib aan ku soo qoro jaraa’idka dadkoo dhana aan u sheego, waxaanan dhamaan umada reer S/land ugu baaqayaa in dalkii meel xun marayo in maanta ay casaabada dalka haysataa go’aan ku gaadhay in ay dalka Xamar ku celiyaan sidaa aawadeedna hadaan maanta la iska dhicin ay god dheer ku dhacayno .


Gebo gebada qoraalkayga waxaan ku cadaynayaa in aad diiday inaan dhex ka noqdo mu’aamarada dalkayga lagu iibinayo Shariifkana waxaan weydiiyey in Soomaaliya Ictiraafto S/land waxaanse u sheegayaa shacabkayga iyo inta u damqanaysa dalka iyo dadka in laga gaadho waxaanan cadaynayaa inaan S/land doorasho xalaalihi ka dhacayn waxaanu ii caddeeyey Wasiir Sulub inaanay xaaraan iyo xalaal midna ku soo bixi doonin axsaabta mucaaradka ahi Africana aanay suuragal ka ahayn waxa ka suurtooba wadamada aad ku nooshihiin ee Yurub iyo Maraykan sidaa aawadeed ninkii is lahaa doorashaad ku soo baxaysaa ee aan Udub ahaynoow iska ilow dalkaaga iyo dadkaagana mustaqbalkooda ka feker .


Alla aamin Ma iisho

 



Yusuf Budle
Gudoomiyaha Xisbiga UDUB ee Nort America

 


Posted By:Cali Cumar Xasan