Daahfurka Diiwaanka Qosolka Iyo South Africa oo Aheyd Balad aan Aad Looga Qoslin

 

Wadanka South Africa keliya nasiib umuuyeelan in laguqabandoono  ciyaa raha kubada cagta ee 2010, ee waxakale oo u nasiib uyeesheen  Sooma alida kudhaqani wadankan in ey soodhaweeyaan qoraaga Jamaal Ali  Huss ein iyo buugiisa caanka ah ee "Diiwaanka Qosolka" inta aanu gaadhin  Qaar adaha America iyo Australia" Akhriste Buuga oo kunool Johannesburg.

Johanneburg, Shacabweynaha Magaaloweynta Johannesburg ayaa nasiib u yeeshey bandhig Qoraaga caanka ah ee Jamaal Cali Xuseen uu buuga aadka loogadabadhacey ee Diiwanka Qosolka, kusoobandhigey xarunta Amal Shopping Center ee Johannesburg. Xaflada daahfurka buugan ayaa kulmisey qeybaha bulshoweynta dadka akhriska suugaanta Soomaaliyeed Jecel, culumaa'udiin, dhalinyaro, duqeyti, ardey iyo bahweynta Saxaafada.

Aayado Qur'aanka Karimka ah iyo qudbado soodhaweyn ah oo gaagaban kabacdi ayaa lagusoodhaweeyey micro phone ka Jamaal Cali Xuseen  laft iisa, Jamaal waa shakhsiga ugu sareeya Bangiga Caalamiga ah ee Citibank-Citigroup qaybtiisa Ivory Coast iyo Galbeedka Afrika, waana qoraaga  buug ga qiimaha leh ee xigmadeysan ee “Diiwaanka Qosolka” oo kakooban 150 sheeko murtibadan oo xanbarsan firixda qosol iyo maahmaahyo iyo murtigabey qosol kudheehanyahey.

Sheekooyinka buugani waxey qofka ka fududaynayaan culeys saaran guud ahaan dadka nasiibka u hela buugan xigmadeysan, gaar ahaana dadka Afka Soomaaliga ku hadla ee kudhaqan wadankan K/Africa oo waqtigiisa iyo waayihiisaba leh, wadankan oo ey kubadantahey danbiyadda ka dhanka ah soogeleytiga, wadankan K/Afrika oo dadbadani kutilmaamaan "lagamaqoslaan" ayaa diiwaankanka Qosolka badaley jawigaasi markii kasooqeybgalayaashii buugani firixdii indhuhu casaadeen.

Ujeedada uguweyn ee Jamal Ali Hussein u qorey buugan oo kakooban shan qeybood, keliya kumakoobna in uu qofka culeys saaran karogo!, laakiin waxa qoraagu jecelyahey in uu dhiirigeliyo hal abuurka, iyo akhriska iyo qoritaanka Suugaanta iyo Afka Soomaaligaba. Waxa uu kakoobanyahey buugu shanqeybood oo sifarshanimo kudheehantahey loo ururiyey lana raaciyey ujeedada iyo habka loo isticmaalikaro sheeko kastaba. Qeybaha buugani waa sidan

Sheekooyin Qosol iyo Mahadhooyin leh
Sheekooyin Murti suugaaneed oo Qosol leh
Sheekooyinka Qosolka leh ee Haweenka Soomaaliyeed
Sheekooyinkii Qosolka lahaa ee Aw Xasan Sheekh Cismaan Nuur (Eesh Qiyaasak)
Sheekooyinka Qosolka Leh ee Qurbajooga


Buuga Diiwaanka Qosolku oo ah kii uguhoreeyey noocisan oo kale ah oo uu qorey Jamaal Cali, ayaa ah buugii uguhoreeyey oo noocisan oo kale ah oo abid soogaadha Koonfurta Africa, waxa buugani wadada uu usiifuridoonaa in bulshoweynta dadka Afka Soomaaliga kuhadla ee kunool Qaarada Afrika qeybteedan Koonfureed, ey nasiib u helaan buugaag kale oo afkooda kuqoran iyo abwaano kuxeeldheer suugaanta Soomaaliga in ey soogaadho mustaqbalka.

Buugani wuxuu yeelandoona qeybta labaad oo hada qoraagu gacanta kuhayo, waxa lagudhirigelinayaa akhristayaasha buugan Diiwaanka Qosolka in ey qoraaga soogaadhsiiyaan murtida suugaaneed oo loorogikaro in ey dad faraxtigeliso kanaqoslisiiso, iyadoo weliba u noqoneysa aqoon uu helo qofka akhrisanayaa. Cinwaanka qoraaga waxa lagahelayaa darafka hore ee buuga.

Horey u gaadh intaanu kaadhamaanin buugan sidaweyn caalamka meelihii lagusoobandhigey firixda qosol iyo maadi hadheeyey, waxaad kahelikartaa:

Carwo Yasmuna ama Shakti Stereo, Xafada Mayfair, Johannesburg, Tell: +27-833985827. Qiimaha Buugu waa R140 keliya, waxaa kuudheer 2 DVD oo bilaa lacag ah, waa DVDyo kusaabsan murti dheeraad ah iyo daahfurkii buugan ee Dubai.

Daahfurka buugan oo sanadkan horaantiisii kadhacey caro ingiriis, ayaa dadweynaha Afka Soomaaliga kuhadla ee kudhaqan Ingiriiska nasiibweyn unoqondoonta marka uu Jamaal bishan August 8deeda Magaaloweynta Breegimham, UK kubandhigo buugan. Waxa hore buugan loogu daahfurey UK, U.A.E, Somaliland iyo South Africa.

Qalinkii Saeed Furaa

Freelance Journalist

Johannesburg
South Africa