Daahfurkii Iyo Gardaadintii Buuga Suugaanta Nabadda Iyo Colaada
 

20-11-2009,Abaaro todobaddii fiidnimo, oo ku beegnayd maalin jimce ah oo dadku ay fasax ka yihiin hawlihii shaqo iyo waliba kuwii waxbarasho,Ayaa hotel Imperial oo ku yaala magaalada Hargeysa waxa lagu soo bandhigay buug,Munaasibad ay dad  weyn aha reer Hargeysa ay si gobanimo leh u soo camireen iyaga oo ka kala yimid  xaafad aha kala duwan ee caasimada.

Waa daahfurkii iyo waliba gardaadintii buuga suugaanta nabadda iyo colaada  sooma alida.Ee ay wada qoreen Rashiid Sh.Cabdilahi “Gadhweyne”, Iyo waliba abwaanada kale ee Axmed Aw-geeddi iyo Ismacil Aw-Adan islamrkaana uu luuqada ingiriisiga uu ku turjumey Dr.Matrin Owrin.

Waxa munaasibadan qiimaha badnayd iyo waliba gardaadinta buugan iska kaashaday oo si wadar jir ah u daafuray ururka qoraaga Soomaaliland waxan maalgaliyey  Red sea-online Book-Shop, Hargeysa.

Ugu horeyn waxa munaasibadaasi hadal ka soo jeediyey Qoraaga Xasan Cabdi Madar oo ku hadlayey magaca ururka qoraaga ree Soomaaliland, Waxaanu Xasan sheegay in urukan la aasaasay 2003 ayna aasaaseen rag qurbo joog u badan, Ujeedooyinka loo aasaasayna ay ahayd Kaydinta,Ururinta iyo dhiirigalinta qoraalada si loo soo saaro  b uugaag badan, iyo waliba soo bandhigida tartamo iyo aqoon iswaydaarsiyo  dhalinya rta loo qabto.

Intaa kadib waxa bilaabmatay daahfurkii buuga oo uu soo akhiryey islamrkaana uu  s oo bandhigay Mustafe Adan Nuur oo ka tirsan naadiga akhristayaasha Hargeysa, Wa xaanu mustafe sheegey in buuga suugaanta nabadda iyo colaadu uu ka koobanyahay laba qaybood oo kala ah Soomaali iyo Ingriisi oo sidii aan hore u soo sheegay uu  turj umay Martin Owrin oo ah nin ree ingiriis ah oo xiiseeya luuqada iyo dhaqanka  Sooma alida marar badan imid Jamhuuriyada. Buugan waxa gogoldhig qotodheer u sameeyey Rashiid Gadhweyne, buugan waxa ku dhan 18 abwaan Suugaantoodii iyo 25 maanso oo ay iyagu tiriyeen.

Dhaqankii reer guuraagii hore sheeko murtiyeedyo colaadihii hore iyo waliba  waxyaa bo badan oo khuseeya colaadihii hore iyo qaabkii nabadda loo keeni jiray.
Buugu wax uu xusay in saddex xaalo ay jireen oo keenay ururinta suugaantaasi oo kala ah:-

1. Suugaantii Hore 2. Suugaantii Gumaysiga 3. Suugaantii dowladii milatariga ahayd ee dalka qabsatay, Sadexddaa arimood ayaa keenay kaydinta suugaanta nabadda iyo colaada oo wax badan baryahaa laga bartay.

Qaababkii looga hadlay colaada iyo nabadda waxa uu buugu xusay in marka ay  colaad u badato la dareemi jiray nabdda. Waxa uu buugu xusay marka colaadi jirto ee  naba dda laga wada hadlayo ayna u dhamayn dadka colaadu ka dhaxeysaa in aan xal  naba deed oo loo dhanyahay aan la gaadhayn tusaale ahaan sida hadda ka jirta koonfurta iyo bartamaha soomaaliya sababta oo ah iyada oo aan loo dhamayn ayaa kolba kooxi meel ku gaadhaa heshiis aakhirkana xal lagama gaadho colaadii ee wali way sii socotaa.

Dhinaca kale waxaan tusaale taa ka duwan u soo qaadan karnaa shirarkii nabdaynta beelaha Soomaaliland oo colaadihii ka dhaxeeyey beelo badan, Ugu denbayntii waxa laga gaadhay xal maxaayeelay waa loo dhamaa ka wada gungaadhida nabadda.
Sidoo kale waxa uu buugu ka hadlayaa sababihii la isku dili jiray iyo sababtii loo heshiin jiray, iyo waliba suugaantu saamayntiii ay ku lahayd nabadda iyo colaada.

Waxa iyaduna madashaasi hadalo qiimo badan ka soo jeedisay Foosiya Muuse Jaamac oo ku hadlaysay afka Redsea-onlin Book-shop,Hargeysa oo sheegtay in maktabadini ujeedooyinkii loo furay ay ahayd kor u qaadista akhriska dhalinyarta reer  Soomaalil and, Waxaanay marwo Foosiya ay sheegtay in ay yaalan maktabada buugaag badan ilaa iyo waqtigii la furay oo ahayd 2007dii, Buugaagtaas oo ka kala yimid meelo badan oo dalka dibadiisa iyo gudihiisaba ah.

Akhriste waxa xusid mudan in habeenkaa uu madasha ku sugnaa Axmed Aw-Geddi oo ka mid ah abwaanada qoray buuga, kana mid ah abwaanada xooga saara nabda iyo qiimaheeda hadii ay tahay gabay,qoraal iyo ruwaayado uu ka sameeyo.Waxaanu  abw aanku sheegay in ururintii iyo qoritaankii buugani uu soo maray hawlo badan oo adag iyo waliba marxaldo kala duwan taas oo uu sheegay abwaanku in ay safro badan iyo goobo kala duwan ay soo mareen si ay u soo ururiyaan suugaantan kala duwan ee buuga ku xusan iyo macluumaad kaleba aakhirkiina ay ku guulaysteen.

Abwaan Geeddi waxa uu madashaasi ka akhriyey qaar k mid ah suugaanta ku xusan buugan suugaantaas oo ay dadku wax badan ka ogaadeen oo aanay hore u ogayn ama u aqoon waxaana la waydiiyey Abwaan Axmed aw-geddi su’aalo badan maadamo uu ka mid yahay raga soo ururiyey ee qoray buugan waxaanu dhamaantood uga jawaabay si fiican oo ay ku qanceeen dadkii madasha fadhiyey.

Madashaasi waxay ku dhamaatay jawi fiican oo cawaysnimo iyo aqoon fiican madasha lagu kala faa’iday.



Guul iyo Gobanimo Waarta.
 

 


Sahra-Kiin Abdirahman Ahmed

Sahra873@hotmail.com
Freelance Journalist
Hargeisa Somaliland