Daah-furkii Xafiiska UrurkaWADDANI ee Gobolka Ohio, USA

 



Ohio (TNN)-Xaflad aad u heersaraysa oo ay soo qabanqaabiyeen taageerayaasha Ururka W ADDANI ayaa lagu qabtay caawa magaalada Columbus (gobolka Ohio) ee dalka Maraykanka. Xafladan oo si heer sare ah loo soo agaasimay, ayaa waxaa ka soo qabgalay jaaliyada reer Soomaaliland iyo taageeraysasha Ururka WADDANI oo aad u tiro badnaa oo isug jiray siyaa siyiin, aqoonyahano, oday dhaqmeedyo, culimo, haween, iyo dhalinyaroba.



Xaflada waxaa si hufan oo heersare ah u xidhiidhinayey Cabdiraxmaan Guuleed. Xaflada oo waxaa aayado Quraana iyo wacdi ku furay Sheekh Axmed Dhancade. Intaas ka dib, xidhiid hiye Cabdiraxmaan wuxuu si sharafleh madasha ugusoo dhaweeyey Gudoomiyaha Ururka WADDANI ahna xubin ka tirsan Gudiga Fulinta Ururka WADDANI marwo Muna Cali Fadhin. Gudoomiye Muna waxay si qoto dheerleh uga hadashay taariikhdii Ururka WADDANI iyo marxaladihii siyaasadeed ee uu kasoo gudbay. Gud. Muna waxay tilmaantay guulaha is daba jooga ah ee usoo hoyday Ururka WADDANI iyo taageerayaasha WADDANI oo maalinba maalinta kasii danbaysa sii kordhaya. Waxay intaas ku dartay in uu Ururka WADDANI yahay Ururka kaliya ee ay kusoo biireen Ururkadii hore ee hadhay iyo waliba Xisbigii Udub, taas oo cadaynaysa in uu WADDANI yahay Ururka kaliya ee ay ku midoobeen muwaadiniinta reer Soomaaliland oo ku astaysan sinaan siyaasadeed. Gud. Muna waxay hadalkeedii kusoo gunaanaday in loo baahanyahay taageero dhaqaale iyo mid codba lala garab istaago Ururka WADDANI oo guushiisii inoo muuqato.



Waxaa kale oo iyaguna xafladaa hadalo aad u qiimo badan kasoo jeediyey odayaal iyo aqoo nyahano. Waxaa hadal aad u qiimo badan halkaas kasoo jeediyey Axmed Gool Cade oo ku dheeraaday horumarinta iyo taageerida Ururka WADDANI aadna uga war-bixiyey guulaha uu Ururka WADDANI soo hooyey ee is daba jooga ah. Waxaa kale oo isna xafladaas hadal aad u qiimo badan kasoo jeediyey Jaamac Cali Faarax (Jaamac Quraab) oo ka hadlay wax qabadka Ururka WADDDANI iyo guusha uu usoo hoyn doono Soomaaliland marka la doorto. Waxaa kale oo xafladaas hadalo qoto dheer ka soo jeediyey Mahdi Qaadi oo ka hadlay in WADDANI ay ka muuqdaan umada reer Soomaaliland oo dhami uuna yahay Ururka kaliya ee ay ku bahoobeen wadaniyiinta reer Soomaaliland, sidaa awgeedna ay waajib inagu tahay in aynu taageero buuxda oo dhaqaale iyo codba isla garabtaagno WADDANI. Waxaa xaflada duco aad u qiimo badan kusoo gunaanaday oday Siciic Foodcade oo u duceeyey dhamaan umada muslimiinta ah iyo reer Soomaalilandba.



Xafladan oo ku gabo-gabowday farxad, rajo aad u saraysa, iyo rayn-rayn, waxaa iskusoo duba riday oo waqtigoodii iyo maalkoodiiba u huran taageerayaasha sharafta leh ee hoos ku xusan.



Safiya Jaamac Nuur
Safiya Ismaaciil Nuur
Holaal Cabdi
Nimco Cismaan Cabdiraxmaan
Aamina Jaamac Xasan
Ubax Jawaare
Hodan Jawaare
Suleekha Jaamac Nuur
Sahra Andi
Nimco Andi Maxamed
Ibraahim Jaamac (Balaakii)



Xafiiska Ururka WADDANI Ohio