Daawo Sawirada Xisbiga Kulmiye oo Bariga Magaalada London Ku Soo
dhaweeyey Xubno Ka Soo Baxay Xisbiga Wadani
London (TNN):-Xisbiga Talada haya ee Kulmiye ayaa munaasabad si heer
sare ah loo soo agaasimay ku qaabilay xubno ka soo jabay Xisbiga
wadani isla markaana u digarogtay xisbil Xaakimka kulmiye.
Xubnahan ka tirsanaa masuuliyiinta xisbiga wadani waxa ay kala
ahaayeen Zaynab Maxamed Cali oo ahayd gudoomiyaha wacyi galinta ee
garabka haweenka Uk iyo Shooqi Xaddi oo ahaa gudoomiyaha dhaqaalaha
xisbiga wadani isla markaana gudoomiyaha Xisbiga wadani ee magaalada
London.
Labadan xubnood ayaa mid waliba geestiisa ka cadeeyay in laga
bilaabo maanta ay si toosa ula sha qaynayaan xisbiga Kulmiye .
Geesta kale masuuliyiinta, hawl wadeenada iyo taageerayaasha xisbiga
kulmiye ee Uk ayaa si wayn u sii sagootiyay Gudoomiye Kuxigeenka
koobaad ee xisbiga kulmiye Muj Maxamed Kaahin Axmed, oo ku sii jeeda
Dalka jamhuuriyadda Somaliland isaga oo maalinta Bari ah ka anba
bixi doona Magaalada London haddii alaha awooda lihi ogo laado.
Ugu danbayntii xafladan ayaa waxa ay ku soo gabo gabowday jawi aad u
wanaagsan.
Timacade News Desk
London,UK
|