Maamulka Degmada Tog-wajaale Oo Gurmad Ka galay Dab Qabsaday Guri Kuyaal Magaalada 
 

 

Tog-wajaale (TNN):-Dab xoogan  ayaa ka kacay guri nooca faransaawiga looyaqaano ah oo ku ya alay xaafada Badda Cas ee magaalada Tog-wajaale abbaaro sagaalkii iyo badhkii habeenimo ee xa layto . Dabka ayaa ganbi ahaanba baabiiyay gurigaasi, dabka ayaan ilaa hada la xaqiijin sababha dhaliyay.


Waxa isla daqiiqado yar ka dib soo gaadhay Gudoomiyaha Gegmada Tog-wajaale, mudane Aadan Shiine , oo isagu markiiba ku war galiyay shaqaalaha Dab Damiska,  inay  si dhakhsele u soo gaadh aan, una bakhtiiyaan gurigaasi. Dabdamiska ayaa  isla markiiba hawl galka dabinta dabkaasi ka qay bqaatay,. waxaana lagu guulaystay in la xakameeyo lana damiyo dabkaasi.

Dhanka kale mudane  Aadan ShiIne,  oo isagu ahaa masuulka kaliya ee dabinta dabkani goob jooga u ahaa , ayaa waxa uu goobtaasi ka sheegay in uu si dhakhso ah u bilaabi doono furista jidadka m agaalada iyo guud ahaan Town plan -ka magaalada ,si ay u fududaado isku socodka magaaladu lo ona helo wadoonyin ay u soo maraan Dab Damiska iyo adeegyada kale ee ay u baahan yihiin.

Bulshadadii badnayd ee halkaasi isugu timid oo dhamaantood u sacabinayay , ayaa amaantay wax qabadka Gudoomiyaha,iyaga oo aan maamuladii hore uga baran Gudomiye sidan oo kale uga qayb qaata Dab Daminta dabka inta badan habeenkii kaca.
 

 

 

Wariye: Khadar Cabdi C/laahi
Khadardhaylo1@gmail.com
Wajaale / somaliland