Dabaylo Siyaasadeed oo Dul-hoganaya Magacaabista Madax weyne Siilaanyo ee Guddoomiyaha Maxkammada Sare iyo Beelaha ku Hirdamaya

 



“Mudanayaashii Codka lagu Muquuniyay oo si wayn isugu Diyaarinaya sidii ay u hor-istaagi lahaay een Guddoomiye kasta oo ay u arkaan inuu u jan-jeedho Dhinaca Xukuumadda”


Hargeysa(TNN)- Mudanayaasha labada Gole ee Guurtidda iyo Wakiiladda ayaa si wayn isugu diyaarin aya magacaabista Guddoomiyaha Maxkammada Sare, kaasoo buuxin doono xilkii dhowaan laga qaa day Guddoomiyihii Maxkammada Sare Dr. Maxamed Ismaaciil Oomane, ka dib markii uu Madaxweyne Siilaanyo eedaymo la xidhiidha dhinaca garsoorka uu u soo jeediyay.

Mudanayaasha sida wayn Madaxtooyada uga sugaya inay si dhakhso ah u soo magacwdo Guddoomi yaha Maxkammada Sare ayaa u badan Mudanayaashii lagaga adkaaday cod u qaadisti xil lagaga xa yuubiyay Guddoomiyihii Maxkammada sare Dr. Oomane toddobaadkii hore.

Sida ay sheegeen warar u dhuun-daloola dhinaca labada Gole, ayaa muujinaya in badi Mudanayaas hu ay qabaan in Madaxweyne Siilaanyo la raagay Magacaabista Guddoomiyaha Maxkammada sare, iyagoo ka shidaal-qaadanaya sidii deg-dega ahayd ee uu uga qaaday xilkii Mr. Oomane, taasoo ay Filayeen inuu si dhakhso ah labada Gole u horkeeni doono, balse illo-wareedyo u dhuun-daloola Mada xtooyada ayaa sheegay in dibu-dhaca ku yimid Magacaabista Guddoomiyaha Maxkammada Sare ay si wayn u gil-gileen duufaano siyaasadeed oo Madaxtooyada dul-hoganaya, kuwaasoo ay wadaan Siyaasiyiin iyo Madax-dhaqameedyo si wayn u danaynaya in xilkan loo magacaabo xubin ka soo jee da Beelahooda,

Beelahaasi sida wayn cadaadiska ugu saaray Madaxweyne Siilaanyo inuu xilka Guddoomiyaha Maxka mmada Sare u magacaabo, waxa ka mid ah Beesha Galbeedka Burco oo sida la sheegay iyagu si cad u hor-dhigay in ay xaq u leeyihiin xilkan, waxaanay ku doodeen maadaama uu Guddoomiyihii xilka la ga qaaday uu ka soo jeeday Beeshooda iyo in haddii xilkan cid kale loo magacaabo ay dabka ku sii hurin doonto tabashooyinkii hore ee ay ka tirsanaysay Xukuumadda Madaxweyne Siilaanyo.

Sidoo kale waxa iyana isa soo taraya damaca iyo hirdanka Beesha Gobolka Sool ay ku raadinayso in xilka Guddoomiyaha Maxkammada Sare loo dhiibo xubin ka soo jeeda Beeshooda, sida ay Siyaasiyiin iyo Xil-dhibaano u dhashay Gobolkaasi u sheegeen Warbaahinta in xilkani uu dheelitiri karo saami-qaybsiga Awoodaha Dalka, maadaama aanay si toos ah uga muuqan xilalka sar-sare ee dalka, sida Xilka Madaxweynaha, ku-xigeenkiisa, Guddoomiyayaasha labada Gole ee Guurtidda iyo Wakiiladda.

Waxa hore si wayn iyana la iskula dhex-marayay in Madaxweyne Siilaanyo uu xilkan u magacaabay xubin ka soo jeeda Gobolka Hargeysa gaar ahaan Degmada Sayla, kaasoo Digreetada Magacaabis tiisa la sheegay inuu jeebkaba ku haysto, balse ay jiraan isku dayo la sheegay in lagala noqonayo.

Si kastaba ha ahaatee Magacaabista Guddoomiyaha Maxkammada Sare ayaa ku noqotay Madaxwey ne Siilaanyo laf dhuun gashay, isla markaana uu xisaabta hadda ku darsaday sidii cidhiidhiga ahayd ee Mudanayaasha labada Gole ugu codeeyeen xil ka qaadistii Guddoomiyaha Maxkammada Sare, wax aana la filayaa in Magacaabsita xilkani ay si wayn ugu kala qaybsami doonaan.
 

Source: Waaheen