DACWADA U KULMIYE U GUD BIYEY DAWLADA INGIRISKU WAA HAB DHAQANKII MOORYAANTA KONFURTA LAGU YAQIIN OO KALE

 

Baryahanba qoraalo farwaaweyne lagu soo xardhey ama lagu soo qoreyba eyaa shabakadaha JSL ku abtirsada lagusoo daabacayay kuwaaso uu nurxurkood ah qoraaladaasi ashkato iyo dacwada ka dhan ah JSL iyo madaxdiida,

sidatanbey u qorneyn qoraaladaasi - xogahey arimaha dibada ee xisbiga qaran ee kulmiye ayaa dawlada ingiriska u gudbiyay ashkato iyo dacwada ka dhan ah dawlada JSLand iyo xisbiga UDUB iyo madaxweynaha Daahir Rayaale Kaahin iyo waliba gudida doorashooyinka qaranka dhamaan inta dacwada lagu soo lagu soo oogey waa intii talada dalka loo igmaday.

Haddaba aakhristow maxeynu u igmaney madaxda axsaabta iyo xisbiyada qaran ee aynu taageeradeenna u hurney?, haddii aan isku dayo inaan su'aashaasi ka jawaabo, waxeynu u igmaney axsaabta iyo madaxda xisbiyada qaran ee JSL in ey marka hore ka mideysanaadan qadiyada soomaliland iyo gooni isu taageeda islamarkaan ay daacad ka noqdaan, taasi waxan u arka qodobka ugu horeya waajibaadkuna ka saareyn yahay, siyaasi kaste xil haye ama yaanu heyna waa mid ku waajib ah inuu aaminsanado marka hore jiritaanka JSL. haddii u xil aheyo iyo haddii kalaba.

Haddaba marka eynu aragno ama eynu maqalno wararka noocasa ee shabakadaha lagu soo daabaco xisbi qaran ka mas'uul yahay ashkataasi iyo dacwadaha noocas runtiina gaadhsiiya dawladihii ama international committeeskii eynu albaabadooda horjoogney ee aynu ka dooneyney ama ka codsaneynay in ey ictraaf caalamiha inuugu deeqan si eynu bulshada caalamka ula mid noqon. waa cajiib

Sidaan filayo dacwadaasi waxey u muuqata mid danbi qaran ah oo lagula kacey JSLand lagana galey shacabka soomaliland ee haraadka u qaba in maruun adoonku il naxariis leh ku soo eego qadiyadeena iyo gooni isu taageenna, dacwadaasina runtii la gaadhsiiyay caalamkii siiba dawlada ingiriska oo ah xubin muhiin ah ama dawladihii eynu ictiraafka soomaliland ka rabney, runtii dacwadaasi waxan u arka mid lagu dagdagey islamarkaasan lagu mijo xaabineyo qadiyada gooni isu taaga soomaliland haddii ey jirto dacwadaasi, sidaan aaminsanahey nuxurka dacwadaasi waxey ila muuqata ama ey salkaba ku heysa in u xisbiga kulmiye dawlada ingiriska u gudbiyay macnaheedu tahey in aan la aqoonsan JSL islamarkaasna la joojiyo wixi deeqo ah ee ay dawladaasi ingirisku siin jirtey JSL, maadaama ay nabadgalyo xumo ka jirto, islamarkaasna u xisbiga UDUB xilka uheya u yahay mid aan sharciga waafaqsaneyn islamarkaasna ay doorashadii dalka ka dhici laheyd ey dabada heyaan xisbiga talada haya.


Arimahan noocasi ah ee ku saabsan dawlado iyo madax la iska ashkateyo waxan mareegaha ku arki jirey siyaasiyinta koonfurta oo aad iyo aad ugu xarfaan ah dhaqankaasi ashkatooyinka noocsi ah ee dalkooda waxa ka socoda ay u gudbin jireen dawaladu shisheeyi iyo madaxda dalkaasi.

Beenalemarkhaatigiisu fogeyay waxeyno maqli jirney ama idaacaduhu sheegi jire mooryanta koonfurta soomaliya oo markasto ay isqabtan waxey u kala dheereyn jireen Meles Zeni iyo General Gebre iyagoo midba midkale ashataasi u gudbin mas'uuliyintaasi Itoobiya, teeda kalan weynu la wada soconey dawladii Col. Abdillahi Yussuf iyo ra'iisawasaarayaashiisi soo marey dawladaasi imbigati lagu soo dhisey sida ay maalin waliba ugu kale dheerneyn jirn itoobiyo iyo kenya, waxad mooda inuu kulmiye maanta adeegsanayo hab dhaqankii xumaa ee siyaasiyinta koonfurtu caanka ku ahayeen, siyaasinta kulmiye ma waxey mooda yaan habkaasi mooryanta mid guul u soo hoynkareya siyaasada kulmiye ee qalafsan.

Haddaba waxan leeyahay Dr. Maxamed Omar arinkaasi yaanu adiga duusha laga saarine islamarkaana siyaasadaad wax u dhimine, oo la odhan dr. Maxamed Omar waa nin raggaasi koonfurta biyo la soo cabey oo ku soo korey goboladaasi koonfurta soomalia oo caadadoodi wate fadlan iska furdaami sheekooyinka noocasi ah.

Haddaba aakhristow mudo 18 sano ah oo aynu dawlada sheeganeynay ama madaxba'aan adoonka u sheegeynay baadigoobna ugu jirney sidii aynu ictiraaf u heli la heyn, ilama haboona in ey dacwadeena iyo cabashadeenna u gudbino dal shisheeya ah.

Waxa inoo dhisnaa mudadaasi 18sano ah heykal dawladeed oo runtii awodiisu yareyd laakin taabagal ahaa oo hawshiisa gudaneyay, sida aan filayo haddii ey dacwadani ama cabaasho noocanoo kala ahey soo baxado ama jirto oo u xisbi doono inuu ashkaato ama dacwad gudbiyo, miyaaney aheyn in he'yahada u xil saaran loo gudbiyo sida maxkamada sare ee qaranka iyo labad gole iyo waliba raggii aqoonyahanad aha ee kalinta wanaagsan ka gali jirey marka ay arin timaado, ilama qurux badan in shuruucda wadanka u yaala la baalmaro iyo dhaqankii wanaagsana ee aynu ku soo caano maaleyn, mana ha siyaasada wanaagsan oo wax u tari karta ololaha siyaasadeed ee xisbiga kulmiye u hawlan yahay ashkatadani, mana haboona inuu xisbi qaran dacwadaasi ookale u gudbiy dal kale oo aan shaqo alaale shaqo u inagu leeyahey la garaneyn ama aaney jirin ba, runtii waxan u arka aakhristow ashkataadaasi iyo dacawdaasi loo gudbiyay dawlada ingiriska mid khasaartey oo jihadii ku habooneyd la baal marey.

Mudanaha aan sawirkiisa iyo muuqalkiisaba ka muuqdo shabakaddaha ee mas'uulka ka ah dacwadaasi oo ah xogaheyaha arimaha dibada ee kulmiye Dr. M. Omar, runtii Dr. Maxamed Omar maaha runtii shakhsiyaadka dacwada soo jeediyay ama hindisey,waayo Dr. Maxamed maaha nin lagu shaanbadeen kareyo qadiyada soomaliland buu ka soo horjeed, laakin waxa iga muuqda dacwadaasi in ay mas'uuliyadiisa leeyihiin hogaanka sare ee xisbiga kulmiye dalkan lagu mijo xaabinayno lana abuureyo jawi cakiran, Dr. Maxamedna u yahay nin la jahwareerinayo oo runtii hawshiisa dadkale isdarban ula maamulayaan oo heerihiisa jooga ama ey wada shaqeyn leeyihiin.

Waxan leeyahay xogaheyaha xisbiga kulmiye ee cusub, fadlan soomalidu waxey tidhaahda GAL DAD LIQE UL BAA LA ISAGA DA'YAA, waxkastood dooneyso in ad fuliso, nin aqoon le baad tahey u fiirso si ad uga badabaado muwjadaha siyaasadeed ee qalafsan ee kulmiye ku shaqeyo, islamarkaan ey mas'uulka ka yihiin siyaasinta macangaagintaha ee kulmiye, kuwaaso mar walba sheega balaayooyin inagu soo foole oo aan la garaneyn meel ey ka iman doona, hadalada wanaagsani waxa ku jira kheyr badan waana waajib inaad, markaste hadalkaagu noqdo mid samaha ka talinaya iyo xagga wanaaga ilaaheyna ku xidhey waxkastoo iman doona waayo ilaahey uun baa og waxa iman doona.

Maanta waxa ka muuqda shacabka JSLand biseyl badan iyo waayo aragnimo, waxan leeyahay siyaasiyinta kulmiye ee shacabka soomaliland dooneya in ay go'a u ridaano, maanta maaha maalintii siyaasigu hogaanka shacabka miisanka weyne ku laha, maanta waxa shacabka miisan weyn ugu fadhiya oo gacanta ku haya NABADGALYADA, MAALGASHIGA iyo ragga dalka dhistey ee maalkoodi galiyay IYO HIMILADA U SHACABKU HIGSANAYO, maanta waxey shacabku u dhaganuqul yihiin dhawrkaasi ery ee aan kor ku soo xusey, haddaba siyaasiyinta xisbiyadda ee durbaanka colaadeed dumayo ha moodi shaley maanta.

Waxan ku soo gabagabeynaya qoraalkeyga sheekadii aheyd WAAN MIRQAMEY MACNAHEEDO WAAN SIRKHAAMEY, DACWADA KULMIYE MACNAHEEDO WAA ICTIRAAF DOONI MAYO ingirisow

Guul baan u rajeynaya SOMALILAND iyo ictraaf dhakhso ah.

 

 

 

 

Omar Darood Xassan
Norway