“Dad Waraaqo Hanjabaad ah u Qoray Genel Energy Way Jiraan,
Shirkadduna Way Na Tustay”
“Waxaan ku Faraxsan Nahay In Midowga Yurub ay Ogaadeen In Somaliland
ka Gedisan Tahay Soomaaliya”
Hargaysa (TNN):- Xukuumadda Somaliland ayaa sheegtay in
shirkadda Genel Energy ay u soo bandhigtay cadaymo muujinaya in dad
reer Somaliland ahi ay u gudbiyeen qoraalo isugu jira hanjabaado iyo
kuwo ka dayrinaya ammaanka dalka oo shirkadu tustay Wasiirro
dukumantiyo saxeexyo leh oo lagu handidayay.
Sidaasina waxaa sheegay Wasiirka Arrimaha dibadda iyo is-kaashiga
caalamiga ah Maxamed Biixi Yoonis oo xalay khadka telefoonka ugu
waramay wargeyska DAWAN, isaga oo ku sugan magaaladda Addis Ababa ee
caasimadda dalka Itoobiya, waxaanu tilmaamay in masuuliyiinta
shirkadda Genel Energy oo ay dhawaan isaga iyo Wasiirka Macdanta iyo
Tamartu kulan kula yeesheen magaaladda London ay ku tuseen
qoraaladaasi oo sabab u noqday inay si ku meel gaadha ah u hakiyeen
hawshii shiidaal qodista goboladda berri ee dalka.
Maxamed Biixi Yoonis, ayaa waraysigaasi aanu la yeelanay waxa aanu
wax kaga waydiinay arrimo badan oo ay ka mid yihiin kulan ay isaga
iyo xubno wasiiro Somaliland ahi magaaladda Addis Ababa kula
yeesheen raysal wasaare ku xigeenka ahna wasiirka arrimaha dibada ee
Itoobiya iyo waxyaabihii ay ka wada hadleen. Iyo sidoo kale qoddobo
la xidhiidha sababihii ay shirkadda Genel Energy dalka uga baxday
iyo aragtidiisa qorshihii uu midawga Yurub Somaliland gaarkeeda ugu
qoondeeyay inay u hesho mucaawimooyinka dalalka Yururb.
Wasiir Maxamed Biixi oo ugu horayn ka hadlayay kulanka ay Addis
Ababa kula yeesheen raysal wasaare ku xigeenka Itoobiya ahna
Wasiirka Arrimaha dibada waxa uu yidhi “Maanta (shalay) waxaanu la
kulanay raysal Wasaare ku xigeenka dalka Itoobiya ahna Wasiirka
arrimaha dibada, annaga oo ah wefti balaadhan oo Somaliland ka
socday oo aniga iyo labadii Wasiir iyo safiirkuba aanu la kulanay,
waxaanu kala hadalnay arrimo khuseeya labada wadan oo ay
nabadgeliyadu ka mid ahayd iyo sidii loo sii xoojin lahaa ee la isu
kaashan lahaa. Sidii aanu isaga kaashan lahayn dhaqaalaha iyo
horumarka.
Waxa kale oo aanu ka wada hadalnay arrimaha siyaasadda oo ay mid
ahayd nabadgeliyadda Somaliland taalla, dimuqraadiyadda aynu
samaynay iyo gooni isku taageena oo aanu u sheegnay in uu yahay mid
muqadas ah oo aan ka noqosho lahayn, waxaanan waydiisanay in ay taa
ogaadaan oo haddii wadahadalo Soomaaliya ah ay yimaadaan in taasi ay
tahay lama taabtaan, iyo xagga tacliinta in ay deeqo waxbarasho na
siiyaan, xagga caafimaadka iyo arrimaha bulshadda, waanan isla
afgaranay dhamaanba waxyaabahaasi. Waxaanu aad ugaga wadahadalnay in
aanu xagga nabadgeliyadda gacan buuxda iska siino kana wada
shaqayno, meelna uga soo wada jeedsano ilaalinteeda, in aanu
arrimaha dhaqaalaha iyo horumarka iska kaashano, in aanu laba wadan
oo walaalo ah oo jaar ah oo iska war-haya noqono iyo in aanu
cilaaqaadkayagii siyaasiga ahaa ee naga dhexeeyay aad u sii
xoojino”.
“Wasiirka duulista Maxamuud Xaashi ayaa la kulmay dhigiisa itoobiya,
arrintaasina kala hadlay waxaanu noo sheegay in uu ku soo qanciyay
in aan mushkilad ammaan darro Somaliland jirin, waxaanay balan
qaadeen in diyaaraddu hawshii dib u bilaabayso, wuxuu wasiirku noo
sheegay in arrimaha ay sheegteen nabadgeliyo darro ku lug leedahay
bal se aanay madaarka ku lug lahayn, waxaanay u soo dirteen koox
qiimayn ku soo sameeya nabadgeliyadda waanay soo noqdeen. Waxay ku
yidhaahdeen wasiirka duulista sababaha aanu dalka uga baxnay waxa
weeyi arrin amaan darro, taa awgeedna waxa ay soo dirsadeen koox
qiimayn ku sameeya oo eega nabadgeliyo darradu waxa ay tahay,
nimankiina way soo noqdeen, waxaanay yidhaahdeen wax dhibaato ah oo
aanu aragnaa ma jirto, waxaanay cadeeyeen in ay dhakhso u bilaabi
doonaan hawlaha, sida uu noo soo gudbiyay Wasiirku,”ayuu yidhi
Wasiirka Khaarajigu.
Su’aal: Waxa aad dalka Ingiriiska kula kulanteen shirkadda Genel
Energy, maxaa aad ka wada hadasheen, ma se idiin sheegeen sababta
rasmiga ah ee ay u baxeen?
Jawaab: Genel Energy waanu is aragnay, hase yeeshee nooma ay
cuntamin arrinta ammaan darrada ay sheegeen, aadna waanu u
wadahadalnay, waxaanu isla gaadhnay in ay yidhaahdaan waanu soo
noqonaynaa, hawlaha ayaanu ha kinay, taana fulinteedii sidii
horumarin loogu samayn lahaa ayaanu wadnaa.
Su’aal: Goorma ayaa la filayaa in ay shaqadii dib u bilaabaan?
Jawaab: Wakhti cayiman nama ay siinin oo ay yidhaahdeen wakhtigaasi
ayaanu bilaabaynaa oo mucayin ah, hawlaha xaggayaga looga baahan
yahay ee nabad-gelyadda ah iyo qiimayn ayaanu samaynaynaa ayay
yidhaahdeen, todobaadka soo socda ayaanu bilaabaynaa, koox xagga
shirkadda ka socota ayaana iman doona Somaliland oo xagga ammaanka
ah, sidaa awgeed marka ay taasi dhamaato ayaanu doonaynaa in aanu ka
wadahadalno sidii ay dhakhso ugu iman lahaayeen.
Su’aal: Wasiir, waxa jira warar sheegaya in sababta ay General
Energy u baxday in ay tahay cadaadis kaga yimid wadamo dibada ah iyo
xagga Somaliland laf ahaanteeda oo ay dad mucaarid ahi waraaqo u
qoreen, arrintaasi maxaa ka jira?
Jawaab: Dad waraaqo u qoray way jiraan oo waxaa jira waraaqo dadkii
u qorayna ay saxeexeen, way jiraan oo dadkaasi dalka ayay joogaan,
waanay na tuseen waraaqahaasi masuuliyiinta shirkadda Genel energy,
waxayna yidhaahdeen dad badan oo ah shacabka meesha degan ah ayaa
qudhadoodu na dhibaateeyay oo qoryo noola soo baxay, markaa run
ahaantiina waxa ay sheegayaan wax baa ka jira, in shirkaddii
hadidaad aan daruuri ahayn lagu sameeyay way jirtaa, shacbigeena
waxa ay u baahan yihiin in ay fahmaan shirkaddan iyo mustaqbalkeenii
in ay isku xidhan yihiin, oo ninka xabad ula soo baxaya ninka wax
inoo qodaya in uu yahay nin khariban oo dhibaato ummada u gaysanaya
aan ogaano,waana in uu ogaado in uu dhaawac wayn u gaysanayo ummadda
iyo dalkaba, oo waana wax nolosheenii, mustaqbalkeeni iyo
dhaqaaleheenii ku xidhan yihiin, oo ay tahay in aynu qof kasta soo
dhawaysano, oo aanay waajib ahayn in dadka aynu u yeedhanay ee
wadankeena wax ka qodaya, ee maalgashinaya, ee inoo shaqaynaya in la
eryaa ay xaaraan tahay, taasina dhaawac iyo cadawnimo xageena ka
imanaysa weeye, dadkeenuna waa in ay arrimahaasi ka koraan oo ay ka
waynaadaan.
Su’aal: Wasiir, dhawaan shir Soomaaliya dhaqaale loogu ururinayay
ayaa lagu qabtay magaaladda Brussels ee caasimadda Belgium,
Somaliland-na waxa shirkaa loogu qoondeeyay in ay dhaqaalaheeda gaar
u hesho, sidee ayaad u aragtaa arrintaasi ka Wasiir arrime dibadeed
ahaan?
Jawaab: Arrimahaasi aad ayaan iskugu taxalujiyay, sida aad la
socotaan Nayroobi ayaan tegay, illaa habeenkii la joogay Brussels
ninkii ambassadorka ahaa ee EU-da mar kasta telefoon ayaan kula
hadlayay, waxaanan ku faraxsan nahay in EU-du si fiican ka yeeshay
Somaliland, oo qiimayn gaar ah loo sameeyay Somaliland. Ayna
ogaadeen in Somaliland ay ka gedisan tahay Soomaaliya, oo aanu ku
qancinay markii aan Nayroobi ugu tegay iyo markii ay dalka noogu
yimaadeen iyo markii shirkaba, aniga ayaa toos ula hadlayay ninka
wakiilka u ah EU-da ee Nayroobi u fadhiya, waxaanan u sheegay in
hawsha Somaliland ay gaar ahaato, waanan ku guulaysanay arrintaasi,
waanan ku faraxan nahay.
.
Su’aal: Muddada aad xilka Wasiirnimo haysay, ma jiraan wax cusub oo
aad ku soo kordhisay wasaaradda arrimaha dibada?
Jawaab: Arrimaha ugu waaweyn ee aan qabtay, waxa ka mid ah
wadahadaladaa aanu la yeelanay dawlada Itoobiya ee xidhiidhka cusub
ah, siyasadda dibada iyo dhaqaaluhu way isku xidhan yihiin,
siyaasadda dibadda ee Somaliland, macnaheedu ma aha oo keliya in
aynu ictiraaf uun raadino, waa in aynu raadinaa dhaqaale iyo
horumar, shaqo abuur, iyo nabadgeliyada oo la ilaaliyo, taasi oo aad
iyo aad u saamaynaysa mujtamaca Somaliland. Sida aad la socoto New
Deal-ka shaqo xoog leh ayaanu ka qabanay, waxaan aad iyo aad uga
shaqeeyay arrinta shirkadda Genel Energy oo ahaa mid siyaasaddeed,
waxyaabo fara badan ayaanu dawladaha adduunka oo Ingiriiisku ka mid
yahay la samaynay”.
XIGASHO: WARGEYSKA DAWAN
|