Dadba Saxafi Wada Noqay Sallaan Dheerna wada Fuul Siduu Doono Wada Yeel ( Qaybtii 1 aad, Dood Furan ) !


 

 

Waxaan marka hore aad u salaamyaa dhamaan shacabka reer Somaliland gude iyo dibadba meel kasta oo ay dunida ka joogan. Waxaan kale oon aad ugu mahad naqayaa warbaahinta (Saxaafadda) iyo xukuumadihii Jamhuuriyadda Somaliland ee kala dambeeyay heerka ay soo gaadhsiiyeen guud ahaan saxaafadda oo ah meel aad u fiican, si kastaba khaladaad ha u jiree xaqiiqdii ah mid horumar leh lana sixi karo meel wanaagsanna maraya. Maqaalkaygani ma aha mid aan ku durayo warbaahinta wuxuu se yahay mid kalgacal iyo walaaltinimo ku salaysan oon kaga hadlayo in la is dhaliilo lana is toosiyo marka wax inaga khaldanyihiin. Saxaafaddu waa saxaafaddeenni, suxfiguna waa walaalkeen xukuumadduna waa xukuumaddeennii ee ma aha tii car juuq dheh ee kaligii taliyihii Siyaad Barre sidaa darted is toosinta iyo in la is dhaliila ma xumee si xun wax u sheegaa khaldan.


Saxaafaddu waa maadad Jaamicad iyo college loo galo oo Anshax, asluub iyo xeer adag oo loo qoro leh. Saxaafaddu ma aha qof kasta oo af Somali bartayba intuu qalin iyo warqad qaato inuu is yidhaa saxafi baad tahay ee masalaha ku soo bood ! Saxaafadda Somaliland waxay noqotay jaantaa rogan, xuduud la’aan, anshax la’aan, xeer la’aan iyo madax bannaanidii saxaafadda oo si khaladan laga fahamsanyahay, loona turjuntay in saxaafaddu waxay doonaan qori karaan.

Saxaafaddu waxay leedahay xeer iyo qawaaniin la adeegsado marka wax la qoraayo . Qormada saxaafaddu waxaa kale oo ay leedahay dariiqad u gaara ah oo loo qoro weedhaha kana duwan habka loo qooro qoraalada kale ee sida warqad aad qof u dirayso amaba report aad qorayso oo kale. Waxaa baryahan dambe lagu celceliyaa saxaafadda xorta ah iyo saxafaddii madaxa bannaanayd ayaa la cabudhinayaa. Bal hadaba aynu in is yara wayddiino akhristow micnaha saxa ah ee ka dambeeya saaxaafadda xorta ee madaxa bannaan. Saxaafadda xorta ah ama saxaafadda madaxabannaan micnaheedu wuxuu yahay saxaafadda aan xukuumadi maamulin sida Radio Hargeysa ama Telefishanka Qaranka oo kale saxaafadda madaxa bannaan micnaheedu wuxuu yahay saxaafadda gaarka loo leeyahay ama kambaniyo leeyihiin. Waa maxay madaxbannaanidan hadaba sida khaladan iyo xuduud la’aantan laga fahamsanyahay guud ahan saxaafaddii ? Aduunyadan aynu ku noolahay wax walba waxaa la daba dhigay xuduud lagu kala socdo iyo xeer lagu kala baxo, haddaanu xeer iyo xuduud u dhaxeeyaa ka jirin saxaafadda iyo qaybaha kale ee qaranka waxaa markaa dhici lahayd in madaxaa la isla wada gali lahaa saxafadina aanay jirteen . Saxaafadda lama odhan waxaad u tahay xor in waxaad doonto aad qori karto hadaad joornaal tahay, amaba aad ka mid tahay mareegaaha internetka, lamana odhan waxaad doonto ku hadal hadaad Television tahay. Dunida dal walba saxaafadbaa ka jirta, dal walbana xeer iyo xuduud saxaafadeed oo lagu kala socdo ayaa dabcan ka jira. Taasaana sabab u ah in saxaafaddu guud ahaan inay yeelato kala dambayn ah soo saare iyo tafatire IWM. Dalalka reer galbeedka ah ee inta badan saxaafadeedooda lagu tilmaamo saxaafadda madaxabannaan xeer , anshax mihnadeed iyo xuduud saxaafadeed bay samaysteen ay ku kala socdaan kuna kala dambeeyaan.


Dhaqanka Iyo Xuduudka Saxaafadda:

Waxaan jeclahay inaan qoraalkaga ku kobo muhimadda iyo nuxurka ula jeedada maqaalkan oo ah is toosin iyo in la is canaanto marka laga leexdo wajiibka saxaafadeed. Waxaan tusaale u soo qaadanayaa shabakado ka mid mareegaha internetka ee reer Somaliland ah oo aanan doonayn inaan halkan ka magacaabo ayaa waxyaabaha ay qoraan oo ka soo baxay tafatirayaashooda oo run ahaan aad u malaynayso in qofka qoray iskaba dhaaf inuu mihnad saxaafadeed leeyahaye la moodo shakhsiyaad ka aradan diintiinii suubanayd , insaanyaddii, iyo dhaqankii wacnaa ee reer Somaliland, qoraaladana aad ka dheehanaysaa dhexdhexaad la’aan saxaafadeed, qarad tafatitiraha u gaar ah, nacayb shakhsi oo aad arkayso inuu masu’uul qaran oo cay iyo aflagaaddo dusha lagaga tuurayo sidii oo masu’uulkaasii ceeb looga dhigayo inuu xanuunsanayo oo kale.

Saxaafadda ama saxafiga taba baran waxaa wajib ku ah inuu ku dhaqmo marka ugu horaysaba daacadnimo uu daacad uu u yahay mihnadda iyo mas’uuliyadda ka saran saxaafadda iyo qarankaba. Qofka saxafiga ah ee tababaran wuxuu mar walba ku khasban yahay in uu dhex dhexaad noqdo oo aanu dhinac u xaglin. Qofka saxafiga ah waxaa wajib ku ah in uu runta ka sheego dhacdo kasta oo uu soo warinayo, isla mar ahaantaasna kala saaro dareenkiisa iyo wuxuu jecelyahay, dhacdada dhabta ah ee jirta ee uu warkeeda soo warinayana inuu siday tahay u sheego. Maah maah Somaliyeed baa tidhaa “ Gaal Dil Gartiisana Sii ! “ Qofka tafatiraha ah ama saxafiga ah ee u carbisan suxufinimada waxaa waajib ku ah inuu iska hubiyo wararka uu soo dirayo ama ku baahinayo warbaahintooda. Qofka saxafiga ah ee uu tababaran mihnaddiisa waxaa waajib ku ah in uu doonto oo raadsad wararka saxa ah soona hubiyo xaqiiqadiisa ee aanu mid uu saaxiibkii ka soo helay soo baahin, waxaa qofka saxafiga ah ka reebban in uu lacag saxafinimada u adeegsado oo hunguri ama dad uu lacag ka qaatay ku amaano. Dhakhtarnimadu waa mihnad mushahaaro lagu qaato, Saxafinimaduna waa mihnad mushar lagu qaato, Duuliyenimadu waa mihnad waxaan intaas oo tusaale ah uga jeeda mas’uul kastaa mihnaddiisa wuxuu ka dhowraa anshax xumida kana ilaaliyaa inaanu ka bixin xayndaabka ay leedahay.



La Soco Qaybta Labaad Wakhti Aan Fogayn, Fadlan Doodanna si Cilmiyaysan uga soo Qayb Qaado

 

 

 

 

Barkhad Axmed Ismaciil
Jamestown, Newyork