C/Lahi Dirawalka La Sheegaayo Waar Miyaanu Ahayn Ninkii 11 Suldaan Oo Gurigayga Ku Jira Iyo Boqol Inan Oo Gurigayga Ku Wareegsan, Ninkii Yidhi Waxaba Halagu Dumiyo, Adeer Goormaan Isu Nimi  Suldaan Bare X. Xuseen Caraale

 


Suldaan Bare X Xuseen iyo Suldaan Xuseen Caraale X Cabdi oo ka mida Salaadiinta Beelaha Hargeysa ayaa shir jaraa’id oo ay ku qabteen guriga Suldaan Bare waxa ay si weyn u daadifeeyeen war ku soo baxay wargeyska Geeska Afrika oo sheegay labada suldaan inay aragti ahaan taageersanyihiin musharaxnimada C/lahi Dirawal taasoo wargeysku sheegay salaadiinta beeshu inay go’aansadeen.


Ugu horeyna waxa shirkaasi jaraa’id ka hadlay Suldaan Bare waxaanu hadalkiisa ku bilaabay “Waxa jira jariidada la yidhaahdo geeska afrika sawirkaygii iyo magacaygii oo ku yaala oo la leeyahay hadaanu nahay beesha Arab salaadiinteeda waxaan taageersanahay ninka la yidhaahdo C/laahi Dirawal iyo nin ay ku xigeen ku sheegayeen, oo aanu taageero siinaynaa ayaa ku qoran.


Dadka Somaliland waxaan u sheegayaa inaanan waxaa shaqo ku lahayn, inaanan waxaa gayin, waxay iga gashay jariiradu danbi waxaan doonayaa sharciga in la soo taago, meel aan ugu imaday iyo meel aan telefoon la igala soo hadlay midina ma jirto.

Laba nin baa shalay ii yimi anigoo jooga Maansoor, Suldaan Cumar iyo Suldaan Laydh bay ahaayeen waxa la I yidhi galabta ninkii C/lahi Dirawal taageeraynu siinaynaa, shaqadaa anigu ma lihi baan ku idhi taageerana anigu siin maayaan ku idhi, saakuun baa la I yidhi jariidada waxa ku qorani waa maxay, kaasi waxa weeyi waa been abuur jariidadana in sharciga la horgeeyo ayaan doonayaa wixii ay caawa iga galabsatay in la mariyaa baan doonayaa iyo cida kale ee waxaa u keentayba haday odhan lahaayeen cidbaa noo keentay anigu waxba uma keenin


C/lahi Dirawalka la sheegaayo waar miyaanu ahayn ninkii 11 Suldaan oo gurigayga ku jira iyo boqol inan oo gurigayga ku wareegsan miyaanu ahayn ninkii yidhi waxaba halagu dumiyo,sabad weeyaanoo nin ka baxsan maayee, adeer goormaan isu nimi , goormaanu ka heshiinay, goormaanu walaalo noqonay, goormaanu taageero isa siinay. Waa kii kala hadlayay Muuse Biixi ee inamada tilmaamaayay, ee xaafada timaamaayay, ee xaafada tilmaamaayay


Waxaan ku soo ururinayaa hadii maalin walba nin masuula waxaanu gayin laga sheego oo xaafadu ay ka sheegto khatarteeda iyo dhibteeday leedahay laguna wada socon maayo’


Dhinaca kalena waxa halkaasi hadalo la mida hadalada Suldaan Bare shirkaasi ka soo jeediyay Suldaan X Cabdi waxaanu sheegay inaanay habayaraatee jirin meel ay taladaasi ku gaadheen isagoo daadifaynaya taageerada musharaxnimada C/lahi Dirawalna waxa uu yidhi arintaa been abuurka ah anigu ma ogi, cida geysay halkaasina waa danbiile. Waxaana wanaagsan masuuliyiintu inay is ilaaliso, jaraa’idkaa na qoray ee xaga hore na dhigayna ogolaansho nagama haysto isagaana arintaa ka jawaabi doona, mana ogin mana aqbali doono



Intaa ka dib waxa ay labada suldaan halkaasi kaga jawaabeen su’aalo laga weydiiyay arintan


 



Waaheen