Dadku waa Isku Dhoone Ha dhamaado takoorku

 



Akhriste munaasibadan oo si heersare ah loo soo agaasimay oo ka dhacday Hotel Maansoor, wa xa lugu daahfurayey akaadamiga

Madal caways oo xanbaarsan daahfurka akaadamiyada ADEM iyo soo bandhigida ruwaayad murti badan iyo macno badan xanbaarsan oo la magac baxday “Dadku waa isku dhoone ha dhamaado takoorku” oo uu curiyey abwaan Axmed aw geeddi “Dheeraad” islamarkaana ay matalayeen dha lin Ilaahay hibo u siiyey qaabka wax loo matalo iyo sidoo kale dareensiinta bulshada waxaa ay ka helayaan macanaha iyo miisaanka ay xanbaarsantahay iyo waliba sida ay muhiim u tahay in  buls hada looga dhaadhiciyo.


Akhriste munaasibadan oo si heersare ah loo soo agaasimay oo ka dhacday hotel Maansoor waxa lugu daahfurayey akaadamiga horumarinta waxbarashada dadka la haybsooco oo loo bixyey  ma gac aad u soo jiitay dadka oo dhan oo ahaa ADEM, Waxaana halku dhig u ahaa dhamaanteen  ila ma bini aadm ayaa aynu nahay Adem-na waxa laga sameyey Ciid. Runtii waxay ahayd  munaasib ad aad u qiimo badan waxaana ka soo qaybgalay dad faro badan oo ka mid ah haldoorka  Umadd an Jamhuuriayda Somaliland.


Hadaba maxay ahayd Dadku waa isku Dhoone Ha dhamaado Takoorku?!!!!!!!!

Sidaad ka garnkarto magaca ruwaayda waxa aya hayd ruwaayad xanbaarsan macno badan iyo akhlaaqiyaad faro badan, Maxaa yeelay qofka damiirka lihi waxa uu si fiican u dareemayey isaga oo ka galiilyoonaya dhibta lagu hayo dadkaa walaalaheena ee aynu nahay isku diinta, dhaqanka iyo dadnimadba ee aanay jirin hadaan halkaa wada marno wax aynu ku kala duwanahay. Ta  akhl aaqda waxa ka madhnaa music iyo qaawanaan kaleba waxaanay ahayd ruwaayad asturan oo  ha bdhaqan fiican ka muuqdo waxxaabad moodaysay in culmo aw diin ay matalayso iyo-da oo  maca nheega guudna ahaa xagga guurka kaas oo ah waxa koobaad ee dadka la haybsooco lagu  tako oro, waxaana dhacaysa in inanaka iyo gabadha ruwaayada aktariinta u ahaa oo midna gobooye yahay midna duriyadaha kale yahay ay is jeclaanayaan sheekoo dheer ka dibana ay doonayaan in ay isguursadaan marka ay u soo badhigaan faamaligii inanata oo ka kooban hooyo, aabo iyo walaalkeed, Ayaa inankii gabooye waxa uu u imanaya inantii aabheed ka dibna marka uu arintii u sheego ayuu odaygii oo yaaban inankii ku odhanayaa bal orodd aan dib iskugu noqonee, Waxaanu u yeedhayaa inantiisii ninka la soo heshiisay ee Badheedha waxaanay aabaheed ku qancianaysaa in ay ninka markay eegtay karateeriyadii nin looga baahnaa oo dhan in uu si xadkii loogu  talo ga lay ka baxsaan uu u dhaafiyeye uuna qancieyey, kadibana waxay aabheed ku qancisay in uu iska dhaafo qabiilka uu yahay laakiin ay doonayso in ay inanakaasi uu noqdo caruurta aabhood  calas haan ninkeedii, inanta aabaheed waxa uu ahaa nin sheekha waanu aqabalay waayo dadka oo dhan inay ilma bani’aadam yihiin ay xasuusnaa, inantiisiina waa uu bixiyey, maadaba uu diinteena suuban ee islaamkana si fiican u yiqaanay.


Ka daroo dibi dhala waxa safar ka timid hooyo Budeeya iyo wiiilkeegii, gurigii makray imaadeen  w aaba loo bushaareeyey, mashxarad iyo farxad ayey la boodboodeen, Ilayn waa Soomaaliye  wax ay la soo booday xaaji inanta ma reer abtigeed mise de duriyadeeda ayaa inaga guursaday, ka diba xaajigii waxa uu ugu jawaabay midna, markaasay tiri dee xaaji kolay inanteenu waa baxsane hablaha badh bay dheertahee waa ayo cida inaga guursatay hadayna labadaa midna  ahayn,Wa xaanu si dagan oo kalsooni badani ka muuqato u yidhi xaajiyo waa Gabooye markaasay tiri yaa yaa !!!!!! oo xaaji ma naanaysta inankaa, May xaajiyo waa qolodiisa , markaasay tiri hoogay oo ba’ay ma midgaan baa ......!!!!! markaasu odaygii yidhi haaaa ,markasay islaantii waalatay waxa an ay intay kabihii afka ku qaadatay ee ay magaaladii dhex carartay tiri uuu u......uuu uu..... uu u  Midg aaan!!! Midgaaan ...... Midgaaaan, markaasay iskala garnwayday cirr iyo dhul meesha ay jo ogto.

Inakeegii bay u yeedhay xaaldu cirka ayey isku shareertay walee wixii meeshaa ka dhacay dad b adan ooye qaar kale galiilyoode qaarna madax luxay waxay ahayd waqti dadkii qiimaha lahaa ee madasha fadhiyey qofba uu xaalad gaar aha ku sugnaado.

Alxamdulilaah calaa kuli xaal kama danbaystii hooyo Budeeya , alle soo hadee iyada oo u soo mari yey xaaji geeda iyo walaalkeed , oo qurbaha ka yimid oo magaalada u yimid inuu guursado min y aro Gabooye ah, Aakhrkiina inankii iyo inantii way is guursadeen , inantii walaalkeedana waxa uu guursaday inankii seedigii ahaa walaashii oo Gabooye ah, abtigoodana guursay minyaro Gabooye ah ,waxaana halkaa ka soo baxay qoys balaadhan oo reer abti iyo reer tolba leh. Subag Ilaahay halkaasana ay ku dhamaatay ruwaayadii uu curiyey Abwaan Geeddi Ilaahay cimriga ha u dheeree ee, dad badana u noqotay cashar.

Yaa salaam sidaas ayuu kuY imid lagagna gun gaadhay “Dadku waa isku dhoone ha dhamaado  ta koorku” kuwa danbenna la socda sxb-yaal fadlan hana dhamaado takoorku afrta cisho ee dunida safarka lagu yahay ilama bini’aadamoow, Akhirana qof walaba camalkii baa lagu xisaabin.


Guul iyo Gobonimo


 

 

 

Qalink:Sahra-Kiin Abdirahman Ahmed
Sahra873@hotmail.com
Hargeisa Somaliland