Dadwaynaha Wajaale oo Wacad ku maray In Jawaab Cawaaqi bkeeda aan la
mahadin ka qaadi doonaan Haddii aan Faraha laga Qaadin Taliyaha
Degmada Wajaale ee lagu Xidhay Darajadiisa.
Qaar mid ah Madax dhaqameedka Degmada Wajaale iyo Ganacsatada oo
Timaacde news la soo xidhi idhay ...
Wajaale (TNN):- Dadwaynaha ku dhaqan Degmada Wajaale oo illaa maanta
hadal haya Dhacdadan ugubka ah ee la kulantahay Taliyihii Saldhiga
Degmada Wajaale oo Xukuumadu ku Xidhay Xarunta Birmadka ee hargeysa.
Taliye Muxumed Cumar Suldaan oo ka mid ahaa Mujaahidiintii ururkii
SNM isla markaana ka mid ah Xubnaha Sida wayn looga Qadariyo
Deegaanka Gabiley ayaa Taliyaha Qaybta Gobolka Gabiley Damac ka
galay 3 Xidigood oo lagu maamuusay maalintii gudida qiimaynta
Darajooyinka ciidanku bixinaysay, taasi oo Taliyaha Qaybtu ku amray
in uu soo celiyo hal Xidig oo ka mid ah Darajooyinkaasi.
Qaar mid ah Madax dhaqameedka Degmada Wajaale iyo Ganacsatada oo
Timacade News la soo xidhiidhay ayaa Sheegay in Xukuumaddu Dusha
uridan doonto waxa Soo Gaadha Taliya Qaybta Gabiley iyo Guud ahaan
Amaanka Gobolkaba haddii Faraha laga qaadi waayo Taliyaha loo Xidhay
Darajo lagaga noqonayo.
“ Waa Badheedh cadaan iyo Kibir lala beegsanayo Madaxda iyo
Mujaahidiinta Gabiley, waa Talaabo xukuumadu ka danbayso oo ay ku
doonayso inay bahdisho shaqsi walba oo sumcad ku dhex leh bulshada
oo deegaankan ka soo jeeda, waa dhacdo la mid ah tii lagu xidhay
Wasiir abiib timacad isaga oo Xil u haya Xukuumada Somaliland, waa
dhacdo marwalba lagula kaco dadka ka soo jeeda deegaanka Gabiley oo
xukuumadu ku doonayso in ay Sharafta iyo Sumacada kaga qaado sidaa
awgeed waa in fiiro gaar ah loo yeesha Hadimooyinka joogtada ah ee
lagu hayo madaxda Gabiley, tii boobe ayaa la ogaa oo tii abiib ku
dhacday ayaa la ogaa oo tii Mujaahid haybe oo gabay tiriyay lagu
xidhay baa la ogaa, maantana ma taliye lagu haysto darajadii la
siiyay oo waliba xabsi ku mutaystay ayaynu daawanaa, waa doqoniimo
inteed leeg ayaan filayaa waxa danbe ee la inagu dayaa” sidaa waxaa
yidhi Mawliid Yuusuf oo ka mid ah odayaasha Deegaanka Wajaale.
Timacade News desk
Tog-wajaale,Somaliland
|