Dadweynaha Degmada Wajaale Oo Mudaharaad Kala Hor Yimid Maamulka Cusub Ee Dhawaanta Loo Magacaabay Deegaankaas

 


Kumanaan ka tirsan dadweynaha ku nool degmada wajaale ayaa mudaharaad salmi ah isugu soo baxay maalintii shalay Garoonka weyn ee Kubadda Cagta ee magaaladaas, Mudaharaadkan ayaa ka dambeeyay ka dib markii dhawaan la bedelay maamulkii hore degmada wajaale gudoomiyihii, ku xigeenkiisii iyo xoghayahii oo isaga la sheegay in xabsiga loo taxaabay bil iyo dheeraad ka hor.

Mudaharaadayaasha ayaa waxay ku dhawaaqayeen erayo ay ku diidan yihiin maamulka cusub ee dhowaantan loo magacaabay degmada Wajaale, kuwaas oo xubnaha maamulka Cusub ku sheegay inay yihiin kuwo xaafad kaliya ka soo jeeda Maamulkii cusbaa ee wasiirka Arrimaha Gudduhu Cabdilaahi Ismaaciil Cali (Cirro) uu toddobaadkii hore u magacaabay degmada Wajaale ee gobolka Gabiley ka dib markii uu xilka ka qaaaday guddoomiyihii degmadaasi Qawrax Muuse Cabdilaah, Guddoomiye ku xigeenkii Cabdilaahi Cali Xaddi, xoghayihii fulinta Maxamed Cabdi Cali ayaa si rasmi ah xilkii ugu wareejiyey Guddoomiyaha cusub ee degmadaasi loo magacaabay Cumar Aadan Qaasaali, guddoomiye ku xigeenka Maxamed Xuseen Kaahiye, xogyaha fulinta Fu’aad Badh- ingiriis, kuwaas oo labada maamul uu xilka u kala wareejiyey agaasimaha waaxda gobolada iyo degmooyinka ee wasaarada Daakhiliga Xasan Raage.

Haseyeeshee waxaa maamulkaasi cusub ee wasaarada Daakhiligu soo magacaabay gaashaanka ku dhuftay Odayaasha beesha reer Cumar ee deegaanka gobolka Gabiley oo iyagu ku dooday inaan maamulkaas cusub iyaga wax saami ah laga siinin, isla markaana sheegay inaanay la shaqayn doonin maamulka cusub ee wasaarada Daakhiligu soo magacowday.

Munaasibadan ay maamulka cusub xilka kula wareegeen oo shalay lagu qabtay xarunta maamulka degmada wajaale ayaa waxa ugu horeyn ka hadlay guddoomiyihi hore ee degmada wajaale Qowrax Muuse Cabdilaahi oo xilka degmadaasi loo magacaabay 4-tii bishii Apriil 2006-dii, waxaanu halkaasi ka sheegay in xilka laga bedelay uu ku qanacsan yahay isla markaana uu soo dhawaynayo maamulka cusub ee degmada loo soo magacaabay, waxaanu yidhi “ runtii xilkan oo lay magacaabay bishii April 2006-dii waxaanu muddadasi degmada ka qabanay hawlo wax ku oola oo ay ka mid yihiin, adeegyada bulshada, waxbarashada nabadgelyada, jidad magaalada oo wada xidhnaa oo intooda badan aanu furnay, waxaana maanta Ii sharaf ah wajaale oo heer degmo noqotay inaan xilkeeda wareejiyo, halkii aan xilkeeda kula wareegay maqaam tuulo, sidaa darteed xilkan nalaga bedelay waanu ku qanacsanahay waanan soo dhawaynayaa maamulkan cusub ee loo soo magacaabay degmada waxaanan balan qaadaynaa in aanu la shaqayn doono”

Intaa ka dib waxaa isna hadalo kooban ka soo jeediyey Guddoomiyaha cusub ee degmada loo soo magacaabay Cumar Aadan Qaasaali oo sheegay in uu aad ugu mahad naqayo qaabka wanaagsan ee uu maamulkii hore xilka ugu wareejiyey, isla markaana sheegay in wixii karaamkiisa ah uu ka qaban doono xilka loo soo magacaabay, isla markaana waxa uu bulshada ku dhaqan deegaanka Wajaale ka codsaday in isaga iyo maamulkiisaba ay la shaqeeyaan.

Dhinaca kale Duqayda beesha reer Cumar ee deegaanka wajaale oo ay ka mid ahaayeen Cismaan Miigane Suldaan, Maxamed Warsame Axmed, Xuseen Daa’uud warsame ayaa iyagu maamulka cusub ee wasaarada daakhiligu u soo magacowday degmada Wajaale ku tilmaamay mid aan saamigii beeshoodu ku lahayd deegaanka Tog-wajaale aan laga siinin xubnaha maamulka cusub ee la soo magacaabay, waxaanay sheegeen in aanay maamulkaa cusub la shaqayn doonin, ilaa inta laga xusayo beeshooda oo ay ku tilmaameen in deegaanka Tog-wajaale ay miisaan balaadhan ku leeyihiin isla markaana doorashadii golaha Wakiiladana ay codad badan beeshoodu ka soo hoysay.

Dhinaca kale waxa dadweynaha degmada Wajaale ay dareemo guux leh ka muujiyeen guddoomiye ku xigeenka cusub ee degmada wajaale loo soo magacaabay Maxamed Xuseen Kaahiye oo isagu ka soo jeedda Beesha Degmada Dilla, taas oo ay dadweynaha ku dhaqan deegaanka Wajaale ay gadood weyn ka muujiyeen magacaabista xubintaasi guddoomiye ku xigeenka ee wasaarada Daakhiligu ay soo magacawday kuna tilmaameen mid ka soo horjeedda qaabka maamulada degmooyinka lagu saleeyo oo inta badan maamulada degmooyinka loo magacaabayaa ay ku salaysan yihiin dadka deegaankaasi u dhashay
.

Xildhibaan Bashiir Tukaale oo isagu ka mid ah mudanayaasha golaha Wakiilada ee laga soo doorta gobolka Gabiley ayaa isagu cambaareen kulul u soo jeediyey qaabka ay wasaarada Daakhiligu ugu magacowday guddoomiye ku xigeenka degmadaasi Wajaale oo uu sheegay in arrintaasi ay ka soo horjeedo xeerka gobolada iyo Degmooyinka, tilmaamayna in sharci daro ay tahay in xubin aan u dhalan deegaankaasi loo magacaabo degmada Wajaale, waxaanu wasaarada u soo jeediyey in arrintaasi ay dib uga noqoto


 

 


Haatuf