Dadweynuhu Maxay Ka Fa'iideen adeega Shirkada Isgaadhsiinta Ee Telesom ?

 

In badan ma dhacdo in la arko bulsho iskeed u bogaadinaysa shirkad ganacsi, dadkuna waxa ay inta badan u arkaan shirkadaha ganacsiga kaliya qaar macaash doon ah, laakiin waxa dhab ah in ay bulshadu wax badan oo baahideeda ah ay ka faa?ido shariikada ganacsiga. Iya da oo guud ahaan la ogyahay waxqabadka shirkadaha Isgaa dhsiinta, waxa aan maanta si gaar ah diirada u saarayaa, waxqa badka aanu ka faa?idnay shirkada Telesom muddadii ay shaqayn aysay, aniga oo ka mid macaamiisha Telesom 2000-2009.


1.Telesom intii aan la aasaasin, qof kasta oo aan u baahdo waan raa din jiray, waxaanan ugu tagi jiray halka uu joogo, markii aan Telesom helayna waan nastay oo muraadkayga tell ayaan ku dhameeyaa.

2.Meelo ay ahayd in aan booqdo, ama xogo mihiim ah oo aan rabo in aan dad u tabiyo waxa aan si sahal ah uga sheegaa khadka Telesom.

3. Xogo badan oo aan bulshada uga baahanay waxa la iiga soo tabiyaa moobilka Telesom.

4. Barnaamijkii tartan aqooneedka ee Telesom iyo Ramadaanta, cilmi aan la koobi Karin ayaan ka bartay.

5. Wararka aniga oo meelna ka dhagaysan, ka daawan, ka akhrisan ayaan ka helaa Telesom.

6. Eheladayda iyo asxaabtayda kala jooga dacalada dunida, waxa aan ka wada xidhiidhnaa annaga oo aan daalin khadka Telesom.


Lama soo koobi karo, faa?idada ay aniga iyo bulshaduba ku qabaan shirkada Telesom, waayo waxa la ogyahay sida ay Telesom uga qayb qaadato barnaamijyada horumarinta bulshada sida shaqo abuurista, caafimaadka, waxbarashada, nabad-gelyada, guur wadareedkii u dambeeyay. IWM.


Aniga oo ku hadlaya magaca dhamaan dadka ka faa?ida adeegyada shirkada Telesom, waxa aan ku bogaadinayaa shirkadaas sida ay u awday baahiyaha kala gadisan ee aan tabayno, waxaanan sheegayaa in lacagta service charge ka ee aan bixino in ay ka badan tahay hawsha ay shirkadu noo qabataa. Waxaan rajeynaynaa in Telesom ay halkaas ka sii waddo awdist baahida bulshada insha Allah. Waxaan ku soo gabagabaynaa maqaalkan mahadnaq aan u dirayo dhamaan shirkadaha ganacsi ee awda baahida bulshada, oo la?antood dhibaato badan ay ummadu la kulmi lahayd.
 

 



Siciid Maxamuud Gahayr

Hargeysa,Somaliland
saedmgahair@hotmail.com