dagaalka dhaqaalaha oo danyarta iyo maalqabeenka u dhaxeeya[fikirkan oo s/land meel kasta ku baahay]!!!!!

 



Raga maalqabeenka ee qurbaha kala yimi aduunka badan iyo danyarta dalka xoraysay ayaad m oodaa inay imika isugu jirto[DAGAALKA HANTI URURSIGA] danyarta ayaa bilawday inay noloshoo da ku dagaalamaan iskana celiyaan xaydhowaynta

iyo raga aduunka haysta ee ku danaysanaya mustaqabalka noloshooda ha u qaadan dagaal xab ada ama colaad dhiiga balse waa habka nolosha loo qaybsanaayo

Masaakiinta aan waxba haysan aya in badan u noolaa sida raga ilaahay wax siiyay waxa danya rtu ay ku qabsadaan aroosayadooda hotelada maalqabeenku samaystay waxaanay ku bixiy aan kharash aad u badan oo kumanaan dolar ka badan
waxase ay ku danbeeyaan faqiir-nimadoodi iyo shaxaadkii ay awalba ku noolaan jireen
kaliya waxa ku kalifaya inay hoteelo waawayn ka tuntaan waa fikarada maalqabeenka
oo ka xoog badatay iyo wacyigalin la,aan aan maamuladii dalka isaga danbeeyay marna awoodin
waxa nolosha loo tusay in hadaanay 30 gaadhi isdaba-galin 23 fijaana gabadha reerkoodu keenin
HOTEL WAYNA lagu bixin aduun fara-badan inay tahay nusaqaan aad uwayn.

Akhristoow waxa cajiiba in raga lacagta haysta aanay ayagu laftoodu waxan oo khartasha galin aroosyadooda
ee ay yihiin raga ugu kharashka yar markay guursanayaan ayagoo ku odhanaya adeer lacagtaydu ciyaar-ciyaar
igaga bixi mayso[ halkaa waxaa kaa cad in maalqabeenku ilaashadao kharashkiisa ku baxaya]

Kaliya dadka wadada qaldan hayaa waa kuwa marka horeba ilaahay aanu waxba siin[faqiir aan fikirayn]
raga lacagta haystaa kumay helin lacagtan nasiib ama kamay helin banaanka iyo wadooyinka
kaliya waxay yareeyaan kharashka ku baxaya waxaanay ururiyaan waxa soo gala balse danyartu waxay
ku dadaalaan inay lumiyaan lacag badan mana ururiyaan wixii soo gala taasina waxay keentay in
dadka wax haystaana sii korodhsadaan kuwa aan wax haynina ay wax la,aantu ku sii badato

Maanta ayaad mooda in danyartu fahmeen sirta nolosha waxaanay ka bilaabeen inay kharashka guurka
yareeyaan oo sida kuwa tujaarta ay isku dayaan inay kharash yar ku bixiyaan guurka.
maanta ayay gudida anshax-farida iyo xumaan-reebidu bilaabeen inay ficil muujiyaan dadka danyartana
si wayn u wacyi galiyaan [ maamulka dawladuna aan ku rajo waynahay inay meel mariyaan arintan taageerana siiyaan].

Akhristow bal soo booqo guryaha dadka tujaarta ah iyo kuwa aan waxba haysan waxaad arkaysaa
dadka tujaarta ah inay cunaan hadhuudh , arabikhi, kimis ama laxoox caanaha xoolaheena
waxaanay wada leeyhiin beero ay KU beertaan sida tamaandhada saladhka hadhuudhka liinta IWM
waxaanay markasta ku dadaalaan inay yareeyaan kharashka noloshooda.
wax beerashadu hadaad muruqa maasho kaliya waxay u baahan tahay in loo hawlgalo[BIYAHA WAA LA XIDHAA]
hadaad qabato guryaha foqradana waxaad arkaysaa inay cunayaan baasto , bariis , caano-nido sharabka laga
keeno qurbaha waxna ma beertaan [waa dad aan hawlkar ahayn oo raba inay fadhiga ku daaqaan] cunto qaaliyana cunaan
fadhi iyo food yicibeed laysku waa.

Maanta suuqa ugu wayn waa hotelada lagu qabto aroosyada xafladaha iyo meherka
ninkasta oo kharash ka baxayna kama darajo badna ninka aan kharash badan ka bixin
nin waliba marka hawshu dhamaato wuxuu dib ugu soo noqdaa noloshiisii dhabta ahayd
waxana laguda galaa noloshii dhabta ahayd oo waliba masuuliyadi kusii fuushay
hadaba miyaanay ahayn in danyartu ay fikiraan oo ku dadalaan inay aduun yeeshaan
miyaanay ahayn in kharashka ka baxaya ay ka fikiraan oo mustaqbal u sameeyaan reerka
ay yagleelayaan iyo nolosha kusoo fool leh ee ubad iyo caruur wax barata aad u samayn lahayd
wax ay ku farxaan ama qayrkood kala sinaadaan.
maaha in kaliya raga wax haystaa ubadkooda mustqabal u sameeyaan basle waxa ila quman
in danyartu ubadkooda mustqabal u sameeyaan oo faqiirnimadii aad soo mareen caruurtooduna MARIN
wataciduhaa udunun waaciyah[dhagihii alla waaniyaa waansan ].

WABILAAHI TAWFIIQ

 

 

 

 

 

 

Siciid Cabdi Dheen
dheen@live.co.uk
London