Dagaalo ka qarxay degaanka ceelberdaale oo keenay dhimasho iyo dhaawac
 

Gabiley (Longlivesomaliland News)- Wararka ka imanaya ceeriga ee ka tirsan degaanka ceelberdaale ee gobolka Gabiley ayaa la sheegayaa in dagaal dib uga qarxay saaka barqadii hore.

Dagaalo ka qarxay degaanka ceelberdaale oo keenay dhimasho iyo dhaawac
Wararka ka imanaya ceeriga ee ka tirsan degaanka ceelberdaale ee gobolka Gabiley ayaa la sheegayaa in dagaal dib uga qarxay saaka barqadii hore.

Waxay wararku sheegayaan in maleeshiyada reer maxamuud nuur gaadmo ku soo qaadeen degaanka saaka subaxdii hore halkaas oo ay iska horyimaadeen ciidankii degaanka degaanka ee reer Gabiley.

Waxay wararku intaa ku darayaan in maleeshiyada reer maxamuud nuur laga dilay hal nin, dhaawacna la soo gaadhsiiyay ilaa shan nin oo kale. Dhinac kale waxa ciidanka degaanka ceelberdaale ee reer gabiley kala hadheen hub iyo qoryo ay ka yaaceen maleeshiyada reer maxamuud nuur ee weerarka gaadmada ah soo qaaday.

Waxay galabta mar kale maanta ay isku dayeen inay weerar ku soo qaadaan agagaarka satiile halkaa oo ay iskaga horyimaadeen ciidan beeleed halkaa deganaa taas oo dib loo caydhsaday.

Waxay wararku intaa ku darayaan inayna jirin haba yaraate wax khasaare ah oo soo gaadhay ciidan beeleedka reer gabiley.

Hadaba waxa layswaydiinaya sababta keentay in maleeshiyada reer maxamuud nuur soo qaadaan weerarkan gaar ahaan waqtigan xaadirka ah ee aynu ku jirno iyo bishan barakaysan ee ramadan.


Waxaana durtiiba la isla dhexmarayaa inuu amarku ka soo baxay  madaxtoo yada si looga leexiyo indhaha dhibaatada siyaasadeed ee ka taagan dalka oo la doonayo in indhaha lagu soo jeediyo markale degaanka ceelberdaale si da lka loogu tilmaamo inuu ku jiro colaad keensanysa xaalad degdeg ah.
 


Source: Gabileynews