Dahabshiil Group oo Tababar Muhiim ah u Qabatay Qaar ka mid ah Shaqaaleheeda
 

 


Tababarkan oo lagu qabtay Jimcihii maanta huteelka Maansoor ee magaalada Hargeysa, kana qaybgaleen ilaa kontan ka mid ah

Hargeysa (TNN)- Shirkadaha Dahabshiil Group ayaa tababar muhiim ah oo la xidhiidha aqoonta casriga ah iyo shuruucda isu-socodka lacagaha iyo weliba daryeelka macmiilka siiyey shaqaale ka tirsan qaybta xawaaladaha ee gobollo ka mid ah Somaliland.

dahab
Tababarkan oo lagu qabtay Jimcihii maanta huteelka Maansoor ee magaalada Hargeysa, kana qaybgaleen ilaa kontan ka mid ah shaqaalaha ka hawlgalla laamaha xawaaladaha gobollada Sa axil, Maroodi-jeex iyo Awdal, waxa uu ku saabsanaa shuruucda lagu maamulo isu-socodka la cagaha xalaasha ah iyo daryeelka macmiilka iyadoo la isticmaalayo habab cusub oo shirkaddu ku soo kordhisay.

Maareeye-ku-xigeenka Shirkadaha Dahabshiil Group Axmed Warsame Ducaale oo furay tabab arkaasi ayaa sheegay in tababarkani ka mid yahay kuwo sannadle ah oo shirkaddu u qabato shaqaalaheeda, iyadoo labadii bilood ee tagay tababaro noocan ah loo qabtay shaqaalaha shi rkadda ee magaalooyinka Burco iyo Muqdisho, isla markaana dhawaan kuwo kale la siin doono.

Mr. Axmed Warsame Ducaale oo ka warramayey faa’iidada uu tababarkani leeyahay iyo ujeed ada ay ka leeyihiin waxa uu yidhi, “Si ka hortagga lacagaha sharcidda ah marba wixii ku soo kordha loola socodsiiyo shaqaalaha ayaa loogu talogalay, Isha Allaahu sannad kastana sidaasi ayuu inoogu socon doonaa. Tababarkan dhawr ujeedo ayaa laga leeyahay oo ay ka mid yihiin; in nidaamka sharciga ah ee loogu talogalay lacagaha maadaama aynu nahay shirkad caalamka ka diiwaangashan in waxeenu si sharci ah u socdaan, qodobka labaad waxa weeye in la raali geliyo macmiilka oo si wanaagsan loogu shaqeeyo, tababarkan markaynu qaadanana Isha Alla ahu waxaynu rajaynaynaa in aan qof dambe oo macmiil ah wax cabasho ah muujin oo qof wa lba inta uu inala joogo wixii macluumaad ah ee aad uga baahan tahay ka dhammaysato.

Qof kasta oo ka mid ah shaqaalaha tababarka qaadanayana dhukumenti ayaa laga saxeexi do onaa oo waa la kaydin doonaa, waxaanay noqon doontaa wax lagu xisaabtamo.”Maareey e- ku -xigeenku waxa uu kula dardaarmay shaqaalaha tababarka qaatay inay gaadhsiiyaan cash arrada iyo shuruucda la siiyey kuwa kale ee la shaqeeya oo aad iyaga uga badan, laakiin aan fursad u helin inay tababarka ka qaybgalaan, si ay u midho-dhasho ujeedada laga leeyahay.

“Waxa loo baahan in tababarkan looga faa’iidaysto sida loogu talogalay oo qof kasta oo qaa tay ay goordhaw ka muuqdo shaqiisa waxtarkii casharradu,” ayuu hadalkiisa ku soo koobay Axmed Warsame Ducaale.

Maamulaha Laamaha Hargeysa Axmed Maxamed Yoonis oo isna halkaasi ka hadlay, ayaa ku t ilmaamay tababarkan mid muhiimad wayn u leh shaqada ay hayaan shaqaalaha Dahabshiil, waxaannu yidhi, “Shaqo xaasaasi ah ayeynu haynaa oo macmiil ayeynu u shaqaynaa, hantidii ummaddana waynu haynaa, markaa waxa la rabaa markaynu tababarkan qaadano inuu ina af naco oo shaqadeena wax ka beddelo, adeegyada aynu u hayno macamiisheenana uu sii laban laabi doono.”

Madaxa Waaxda ka Hortagga lacagaha aan sifaha sharciga ku socon ee shirkadda Dahabshiil Cali Maxamed Goodir oo isagu tababarka bixinayey ayaa sheegay in qaabkii hore ee loo bixin jiray tababarrada wax laga beddelay oo hadda casharradii sida guud loo siiyo la-tababarayaa sha loo raacinayo inay si toos ahna gacanta uga qabtaan si loo eego sida ay u fahmeen.

Waxa kale oo uu sharraxay adeegyo cusub oo lagu tababarayo shaqaalaha inay ku shaqeeya an, “Waxaad ogaydeen in marka macmiilku lacag qaadanayo ama uu dirayo aqoonsigiisa laga sawirro, haddana haddii uu mar kale uu adeegii oo kale kuugu yimaado aqoonsigiisa la waydii yo, laakiin haddii aynu casharradan maanta la idin barayo ku shaqaysaan mar dambe macm iilka ku odhanmaysid aqoonsigaagii keen, waayo aqoonsigiisii wuxuu kuugu jirayaa si toos ah (on line) oo marka magacii hore ee lacagta uu kaaga diray ama telefoonkii uu qortay aad geli so aqoonsigiisu wuu soo boodayaa,” ayuu yidhi Cali Maxamed Good.

Gebogabadii tababarkaasi waxa shahaadooyin la guddoonsiiyey guud ahaan shaqaalaha ka qa ybgalay tababarka, kuwaas oo lagula dardaarmay inay hirgeliyaan duruusta la baray.
 

 


Timacade News Desk
Hargeysa, Somaliland